Hargeysa:(Hubaal)-Maareeyaha Haamaha Shidaalka Keydka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa jawaab ka bixiyey Tallaabada Golaha Wakiillada Somaliland ku laaleen qorshihii xukuumaddu ku doonaysay inay Haamaha ku wareejiso Shirkado gaar ah, waxana uu sheegay inay shaqada Haamaha leedahay wasaaradda Ganacsigu.
Guddoomiye Saleebaan oo maalintii shalay saxaafadda Kula Hadlay Magaaalada Hargeysa, ayaa in Haamaha keydka Shidaalka Berbera ku shaqeeyaan siyaasadda Madaxweynaha Somaliland, “arrinka golaha Baarlamaanku ka Hadlay dee Siyaasadooda iyo wasaaradda ay la xidhiidhaan xukuumadday u taallaa oo uu ka wakiil yahay Wasiirka Ganacsiga Somaliland isagoo ku shaqanaya Siyaasadda Madaxweynaha,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.
Saleebaan Siciid Cali waxa uu dafiray warbixintii Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo la dagaallanka Musuqmaasuqu dhawaan Golaha ka hor jeediyeen, isagoo sidoo kale meesha ka saaray qaddar lacag xad-dhaaf ah oo Guddidu sheegtay inay Haamaha soo galaan, waxana uu yidhi,
“Haddaanu nahay maamulka Haamaha Guddida Waanu la kullanay, xilli aan xilka hayey muddo sanad ah annagoo ku kulanay xafiiskooda, warbixintii ay soo saareen iyo wixii ay Golaha ka sheegeen mid aanu aangu siinay muu ahayn, waxanana aanu soo gudbinay Odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, iyo waxyaabaha ay Haamuhu ku socdaan, waana arrin la yaable marka ay Goluhu leeyihiin Budjed-ka ay haamuhu helaan waa $24000,000,.”
Waxa uu Guddoomiye Sheekh Saleebaan Tilmaamay inay Golaha warbixintooda siiyeen xilli uu sheegay in xaaladdu deggenayd,“waxa wanaagsan in wixii aanu ogayn uun ay xildhibaanadu akhriyaan, annaguna xilli la nabadqabo ayaanu Xildhibaanada is aragnay, buuqan taaganina muu taagnayn, Arrintanina Aad bay noogu cuslaatay.” Ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.
Hadalka Guddoomiyaha Haamasha Shidaalka Berbera, ayaa kusoo Beegmaya xilli Maalintii shalay ay Golaha Wakiilladu gebi ahaanba laaleen Tallaabo xukuumaddu doonaysay inay Haamaha Keydka Shidaalka Berbera ugu wareejiso Shirkado dad gaar ahi leeyihiin.