W/Q: Aqoonyahan Maxamed X. Maxamuud
“Qaddiyad marka ay noqoto waa arrin masiiri ah. Ammuuraha masiiriga ahna dawlad ayaa u xilsaaran oo ka wakiil ah shacabka, dalka iyo khayraadka dabbiiciga intaba. In iyada loo gacan dhaafaa waa qarannimo jab iyo wax aan la mahadin doonin. Xamar iyo Hargeysi waa ay wadahadli, horrena waa ay u wadahadleen, arrinta dhextaalna waa qaddiyad ummadeed oo siyaasad keliya lagu goyn karo. Ma aha arrin cid kale u taal, waa xaajo cid loo igmaday oo qudhii ay ka hadli karto. Aqoonyahanku kaalinta uu bulshada ku leeyahay ma aha in uu masiirkooda dusha ku qaato, waayo loo ma igman cid uu wakiil ka yahay oo u dooratayna ma jirto. Cid la doortay oo waxa ay bi’iso lagu la xisaabtamayo ayaa qadiyad ummadeed warkeedu la yaal. Kaalinta aqoonyahanku bulshada ku leeyahay waa helista noocyada mashaakilka ee bulshada haysta iyo soo bandhigista xuluusha dhibka laga ga bixi karo. Aqoonyahanku kaalintaa ayuu qaranka ku leeyahay, waana kaalin cad. Ninka kaalintiisa gaba ee ka baaqsada in uu gacan ka gaysto dawlad wanaagga, xal u helista musuqmaasuqa, eexda, caddaalad-darrada, qaadka, qabyaaladda, jahliga, faqriqa, abaaraha, sicir bararka iyo mushkiladaha kale ee qarannimada haysta in uu qarda-jeexo oo uu meel aan meeshii sii ahayn ka fad-kudiyo waa mashaakil hor leh oo soo kordhay. Arrintani ma aha Somaliland waa ay 26 jirsatay iyo maxaa loo la baqanayaa qadiyadda! Waa arrin ka duwan o dawladnimadu leedahay, ma na aha in aynnu is dhex yaacno oo nin waliba kaalin aan tiisa ahayn ku loolama isaga oo tiisii dayacan tahay. Somaliland waxa ay dadkeedu qaateen aayo ka tashi, ka noqoshada iyo sii haysashada fekerkaa iyaga ayuu u yaal. Waa runt dawladda wax loo igmaday in ay ilaaliso masiirkaa umadda ee heshiiska bulsho noqday. Ogow Bulxan waxa uu inna leeyahay faa’ido ayey u keenaysaa qadiyaddeena in aan dadkaa la hadlo masaakiinta ah ee iyaba dhibta 27 sano haysta u maaro waayey! Taa cakiskeeda maxaa raad gadasho ay innagu keeni kartaa dhanka kale?. Qadiyadda umaddani ma mid siyaasaddeed baa mise waa mid bulsho? Saw runtu ma aha in ay Somaliland iyo Soomaaliya siyaasad isku hayaan, aqoonyahanku talo soo jeedin, feker curin iyo xalkeenis waa uu la iman karaa isaga oo maskaxda u buuxinaya dawladdiisa. Laakiin, qadiyadda lafteeda ma xamaalan karaa? Haddii ay haa tahay, maxaa diidaya wadaadadu in ay iyana jidkaa maraan oo waliba ku yidhaahdaan diiniyan waa xaaraan ma na bannaana in dadka muslimiinta ah la qaybqaybbiyo. Sidoo kale hoggaan dhaqameedka beelaha Somaaliland iyana maxaa diidaya in ay kaalintooda qaataan? . Arrintan dhanka faa’idada marka aynnu ka istaagno waa in aaney waxba badani innoo ga soo kordhayn oo aannu Bulxan iyo qayrkii toona Muqdisho dabacsanaan ka keenayn. Sidoo kale in ay leedahay raad-gadasho iyo in ay innagu keeni karto furfur. Markaa aniga doodaydu waxa weeye, haddii aaney faa’ido lahayn amma faa’idadeedu yar tahay oo aan wax badan laga filan karin macno innoo sameyn mayso in aynnu khasaare hor leh soo walwaalanno. Haddii se adigu aad i leedahay faa’ido ayey keenaysaa i tus oo berrito yaan lagaa waayin. Arrinta xukuumaddu in ay wax badan baylihisay oo ay dheekodheeko tahay iyada waan kula qabaa.
Mahadsanid.
Mohamed Hagi Mohamoud