Muqdisho (Hubaal) – Qoraal lagu soo bandhigey shaxda qaybinta xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Somalia kasoo ay saxeexeen madaxda dawlada Somaliya iyo maamullada ka tirsan Federaalka ayaa la soo bandhigay tirada loo qoondeeyay Dawlada Somaliland. Nuqul ka mid ah shaxdan oo ay qaar kamid ah degellada wararka Internetku faafinayeen dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa farta ku fiiqaya saami qaybsiga xildhibaannada loo soo xuli doono baarlamaanka la dooran doono, kaasi oo ay ka dhex muuqdaan tirada loo qoondeeyey in la siiyo beellaha degan Somaliland lagu ladhay hal xubin oo la siiyey beesha loo yaqaan Mandaluuk, sida shaxda ku astaysan. Qoddobka xusida mudan ayaa ah in qabiillada degen Somaliland ee odoroska xulashadu tilmaamtay gooni looga soocay mid kamid ah beellaha darafyada, kaasi oo la raaciyey jaantus kale.
Wadarta xubnaha lagu xardhay shaxda ee Somaliland khuseeya ayaa loo kala saaray Isaaq, Samaroon, Ciise iyo Muuse-dhariyo, lix iyo afartan xildhibaan, halka beellaha Harti [dhulbahante iyo Warsengali] aan qoraalka lagu sheegin cadadka loogu talo, galay, balse taas bedelkeeda ay u muuqato in la duudsiyey xuquuqdoodii oo la iska indha tiray xaqooda. Warar kale ayaa tibaaxay in beellaha Harti la raaciyey saamiga xildhibaannada la siiyey maamul gobolleedka Puntland oo loogu talo galay afartan xildhibaan.
Heshiiska qaybsiga xildhibanada oo lagu salleeyey waxa loo yaqaanno 4.5, ayaa bishii March ee sanadkan ay meel marintiisa qalinka ku duugeen maamul gobolleedyada Federaaliga ah ee Somaliya, iyada oo aanay haba yaraatee qayb ka ahayn isla markaana cidi uga metelayn saxeexa shaxdan dawladdaSomaliland, balse lagu soo bandhigay guud ahaan inay Somaliland xildhibaannada ka heli doonto 47 Xildhibaan oo aqalka Hoose ah,iyada oo xildhibaannada Baarlamaankana wadartoodu tahay 275 xubnood.
Halkan ka akhri: tirada xubnaha Somaliland loo asteeyey iyo beellaha loo kala soocay, Waxaana Shaxdu u kala qaaday sidan: Beellaha Isaaq oo tirada Xildhibaannada loogu talo galay laga dhigay 28 xubnood. Beesha Samaroon, oo iyadana loo qoondeeyey 9 xubnood, Beesha Ciise oo iyadana loo qoondeeyey 8 xubnood, halka Beesha Muuse Dheriyo oo kamid ah Beellaha La Haybsooco ee Somaliland degen la siiyey hal xildhibaan.