Shaqaalihii Warshadda Laydhka Hargeysa Oo Xukumadda Ku Eedeeyay Inay Xaqoodii Iyo Mushaharkiiba Kala Fadhiisatay

0
29

Hargeysa(Hubaal)-Shaqaalihii Warshaddii Korontada Hargeysa ee Dawladda ayaa maanta Mudaharaad ka dhigay Hargeysa kadib markii ay waayeen Xaqoodii iyo Mushahar ka maqnaa. Shaqaalaha ayaa Wasiirka Hawlaha guud ku eedeeyay inuu uga been sheegay Xaqooda ay ku mutaysteen muddada ay dawladda u shaqaynayeen iyo Mushaharaadka ay shaqaysteen oo ay tilmaameen inay muddo 45 Maalmood ah ka maqan tahay.

“Waxaa la ogyahay in meesha(Warshadda Korontada) la iibeyey oo lagu wareejiyey dad gaar ah ah,  waxaanay shaqaalahu doonayaan in ay helaan wixii ay xaq u heleen iyo shaqadii ay dalka ku lahayeen. markii aanu wax ka waydiinay shaqadayadii wasiirka hawlaha guud waxaa uu noo sheegay oo uu nagu yidhi “waar waxaad u shaqeynaysaan dadka gaarka ah ee aanu ku wareejinay maamulkii warshadda” balse arrintaas waxay noqotay mid saaka beenowday oo soo gabo gabowday. waxaanu saaka halkan ka sheegaynaa  in shaqaalaha halkan taagani ay yihiin qaar xaqoodii ku jajabay  oo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, qaar dhabarka ayey ka jabeen qaar lahafaha ayey ka jabeen qaar madaxa iyo maskaxda ayey wax ka noqdeen qof kastana maanta isaga oo qaba dhawaac ka soo gaadhey shaqadaas uu qaranka u hayey ayaa hadana waxaa uu maanta wasiirku halkan ka cadeeyey  in aannu shaqaalaha xaqoodii u haynin” ayay warbaahinta u sheegeen Shaqaalahaasi.

 CABASHO

Shaqaalahan hore ee hay’adda korontada dawladda ee hargeysa ayaa eedo culus u jeediyey wasiirka hawlaha guud cabdirisaaq khaliif axmed “Wasiirka hawlaha guud aamini mayno oo 45 jeer buu been noo sheegay oo maalin walba ballan kala duwan na siinayey waxaana saaka shaqadii laga fadhiisiyey 10 qof oo shaqaale ah isla markaana warqadan ku qoran taasina waxaa ay beeninaysaa shaqalahii la lahaa la eryi maayo wax sabab ah oo lagu eryeyna ma jirto”

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dhanka Xukumadda, hase ahaatee Shaqaalaha ayaa sheegay in ilaa 200 oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda Korontadu hadda yihiin shaqo la’aan kadib markii Xukumaddu Shirkad ku wareejisay Hay’adda.

Warshaddii Laydhka Hargeysa ee Dawladda ayaa haatan loo bixiyay Hargeysa Energy Company,waxaana maamula Ganacsato shuraako ah. Waxaa isbedel lagu sameeyay Shaqaalaha iyo sidoo kale lacagaha oo Shilin-ka Somaliland lagu qaadi jiray balse haatan Dollar laga dhigay.Shirkadda ayaa haatan Bulshada ugu baaqaysa Laydh Jaban sida ku cad Xayaysiiska Shirkadda oo Warbaahinta ku soo baxa.

 ramaasnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here