Gudd. Muuse Biixi.
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada u iftiimiyey shaqada xubnaha wasiirrada ah ee Madaxweynuhu magacaabaa qaranka u hayaan, waxana uu tilmaamay in Wasiir kasta oo xilka iska casilaa aanu wax saamayn ah ku yeelan Karin Hannaanka hoggaamineed ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Muuse Biixi oo ka hadlay hadhimo-sharafeed lagu taageerayey Musharraxnimadiisa, ayaa waxa uu sheegay in wasiirku yahay qof madaxweynuhu hawl u igmado, balse aanu ahayn shakhsi doorasho bulsho ku fadhiya kursiga, “dadku waxa ay ku jaah wareereen wasiirraa is casilay oo wax tabanaya. distorkana waxa ku qoran madaxweynaha ayuu Wasiirku ka kaaliyaa Hawshiisa ee ma aha qof lasoo doorto oo cod dad ku fadhiya Kursiga ee madaxweynaha ayuunbaa hadba qofka uu isyidhaahdo hawl buu kuu qaban karayaa isagu magacaaba, haddii uu hawshaas u garan waayana erya, Haddii uu is-casilana awoodda madaxweynaha iyo hoggaaminta dalka midna ma saamayso, waayo Madaxweyne iyo ku-xigeen ayaa hoggaaminta dalka loo doortay.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Mudane Muuse Biixi waxa uu meesha ka saaray saamayn ay wasiirrada iscasilay ku yeeshaan Hoggaaminta iyo doorka Siyaasadeed ee Madaxweynaha, waxana uu yidhi,“Sharciyan iyo siyaasiyan saamayn wasiirradu kuma laha hoggaaminta dalka, qofkii ay la noqoto inuu is casilaa isagaa xor u ah, madaxweynahana waanu ku hambalyeynaynaa ragga qiimaha leh ee uu magacaabay iyo tallaabada degdegga ah ee uu qaaday.”