“Marka Aynu Dhab Ahaan U Eegno Waxani Waxa Ay U Dhacayaan Waa Sababo Badan, Waxaana Weeye….”
“ Guddoomiyuhu Gar Uu lahaaba Gacantuu Ku Horreeyey, Wixii Golaha Ka Dhacayna Waxa Ay 80% Dusha U Saaran Yihiin Guddoomiye Ku Xigeenka” Faysal Cali-waraabe
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka Hadlay dagaalkii gacan-ka-hadalka gaadhay ee dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo Ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax, waxana uu eedda dhibaatadii dhacday dusha ka saaray Guddoomiye Baashe oo uu tilmaamay inuu sharciyaddii ku tuntay. Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda kula hadlayey xafiiskiisa Hargeysa, ayaa tilmaamay qaladkaas masuuliyadiisa uu iska leeyahay Guddoomiye Baashe, isagoo Guddoomiye Cirro laftiisa Eedda wax ka saaray, “Horta Golaha Wakiillada wixii shalay ka dhacay waxay dusha ka saaran tahay Guddoomiye ku xigeenka 80% oo sidii shalay [dorraad] uu guddoomiyaha ula macaamilay si odaytinimo ah iyo si sharci ah midna muu ahayn, Guddoomiyuhu isagu sharcibuu cuskaday oo sharcigoodu wuxuu qorayay ayuu cuskaday, wuxuu yidhi xeer-hoosaadkeenu wuxuu qorayaa haddii mooshankani fadhigan ku dhaco fadhiga dambe la keenaa. Arrintu halkaasay ku dhamayd laakiin in Makarafoonka la qabsado oo lagu dagaalamo, wixii halkaa ka dhacayna waxay duasha ka saaran tahay Guddoomiye ku xigeenka.” Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si hufan uga hadlay sababta keenaysa in Shirguddoonka Goluhu shaqada isku qabsadaan, isagoo xusay in sidii distoorku tilmaamayey laga leexday, waxana uu yidhi “Guddoomiyuhuna, gar uu lahaaba gacantuu ku horeeyay ayaa la yidhi, waxa weeyaan markay dhab ahaan eegno, waxanaya waxay u dhacayaan waa sababo badan. Waxay u dhacayaan waxa weeyi, Dastuurkeenu wuxuu qorayaa in Baarlamaanku Guddoomiye yeesho iyo laba ku xigeen, Guddoomiyihii wey bedaleen oo waxa loo bedelay Shirguddoon, Guddoomiye ku xigeenka waxa loo sameeyay marka Guddoomiyuhu maqan yahay buu meesha fadhiistaa.”
Adduunka ma jiro Baarlamaan saddex Nin hoggaamiyo sidii Maxkamaddii, Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha Wakiillada) shalay wuxuu yidhi Goluhu yeelan maayo laba Guddoomiye, saddex Guddoomiyuu leeyahay oo shirguddoonka isagaa ogolaaday xeer-hoosaadka.”.” Dagaalkii Guddoomiyaha wakiillada iyo Ku-xigeenkiisa ku dhexmaray Xarunta Golaha, ayaa ugu dambayntii keenay in fasax laba toddobaad la geliyo Golahaas, iyadoo turxaan bixin dhibaatadaas xiddida loogu siibayona lagu ballan qaaday muddadaas Fasaxa la geliyey.