“Shaxda Marka La Ciyaarayo Qofka Ay Ka Khaldantaa Isaga Oo Xanaaqsan Buu Urursadaa, Nimankanina…”

0
36

Xil. Hanad Axmed Xaashi

Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan Hanad Xaashi Axmed Caydiid oo kamid ah mudayaasha golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa ayaa ka hadlay wasirradii iska casilay xukuumadda, isaga oo ku tilmaamay kuwo ku guul-daraystey shaxda siyaasadeed ee ay ciyaarayeen. Xil. Hanad oo shalay isaga iyo xubno kale oo golaha deegaanka ahi shir jaraa’id ku qabteen caaismada Hargeysa waxaa uu is barbar dhig ku sameeyey ciyaarta shaxda iyo ciyaarta siyaasadda oo uu sheegay in qofka ciyaarayaa uu iska urursado shaxdiisa marka ay ka qaldanto. Hadalka Xildhibaan Hanadna waxaa uu ku bilaabay; Hanad“Hadalka muhiimmadiisii waxaa yidhi saaxiibaday, laakiin waxaan ku darayaa; marka ugu horeysa madaxweynaha waan u mahad celinaynaa waanan ku taageeraynaa magacaabista jagooyinka uu buuxiyey iyo sida wanaagsan ee dhakhsaha ah ee uu uga jawaabay xilalkii bannaanaa”. Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Hanad Xaashi Axmed Caydiid,  waxaanu intaa ku daray ‘midna waxaan leeyahay innamadaas xilalka iska casilay oo aan leeyahay hangaraarac lug uma dhutiyo. marka shaxda la ciyaarayo ee aad aragto in ay kaa khaldantay ee aad ka xanaaqdo waa la iska urursadaa Sidaas waxaan u leeyahay iyada oo aan shirkii golaha dhexe iyo madashii tartankaba la gaadhin ayaad horta shaxdii urursateen. Ee nimanyahow fadqalalada innaga daaya”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay xildhibaanku. Dhinaca kale  Mar uu mudane Hanad ka hadlayay hadallo ka soo yeeshay xubnaha kasoo hor jeestay madaxweynaha waxaa uu yidhi  “Qoddob kale ayaa jira, kaasi oo ah nin habeen dhawayd Madaxweynaha TV-ga uga hanjabayay oo lahaa wax weyn baa dhici doona, ninkaas waxaan leeyahay Xaasha! Wax allaala iyo wax dhici doonaa ma jiro, Axmed Siilaanyona maaha ninkii waxaas oo kale loogu hanjabi lahaa, Maxamed Siyaad Barre ayaanu taas ka diiday oo hanjabaadiisii aanay waxba yeelin. Waxaan leeyahay tartanka haddaad shaxda gurateen ciyaarta ha dhabqinina ee dhinaca aad u socoteen iskaga dareera, waayo muraad baad lahaydeen  muraadkiina wuu fashilmay ee ciyaarta garoonka ha dhabqinina.” Ugu dembayn Xildhibaan Hanad, waxaa uu ka hadlay oo uu baaq u diray shacbiga Somaliland oo uu ku boorriyey in ay nabad galyada ilaashadaan, qarankoodana aanay uga werwerin mid dhismihiisu qabyo yahay “ ugu dembeyn waxaan leeyahay Nabadgelyada hala ilaaliyo qarankanina wuu dhismay ee shacbigyahow ha u werwerina, sugida amnigana waxaa ku shuqul leh hay’adda nabadgelyada ee iyaguna shaqadoodii ha qabsadaan” sidaa ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan Hanad Xasan Xaashi oo kamid ah mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa ee kasoo baxay xisbiga talada haya ee KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here