MACHADKA CILMIBAADHISTA EE WEEDHSAN
ARAR
Xogtani waa qayb yar oo ka mid ah taxanaha Xogmaal oo ka mid ah taxanayaasha xeesha fog ee sida joogtada ah ula soo bixi doona
tirsiyada Majalladda WEEDHSAN. Waxa si joogtaysan u sameeya Machadka Cilmibaadhista ee WEEDHSANoo dhowaan la aasaasay. Machadku waxa uu u kuurguli doonaa xaaladaha dhaqandhaqaale ee Soomaalida, isaga oo ku salaynaya marba baahida mujtamac ee jirta. Tilmaamaha iyo talooyinka ay deraasad kasta oo Machadku sameeyaa xanbaarsan tahay ayaannu aaminsan nahay inay fure u noqon karaan xal u helidda mushkiladahaas.
Waa kal-le ka shidaal qaadanaya xogo dhab ah iyo xaqiiqooyin sugan oo aan hadaltiro iyo huuhaa midna shaqo ku lahayn, taas beddelkeeda se obocda ku sita suul iyo saxeex u noqon kara sawrac iyo summad ka soocda inta marinka seeggan oo dhan.
Cilmibaadhistan waxaynnu ku gorfeyn doonnaa xidhiidhka ka dhexeeya maaddooyinka ay ardayda qalinjelisaa Jaamacadaha ka bartaan iyo fursadaha suuqa shaqo ee dalka ka bannaan. Waxa kale oo aynnu ku eegi doonnaa tirada ardayda ee sannadihii 2007-2011 dhammaysatay Jaamacadaha iyo maaddadaha ay barteen oo aynnu ka sii dhex arki doonno maaddada ay ugu badan yihiin ee ay bartaan. Aqoontaas la bartay ayaynnu dabadeetana barbardhigi doonnaa fursadaha shaqo ee dalka ka bannaan, maadaama isku-tiirsanaanta labadan arrimood saameeyaan shaqo-abuurka iyo shaqo-la’aanta labadaba.
ARDAYDA JAAMACADAHA KA QALIN JELISA
4,684 arday ayaa Jaamacadaha Somaliland ka qalinjeliyay intii u dhexaysay sannadihii 2007 ilaa 2011. Jaamacadda Hargeysa waxa ka qalinjeliyay 1,660 arday, Jaamacadda Cammuud 1,156 arday, Jaamacadda Burco 115 arday, Jaamacadda Admas 747 arday, Jaamacadda Eelo 155 arday, Jaamacadda Gollis 784 arday, halka ay 67 ardayna ka qalinjeliyeen Jaamacadda IHU. 2,816 arday oo ka mid ah qalinjeliyayaashaasi waxay ka baxeen Jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa, tiradaas oo ardayda dhammaystay labadaas Jaamacadood ka dhigaysa 60% ka mid ah wadarta guud ee qalinjelisay. Sidaas darteed, maadaama aynnu lafagurkan ku eegaynno kulliyadaha ay ardaydaasi bartaan, isla markaasna aynaan Jaamacadahaas oo dhan halkan ku muujin karin, waxaynnu soo qaadanaynaa xogta labadaas Jaamacadood ee ugu qalinjeliyayaasha badan oo inta kale wakiil metela u noqonaysa.
FURSADAHA SUUQA SHAQADA
Bulshada Somaliland ee ay da’doodu u dhexayso 15 ilaa 64 ee shaqeeya ama shaqo raadiska ah waxa lagu qiyaasaa 1.6 milyan, taas oo tirada guud ee dadka ka noqonaysa 56.4%. Tiradaas (1.6 milyan) ee shaqaysa 38.5% waxay ku nool yihiin magaalooyinka, halka 59.3% ay dhulalka miyiga ah ku dhaqan yihiin. Marka la isku wada darana, miyi iyo magaala ba, waxa shaqeeya 52.6% oo isugu jira kuwo iskood isku shaqaaleeyay iyo kuwo la shaqeelayay. Sidaas darteed, xaddiga dadka aan shaqayn ee magaalooyinka ku nooli waa 65.5%, halka 40.7% ay miyiga ku dhaqan yihiin, taas oo wadarta guud ee dadka aan shaqayn dalka oo dhan ka dhigaysa 47.4%.
Da’ ahaan dadka Jaamacadaha ka qalinjeliyaa waxay u badan yihiin dhalinyarada, waxaana lagu qiyaasaa inay 70% ka yihiin tirada guud ee dadweynaha Somaliland. Sida lagu sheegay cilmibaadhis ay sameeyeen ururka dhalinyarada ee Sonyo, 75% ka mid ah dhalinyaradaasi waa bilaa camal oo wax shaqo ah ma hayaan. Tiradaas badan ee dhalinyarada ah ee aan shaqada haynnin waxa ku jira dhalinyaro badan oo ka qalinjelisay Jaamacadaha dalka. Maadaama aynnu soo aragnay tirada iyo nooca aqoonta ay bartaan ardayda Jaamacadaha ka qalinjelisaa, waxa is weydiin mudan xaggee salaaddu ka xidhmi la’dahay! Bal aynnu wada dhuganno shaxdan 2aad oo muujinaysa waaxaha lafdhabarta u ah dhaqaalaha Somaliland ee shaqo abuurka ugu badan sameeya, haddii la dardargeliyana shaqooyin kale oo badan abuuri kara.
LAFAGUR
Sida aynnu ku soo aragnay shaxda 1aad, ardayda Jaamacadahaas ka qalinjelisay 2007 ilaa 2011 waa 2,816. 1,147 ka mid ah ardaydaas oo u dhiganta 40.7%, waxa ay barteen ‘Business Administration, halka 184 ardaydaas ka mid ah oo u dhiganta 6.5% ay barteen saddexda Kulliyadood ee Medicine, Nursing iyo Science.Kulliyadda beeraha ayaa waxa sidoo kale bartay 122 arday oo tiradaas guud ka noqonaya 4.3%, halka Kulliyadda Tacliintana (BSc and Diploma in Education) ay ka baxeen 631 oo u dhiganta 22.4%. 26.1% na waxa ay ka qalinjeliyeen dhammaan Kulliyadaha kale ee soo hadhay oo dhan.
GUNAANAD
Sida ay WEEDHSAN ku ogaatay ra’yi ururin ay ka qaadday 150 arday oo ka mid ah ardayda Jaamacadahan dhammaystay, 83.7% ka mid ah ardaydii dhammaysatay Kulliyadaha Medicine, Science, Nursing, Agriculture iyo Education waa kuwo shaqeeya. Hase yeeshee ra’yi ururintu waxay muujisay in 52.4% ka mid ah ardaydii ka qalinjelisay Kulliyadda Business ku aanay wax shaqo ah haynnin. Tan waxa sabab aasaasi ah u noqon karta tirada ardayda maaddadan ka qalinjelisa oo aad uga badan fursadaha ama dalabka shaqo ee maaddadan la xidhiidha ee suuqa ka bannaan. Waxa kale oo aynnu halkan ka arkaynnaa inaan xidhiidh wanaagsani ka dhexaynnin maaddadan ay ardayda ugu badani ka soo qalinjelisay iyo baahida suuqa shaqo ama dalabka shaqada, taas oo ay keeneen sababo badan oo is biirsaday oo ay ugu mudan yihiin:
1. Tayada aqoonta la bartay.
2. Qorshe-la’aan dhinaca jaamacadaha ka jirta ama manhajkoodaba la xidhiidha.
3. La’aanta siyaasad dawladeed oo isku dheellitirta aqoonta la baranayo iyo shaqada looga baahan yahay suuqa shaqo.
4. Habdhaqameedka iyo caadooyinka bulshada ee la xidhiidha shaqada iyo shaqo abuurka.
5. Ka fiirsasho la’aanta ardayda ee xulashada maaddada ay Jaamacadaha ku baranayaan.
TILMAAN IYO TALOBIXIN
1. Samaynta siyaasad dawladeed (National Higher Education Policy) oo jaangoysa, isla markaasna qorshaysa noocyada aqoonta lagu baranayo Jaamacadaha dalka, iyada oo ku salaynaysa baahida shaqo ee dalka ka jirta iyo himilada iyo ujeeddooyinka qaran ee dalka u degsan.
2. Dhiirrigelinta waxbarasho dheeraad ah oo ay helaan ardayda Jaamacadaha ku jirtaa, sida xirfadaha gacanta laga qabto oo fursad u abuuri karta haddii ay shaqo waayaan.
3. Koruqaadista iyo dhiirrigelinta aqoonta la xidhiidha barashada waaxaha waxsoosaarka ee dalabka suuqooda shaqo sarreeyo, sida, Kalluumaysiga, Beeraha, Xoolaha Nool iyo adeegyada Saysnisyada, sida, Caafimaadka, Injineerinka, i.w.m (eeg shaxda 2aad).
4. Suurtogelinta fursado – aqoon iyo adduun – ay dhalinyarada Jaamacaduhu shaqo ku abuuran karaan (small and medium scale businesses), halkii ay ka ahaan lahaayeen shaqo-raadis.
5. Tayaynta manhajyada Jaamacadaha lagu bixiyo iyo waafajinta baahida shaqo ee suuqa.
6. Hannaanka Shaqaalaynta ee Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha dawladda oo laga dhigo mid hufan oo si furan oo caddaalad ah loogu tartami karo, iyada oo laga fogaanayo sabab kasta oo caddaalad darro dhalin karta, isla markaasna niyad jab ku abuuri karta qofkii wax soo bartay haddii uu jagadaas ku guulaystay. Tan marka laga hadlayo, waa in shaqada la naadiyo, la na xayaysiiyo, si ay u ogaadaan, uguna tartamaan dadka shaqo raadiska ahi.
7. Dhiirrigelinta hanka shaqada nooc ay tahay ba; iyo hirgelinta dareen abuura kalsooni ay dhalinyarada, gaar ahaan ardaydaasi, ku aaminaan dhulkooda iyo inay shaqo kasta ka qaban karaan, mid hoose iyo mid sare labadaba, taas oo ka baajin karta aafooyin ay tahriibtu ka mid tahay.
8. Abuurista iyo helista mashaariic waaweyn oo maalgelineed, ha noqdaan kuwo shisheeye, kuwo maxalli ah oo gaar loo leeyahay ama kuwo dawladeed ba’e oo abuuri kara fursado badan oo shaqo oo si hoos u dhigi kara heerka sarreeya ee shaqo la’aanta dalka (Investment Policy).
Email: mareegahaweedhsan@gmail.com