Sheekh Aadan-Siiro Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Axmed Xasan Cawke & Marxuum Ibraahim-Dheere

0
31

Jigjiga, (Hubaal) –  Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay Allaah ha u Naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Hal-doorka Saxaafadda Soomaalida oo Saaka Subaxdii ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu safar shaqo ku joogay isla-markaana lagu aasay Magaalada Tog-Wajaale.Sheekh-Aadan-Siiro-300x225

Sheekh Aadan-Siiro oo Safar ku jooga dalka Hindiya oo la soo xidhiidhay Warbaahintu, waxa uu Marxuum Axmed Xasan Cawke ku sifeeyay qof shaqo badan u soo qabtay Ummadda Soomaaliyeed muddadii dheerayd ee uu ka shaqeynayey Mihnadda Saxaafadda isla-markaana sidii hufnayd ee uu uga soo shaqeeyay Hay’adaha Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa Caalamiga ah uu kasbaday Magac iyo Sharaf. Sheekhu wuxuu Marxuumka ILLAAHAY uga baryey inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, Carruurta, Qaraabada, Saxaafadda iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Sheekh Aadan-Siiro waxa uu Tacsi taas la mid ah u diray ehelkii iyo Qaraabadii iyo Shacabka Somaliland iyo Jabuuti ee uu ka baxay Marxuum Ganacsade Ibraahim-dheere oo toddobaadkii hore lagu aasay dalka Jabuuti.

Sheekhu waxa kale oo uu Tacsi u diray Marxuum Axmed Ibraahim Saacadaale (Axmed-saaco) oo isagana Maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Sheekhu wuxuu Marxuumka ILLAAHAY uga baryey inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, Carruurta, Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo…Aamiin..Aamiin

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here