Saamiga gaarka ah Ee Beelaha Isaaq, Daarood, Samaroon Iyo Ciise Ka Heli Doonaan Haddii Degmooyin Lagu Saleeyo
Hargeysa:(Hubaal)-Inkastoo uu kaabiga inagu soo hayo wakhtiga rasmiga ah ee ay kaga dhan tahay Muddo-xileedka Dawladda Federal-ka ah ee Somalia, haddana waxa muran ka taagan yahay Nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi doono, waxana shirkii Arrimahaas lagaga hadlayey ee dhawaan soo dhammaaday ku guul darraystay inuu wax la isku raacsan yahay soo saaro.
Shirkaas oo lagu soo bandhigay afkaaro kala duwan, ayaa la isku mari waayey, waxana Goobta la keenay aragtiyo liddi isku ah oo qolo waliba doonayso inay teeda meelmariso, waxana dib loogu ballamay shir dambe oo magaalada Kismaayo lagu qaban doono horraanta sanadkan.
Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa qaba in Hanaanka Baarlamaanka Soomaaliya loo soo xulayo ay noqoto mid ku salaysan nidaamka qabaai’lka ee 4.5, halka Maamulada Puntland iyo Jubbaland iyana rabaan in baarlamaanka lagu soo doorto qaab degmo.
Hadaba baadhis iyo xog ururrin la sameeyay ayaa lagu soo ogaaday qaabka beelaha Soomaaliyeed u heli karaan Baarlamaanka u matalaya DowladaFederaalka ee Somalia hadii wax lagu soo doorto qaab degmo iyada oo lagu salaynayo 92-kii degmo ee dalkii Soomaaliya ka koobnaan jirey kahor bur burkii ku dhacay.
Beelo badan oo hada Baarlamaanka Federaalka ku leh Xildhibaano badan ayaa luminaya tirada ay hada haystaan hadii qaab degmo wax lagu soo doorto, halka Beelo kale oo hada dulmanina ay heli doonaan kuraas ka badan inta ay hada Baarlamaanka Federaalka ku leeyihiin.
Beelaha Soomaaliyeed ee uu Baarlamaanka Somalia ku salaysan, ayaa waxa marwalba xubno ka ah Beelaha kasoo jeeda Beelaha Somaliland deggen, waxana halkan ku xusan tirada xubnaha ay baarlamaanka soo socda ka heli doonaan haddii lagu saleeyo saleeyo nidaamka degmooyinkii jirey ka hor gooni isu-taaggii Somaliland.
Beelaha Deggen Somaliland ayaa hore u haystay saami ka badan midka ay heli doonaan haddii doorashooyinka lagu saleeyo nidaamka degmooyinka, waxana beesha Isaaq marka la raaca nidaamka 4.5-ka lahayd 28-xildhibaan, beesha Gudo-biirsina waxa ay leedahay 9-xildhibaan halka beesha Dhulbahante haysato 8-xildhibaan, beesha Ciise-na 8-xildhibaan, Warsangeli-na waxa ay haystaan 6-xildhibaan.
Nidaamka Degmooyinka haddii lagu saleeyo wax badani isma dhimayaan, waxana tiro koobani ka go’aysaa beesha Isaaq oo nidaamkanka degmooyinka ka heli doonta saami ka hooseeya midka ay haatan ku leeyihiin Baarlamaanka Federal-ka Somalia.
Saamiga Mudanayaasha beelaha Soomaaliyeed ka heli doonaan Nidaamka degmooyinka haddii lagu saleeyo, ayaa sidan soo socota noqon doonta:
Digil iyo Midhifle 44-Xildhibaan
Abgaal 31-Xildhibaan
Majeerteen 28-Xildhibaan
Habar-Gidir 25-Xildhibaan
Isaaq 24-Xildhibaan
Marreexaan 21-Xildhibaan
Murursade 14-Xildhibaan
Dhulbahante 12-Xildhibaan
Gadubiirsi 11-Xildhibaan
Xawaadle 10-Xildhibaan
Ogaadeen 10-Xildhibaan
Jareer Wayne 7-Xildhibaan
ReerBanaadiri 6-Xildhibaan
Warsangali 6-Xildhibaan
Gaaljecel 5-xildhibaan
Dir 5-xildhibaan
Layl-kase 4-Xildhibaan
Gugudhabe 3-xildhibaan
Reer Baraawe 2-Xildhibaan
Ciise 2-Xildhibaan
Ujeejeejeen 2-xildhibaan
Tuni 1-Xildhibaan
Dishiishle 1-xildhibaan
Silcis 1-Xildhibaan
Yaxar 1-Xildhibaan
Wadar ahaan xildhibaanada baarlamaanka federal-ka ah ayaa noqon doonta 276 Xildhibaan.