Madaxweynaha Oo Booqday Ciidamada Qaranka ee Jiidda Tukaraq Ku Sugan
Tukaraq (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada qaranka, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee magaalada dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka.