“Waa Ayaan-daro In Agoontii Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Dibadda Loo Tuuro…” Sheekh Aadan-Siiro
Hargeysa (Hubaal) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay isla-markaana faahfaahiyey dhibaatooyinka Aakhiro iyo Adduunkaba ka dhasha DULMIGA lagula kaco Dadka Jilicsan.
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu si gaar ah khudbaddiisa ugaga hadlay Agoontii uu ka tagay Alle ha u naxariistii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale, oo Xukuumaddu doonayso inay Xoog kaga wareejiso Guriga ay deggan yihiin oo ku yaalla Hargeysa, kaasi oo Sheekhu sheegay inuu wakhti hore ku wareejiyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shareecada aad aragteen ee Boqollaalka Xadiis iyo 30-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah waxay u yimaaddaan inaan Qofka Bani-aadamka Diintiisa la dulmiyin, inaan Maalkiisa la dulmiyin, waxay u yimaaddaan inaan Qofka Bani-aadamka ah Caqligiisa la dulmiyin, waxay u yimaaddaan inaan Qofka Bani-aadamka ah Cirdigiisa iyo sharaftiisa la dulmiyin, waxay u yimaaddeen inaan Qofka Bani-aadamka ah Dhulkiisa iyo halka uu deggan yahay aan la dulmiyin.”
Sheekhu wuxuu Tafiisaray wuxuu Dulmigu yahay, “In Lagu Tasarufo waxa Dadku leeyahay, ayaa loo yaqaanaa DULMI. Dulmigu waa Shayga oo la dhigo meel aan Meeshiisii ahayn, Runta oo been laga dhigo, Beenta oo Run laga dhigo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “ILAAHAY wuxuu yidhi ‘Naftayda ayaan ka xaaraantimeeyay Dulmiga’ ee ha is-dulmiyina, Rasuulkuna wuu ka dagaalamay Dulmiga, sidaa darteed waxaanu leenahay waar Dulmiga hala daayo, Dulmigu ummadaha ayuu dumiyaa, Cadaaladduna Ummadaha ayay dhistaa. Imaamu Taymiya oo ka mid ahaa Culimadii Diinta fahantay ayaa yidhi ‘ILAAHAY wuu badbaadiyaa Dawladda Cadaaladda samaysa, haba noqoto Gaalo’e, ILAAHAY wuu Dumiyaa Dawladda Dadkeeda Dulmida, haba ahaato Muslim’e.’ waxaan uga socdaa ILAAHAY wuu diiday Dulmiga, Rasuulkuna wuu diiday, innaguna waynu diidaynaa Dulmiga.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, oo khudbaddiisa sii wata ayaa sheegay “Islaamku wuxuu la dagaalamay in Dadku ay is-dulmiyaan, weliba wuxuu la sii dagaalamay in Dadka Jilicsan lagu joogsado, laakiin waxay ku xidhan tahay Maamulkaa markaa jira Caqligiisa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Khudbaddan (Jimcaha) waxaan ka sameeyay Cabdiraxmaan Ducaale oo ka mid ahaa Hal-doorka Jamhuuriyadda Somaliland, ILAAHAY ha u naxariistee intii uu ahaa Guddoomiyaha Baanka dhexe wuxuu ahaa Dadkii Xakameeyay Sicir-bararka Maanta Milyanka gaadhay ee inna Wareeriyey, waxaanu ku hayey boqolka Dollar 650,000, Dambigiisa ILAAHAY ha dhaafo, oo ha u naxariisto.”
Sheekhu wuxuu ka hadlay Cabashada Agoonta Cabdiraxmaan Ducaale ee la xidhiidha in Xukuumaddu ka qaadayso Guriga ay deggan yihiin, “Markii aan daawaday Qaabkii loola dhaqmay Agoontii uu ka tagay ayay igu keliftay inaan Naftayda, Idinka iyo kuwa meesha jooga (Xukuumadda) inaan xasuusiyo inaan Dulmigu shaqeynayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Guryo badan oo Ummaddu leedahay Cid gaar ahi haysato, “Waxaan idiin sheegayaa 543 Guri oo Ummaddu leedahay, oo Guri walba uu 150mitir iyo 200 mitir ku fadhiyo, taasi oo Macnaheedu tahay haddii Guri walba loo qaybiyo 12×12 noqon lahaa 5000 Guri oo Ummaddu ku noolaanto, ayaa koox innaga mid ahi u tashatay. Markii wax walba lagu kala tagay, ayaa Agoontii uu Maxamed Ibraahim Cigaal Sharciga ku dejiyey (Guriga) ayaa Goor aan habeenna ahayn, maalinna ahayn la laalaadiyey.”
Sheekhu wuxuu ka hadlay Aqoontii Cabdiraxmaan Ducaale, waxaanu yidhi “Cabdiraxmaan Ducaale wuxuu ahaa Baankariska ay Umaddani leedahay, wuxuu ka mid ahaa Dadka ugu Aqoonta badan Soomaalida, Maantana wuu dhintay ILAAHAY ha u naxariistee. Waxaanu leenahay waar ka daaya Dadka Qabaa’il ha u qabaynina, Waar Dadka ha kicinina, waxyaabo aan la aqbalaynin baa jira.”
Sheekhu waxa kale oo uu tilmaamay, “Cid gaar ah tilmaami maayo, laakiin kooxaha Dulmiga wada waxaan leeyahay Waar ka daaya, ma shaqeynayso ayay innaga Aragtidaya ila tahay. Waayo? Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘Iska ilaaliya dhawaaqa Dadka Dulman’..Imisaa Hebello aan Maalin koob caanayn, inta ay Ummadda gaadhsiiyeena boqokiiba Saddex boqol tahay, ayaa ku raaxaysanaya Hantidii Ummadda.”
Sheekhu wuxuu sheegay in waxyaabaha ay ka mid yihiin Gurigaa laga Saarayo Qoyska Cabdiraxmaan Ducaale ay keeni karto in Qabaa’ilku isku dhaco, maaddaama oo Cidda Guryaha Dawladda ku jiraa aanay Qoyskaasi oo keliya ahayn, “Waar Maatida ilaaliya, waar Dalkaa ku dumaya, Dadkan isku yimid ee wax wada lihi waa Qabaa’il.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xisbiyada Qaabku hadday u shaqeeyaan aanu wanaagsanayn, “Waxaanu aad uga soo horjeednaa Asxaabtaa la Malmaluuqay ee imika Qabaa’ilka loo taagay ee Dadka lagu dulmiyayo. Xisbiyada Beenta ah ee aynu isku sheegaynaa ma shaqeynayaan. Xisbiyada waa Duruuf aynu samaysanay oo aynu doonayno inaynu kaga baxno inaynaan is-dilin, laakiin Qaabka hadda loo dhigay waa Qaab deegaanno la noolaynayo, Kooxo la noolaynayo, in kalena la riixayo. Taasina waxay keenaysaa (Mushkilad).”
Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu sheegay “Waxaan ku soo ururinayaa hadalkayga oo aan leeyahay, Daaya Agoonta, markaa aad ka qaaddaan (Guryaha) kuwa Awoodda, Magacyada iyo Hantida sheeganaya iyagana ka qaada, laakiin inta kuwii Magacyada lahaa iyo kuwii Awoodda lahaa iyo intii is ogeyd uu mid walba isku ballaadhiyey inta la ogyahay, inaad ku meeraysataan Agoonta (lama Aqbali karayo).” Ayuu yidhi.