waxay Shaacisay Tirada Dadka Sannadkan Dhammaanaya lagu laayay Soomaaliya
Muqdisho(Hubaal/Aftahannews)- Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay Warbixin sanadeed ku saabsan waxyeeladda dadka soomaalid ah ee loo geystay Sanadkaan. Warbixintan ayaa waxaa soo saaray xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku dhinteen 2078 Qof Sanadkan Warbixintu waxaa ay xustay in khasaaraha faldamiyeed ee ka dhacay Soomaaliya guud ahaan uu gaadhayo 4,585 kiis,kuwaas oo mas’uuliyaddooda dusha loogu kala saaray dhinacyada sidan soo socota:
60% ka mid ah waxa loo aaneeyay Alshabaab.
13% Maleeshiyaad.
11% dhinacyada Dowladda.
4% Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.
Sidoo kale Warbixinta ayaa falalkan waxaa ay ku diiwaan gelisay degaannada ay dadkani ku sugnaayeen waxaana Maamul Goboleedyada u kala heleen sidan:
Puntland 413 Qof.
Galmudug 261 Qof.
Hirshabeelle 269 Qof.
Banaadir 2,265 Qof.
Koofur Galbeed 735 Qof.
Jubaland 434 Qof.