Hordhac
Guddida diwaangalinta ururada Siyaasaddu door weyn ayey ku leeyihiin dhismaha iyo horsusocdsiinta nidaamka asxaabta qaranka JSL isku doortaan. Doorkoodaasi shaqo waxa jideynaayaa sharci nidaamiya qaabka shaqo, iyo waajibaad ee ay leeyihiin. Arrimaha ugu waaweyn wax ka mid ah iney ku eegaan il foojigan qaabka iyo hanaanka doorashooyinka xisbiyadu sida ay u socdaan iyaga oo hubinaaya in gollaha dhexe yihiin golihii dhexe ee saxda ahaa ee dooran lahaa musharaxiinta, iyo hanaanka doorashadu iney tahay cadaalad. Waxa nasiiib darro weyn ah in wixii ka dhacey madashii lagu doortey musharraxiinta madaxtinimo ee Xisbiga Waddani aaney waafaqsaneyn nidaamka sharciga ee dalka u yaal. Gollaha dhexe ee coddeeyey ma aheyn gollihii dhexe ee saxda ahaa ee lagu soo doortey shirweynihii xisbiga. Weydiinta meesha ka imaneysaa waa, yaa doortey gollaha dhexe ee cusub, side lagu soo xulay, yaa ogolaadey iney sharci yihiin iyo xaq ma u leeyihiin iney coddeeyaan.
Shirweynihii Xisbiga Waddani 2012
8dii iyo 9kii bishii April sanadkii 2012, Xisbiga Waddani waxa uu qabsaday shirweyne lagu dooranayay hoggaanka xisbiga, lagu doortay golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga, laguna ansixiyay xeer-hoosaadka iyo barnaamijka xisbiga. Shirkaas waxa lagu doortay hogaanka Ururka oo ka koobnaa Guddoomiye, Shan Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye. Waxaana lagu ansixiyey 35 guddida fulinta ah, 201 golaha dhexe ah, xeer hoosaadka iyo barnaamijka Xisbiga. (http://araweelonews.com/archi/index.php?option=com_content&view=article&id=2479:shirweynaha-urur-siyaasadeedka-wadani-oo-lagu-soo-geba-gebeeyay-doorashada-hogaan-cusub-qaabdhismeedkiisa-iyo-ansixinta-barnaamijkiisa-&catid=1:article&Itemid=7) iyo http://www.somaliland.org/2012/04/09/magacyada-hoggaanka-cusub-ee-ururka-wadani-iyo-shirweynihii-oo-la-soo-gunaanaday/
Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer No. 14/2011
Sida uu dhigayo Xeer No.14/2011 oo khuseeya nidaaminta Ururada iyo Axsaabta siyaasadda, Qodobka 25aad oo ah Tayaynta iyo Habaynta Xisbiyada Qaranka waxa uu dhigayaa:
- Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.
- Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor.
- Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.
- Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta
- Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga
- Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.
- Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib.
- Hogaanka xisbiga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo jeedin kara.
- 1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
- Gudoomiyaha xisbiga.
- Is-casilaad.
Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
Si aynu u kala fahano Shirweyne iyo Shir Gole Dhexe, bal aynu is waydiino maxay ku kala duwan yihiin labadan shir. Marka koowaad, shirweynaha waxa la qabanayaa 5tii sanno hal mar, halka shirka golaha dhexe la qabanayo halkii sanno mar. Marka labaad shirweynaha waxa lagu doortaa Hoggaanka Xisbiga, golaha fulinta, golaha dhexe waxaana lagu ansixiyaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga, halka shirka golaha dhexe lagu doorto Musharaxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka. Shirwaynaha waxa ka soo qaybgala ergooyin ka socda dhamaan degmooyinka iyo gobolada dalka, golaha dhexana waxa ka soo qaybgala xubnaha ka tirsan golaha dhexe.
Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani October 2016
Adigoo maskaxda ku haya shirweynihii Xisbiga Waddani ee dhacay 2012, gudidii fulinta iyo golihii dhexe ee la ansixiyay, iyo xeer-hoosaadkii Xisbiga loona gudbiyay xeer ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta. Intaasiba iyadoo ay dhacday ayaa Xisbiga Waddani wuxuu qabsaday Shirkiisii Golaha Dhexe ee lagu dooran lahaa Musharaxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee Xisbiga bishan October 2016. Hadaba inta aanan galin siday wax u dhaceen, bal aan idiin soo bandhigo arin kale oo mudnaanteeda leh.
Hoggaanka Xisbiga Waddani waxa uu qoray warqad 21kii bisha October 2016. Warqaddaas oo aan saxeex lahayn laakiin lagu qoray magaca Guddoonmiyaha waxaanu ku sheegay in Guddida Fulintu ay shirtay go’aansatayna:
- In tirade Golaha Dhexe laga dhigay Lix-boqol & Sagaal iyo Sagaashan (699) xubnood.
- In xubno laga saaray liiska xubnaha Guddida Fulinta oo qaarna geeriyoodeen, qaarna Xisbiyo kale ku biireen, qaarna is casileen.
Xusuuso in xubnaha golaha dhexe lagu ansixinayay Shirweyne Xisbi tiradii u dambaysay golaha dhexe ee la ansixiyeyna ay ahayd 201 xubnood. Hadaba sida warqaddan ku cad waxa hogaanka xisbigu uu ku kordhiyay tiradii golaha dhexe ee Xisbiga tiro dhan 498 xubnood. Sida sharcigu dhigayana xubin kasta oo lagu kordhiyo Golaha Dhexe ma laha xuquuq codayneed (Voting Rights) ilaa iyo inta uu shirweyne ansixinayo.
Arintani waxay marag ka tahay sida sharciga loo baal maray waxayna muujinaysaa xil-gudasho la’aanta guddida diiwaangelinta ururada iyo asxaabta.
Hadaba waxa golihii dhexe ee Xisbiga Waddani uu doortay Musharax Madaxweyne iyo Ku-xigeenkiisii oo 629 ay doorteen Musharaxa Madaxweynaha halka ay 581 ka doorteen Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka(https://www.youtube.com/watch?v=1WxzVsRFxw8).
Tiradaas oo aad uga fog tiradii golaha dhexe ee lagu ansixiyey shirweynihii xisbiga ee 2012.
Dhinaca kale Guddida Diiwaangelinta Ururada waxa ay kormeer ku samaynayaan sida uu u dhacayo shirka golaha dhexe ee Xisbiyadu sida uu sheegayo Xeer No. 14/2011. Qodobka
Xilka Guddida Diiwaangelinta Axsaabta iyo Ururada ee Shirweynayaasha Xisbiyada
Xilka iyo waajibaadka guddida diwaangelinta asxaabta iyo ururadu waa ay leeyihiin xeer nidaamiya shaqada, iyo hawlaha ay u xilsaaran yihiin. Ammuuraha ugu waaweyn waa iney hubiyaan, kuna eegaan in saddexda Xisbi qarani ay u hoggaansanaadaan waajibaadka iyo dastuurka ay dhigtaan xisbiyadu, iyada oo loo eegaayo xeerarka iyo shuruucda waddanka. Sidaa oo ay tahay guddidani waxa ay goobjoogayaal ka noqdaan shirweynahyaasha xisbiyada, hadday tahay shirweynaha iyo shirka golaha dhexeba. Inta ay goobjoogayaal ka yihiin waxa ay hubiyaan ammuurahaasi aan dusha ku xusey oo dhan. Waxaaney ka dib shirka qoraan, warbixin ay la wadaagaan dadweynaha sida ay wax u dhaceen iney xor iyo xalaal ahayd. Haddaba shirkii gollaha dhexe ee Waddani ma joogeen guddidaasi? Maxay inla wadaageen guddidaasi? Waxa kale oo ay hubiyaan in tirada gollaha dhexe ee coddeyneysaa ay yihiin golihi dhexe ee lagu ansixiyay shirweynihii ugu dambeeyay ee xisbiga? Weydiimahaasi oo dhan, waxa aan baadhney oo aan xog raadin dheer ku ogaaney, in guddidasi ay madasha joogeen laakiin aanay masuulayadoodii ka soo bixin. Markaas waxa shirka ka soo baxay waxa ay yihiin, waxa ka jawaabi doona oo aan weydiintaasi korka u saareynaa guddida diiwaangelinta ururada iyo asxaabta siyaasadda Somaliland.
Gabagabo
Gabagabadii waxaan is leeyahay shirweynahaasi xaqdarro cad ayuu ahaa sida ay dhigayaan xeerarka aynu leenahay. Waxa kale oo aan aaminsanahay in hadii garabka ka baxay shirkaasi ay dacwad ka furtaan maxkamadda ku shaqada leh ay ku guulaysan karaan.
W/Q: Muxyaddiin Cabdi Faarax
Sharci-yaqaan Madax Bannaan