Sheekh Aadan-sunne Oo Muddo Kadib Xorriyadiisii Cafis Madaxweyne Ku Helay

0
46

sheekh sunne

Hargeysa:(Hubaal)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan-sunne ) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, isla-markaana muddo  sanad ku dhaw xabsiga ku jirey, ayaa ugu dambayn xorriyadiisii dib u helay, kadib markii uu cafis u fidiyey madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Sheekh Aadan-sunne oo inta badan dhaliila dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland iyo qaabka xukun ee lagaga dhaqmo, ayaa maalintii shalay laga sii daayey jeelka weyn ee magaalada Hargeysa oo uu muddo dheer ku xidhnaa, kadib markii xilli habeennimo ah lagala baxay guriigiisa.

 Khudbadihii hay’adaha ammaanku dhibsadeen uu Sheekh Aadan-sunne fagaareyaasha Hargeysa ka jeediyey, ayaa waxa kamid ahaa mid uu ku sheegay in astaanta ciidamada badda loo ekaysiiyey calaamadda Saliibka, isla-markaana loo baahan yahay in degdeg loo beddello.

 Wasiirro iyo masuuliyiin kasoo jeedda beeshiisa, ayaa la sheegayaa inay door laxaad leh ka qaateen sii deynta sheekha, iyada oo aanay jirin wax dembi ah oo ay hay’adaha ammaanku ku caddeeyeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here