“Sheeko Aanan Doonayn Bal Aan, Geliyo Diiwaanka!”

0
85

Maxamed Cali Kaariye Iyo Milicsiga Silsilad-suugaanneeddii Loo Bixiyey ‘Dood Abwaan” Iyo Kaalintii Uu Maxamed Cali Kaariye Ka Qaatay

Qalinkii: Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare) , Xigasho: Mareegaha WEEDHSAN

328Xilli ku aaddan 1982 kii oo ay sii xoogaysanayeen jabhadihii ka hor jeeday taliskii Milatari ee dalka xukumayay, mucaaradka ka goosanayay maamulkii Kacaanku uu aad u sii batay, waddanku siyaasad ahaan isku qasnaa, taladuna ka baahday madaxdii golaha sare ee hoggaanka haysay ayaa waxa is abaabulay ama la abaabulay koox halabuur ah oo bilaabay silsilad suugaaneed loo bixiyey “Dood Abwaan”. Hurintan halabuurrada ahi waxa ay silsiladda xal ugu raadinayeen mucaaradadda xooggan ee dadka Soomaaliyeed kala hor tageen Kacaanka. Waxa unkamay gabayo lahaa ujeeddo beelaysan oo summad looga dhigay midaynta tol weyne guud oo Madaxweynaha Jaalle Maxamed Siyaad la oday ah. Run ahaan maansooyinkaas iyo ragga tirinayay ba ma ahayn kuwo dan guud u wada ummadda iyo beesha ay gabayadaas foodsaarada kaga dhiganayeen. Keli ah waxa murtidoodu ahayd gabbaad ay xukuumaddii Milatarigu bidday awood lagu ka la jabin karo xoogaggii isku duubnaa ee jabhadaha, si ay carqalad u dhex dhigto dagaalyahannadii hubaysnaa ee Soomaali cid walba lahaa. Waxa xaqiiq ah in aragtidaasi ay ku koobnayd shakhsiyaadkii tiriyay gabayadaas iyo maamulkii Kacaanka oo is lahaa awrkaaga ku kici, bal se aanay ahayn afkaar loo nisbayn karo tolka ballaadhan ee ay magaciisa ku celcelinayeen. Taas waxa aynu ka dheehan karnaa sida ay in badan oo Siyaad Barre la hayb ahayd uga xumaatay, uga dhiidhiday, ugana bixiyeen jawaabo waafi ah iyaga oo tiriyay gabayo u caqli celinayay kooxdaas, ummadda Soomaaliyeedna xaal marin iyo midaynba u ahaa. Raggaas waxa ka mid ahaa Abwaan Cabdillaahi Macallin Dhoodaan Alle ha u naxariistee oo isagu kaga fal celiyay tix gabay ah oo macna badan “Durraaqsi”. Abwaannada Soomaaliyeed ee iyaguna arrintaas ku joojinteeda ku canaananayay nimankii bilaabay, waxa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Cali Kaariye. Alle ha u naxariistee waxa uu mariyay gabaygan soo socda oo lagu magacaabo “Difaac Qaran”. Waa maanso wejiyo badan ka tilmaamaysa cidhib xumada laga dhaxlo haddii qabiilka si xun loo adeegsado. Waxa tixdu ay ka hadlaysaa wakhtigaas iyo baahida loo qabay in bulshada Soomaaliyeed duunka ka heshiiso, ummaddana caddaalad lagu dhaqo iyo halka ay nimankaasi u la kaceen. Abwaan Kaariye waxa uu sawirayaa ujeeddadii loo mideeyey labada gobol iyo dantii laga lahaa ee ahayd in shanta Soomaaliyeedba meel la isugu keeno. Waxa uu halabuurkani ku nuuxnuuxsanayaa in shacabku ay ka niyad jabeen wax badan oo ay ku hammiyayeen. Waxa uu ku muujinayaa gabaygan in xumaanta iyo naxliga uu abuurayo Kacaanku soo afjarayo hilowgii iyo kalgacalkii dadku isu qabeen. Waxa uu sifaynaynaa masuuliyadda saaran dawladda ee baaxadda leh iyo sida ay xilkeedii u gabtay. Inta uu raggii sisiladdaas bilaabay waaniyo, hogatusaaleeyo oo farta ugu fiiqo dhibaatada ka abuurmi karta suugaantaas naxliga leh ee ay shubayeen, ayuu waliba cod dheer ku odhanayaa:

“Ninka gabayga deebta leh tirshoow, taa ma dayi wayday,

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iskaba daysid.”

32 sanno dabadeed, maanta waxa la arkayaa dad suugaan weyd ah ugu doodaya madaxda, siyaasiyiinta, iyo xukuumadaha Soomaalida ee iminka jira. Waxa kale oo aad arkaysaa heeso ka-gaadhsiis ah iyo gabayo bilaa duxa oo la isugu hal celinayo. Ma jirto sebaankan cid gar ka la helaysaa laakiin taariikhda ayaa soo saari doonta haddii la noolaado qof waliba kaalinta uu ka qaato xaaladaha ka taagan geyiga. Gabaygan “Difaac Qaran” waxa uu la hadlayaa caqliyada kuwii iyo kuwanba. Waxa uu Abwaan Kaariye ku ballaysimay:

Gudcur damug ah daw laga cabsado, iyo dalluun jeexan

Miiraale dooxyada rogayo, daadku mulucyeeyay

Aar diiqa leyl iyo mas iyo, daallunkiyo tuugga

Ama dayladhaafoo qabow, diqimti Jiilaal ah

Dubatada cadceeddiyo hanfigo, diiran hilibkaaga

Dantii nimay waddaa baa dhex mara, diimadiimaha e

Hurdo wayga duuf waayadaan, umal daraaddiiye

Diilalyoodayeey xalay maxay, dihatay laabtaydu;

Dawliskaa dhexdii laga jaree, dalawga laallaada

Darka jabay biyaha hoos ka da’ay, dakhalka iimoobay

Cirka da’ay duufaanka ku kacee, deeqdi gaaggixiyey

Geeddiga dib loo raray ciiddoo, degi lahayd rayska

Daacuunka darayada noqdiyo, daafka iyo boogta

Ee dabakarruubkiyo kudkiyo, dugato daacaayey

Gabayada qabiilkoo duma-y, tahay dabuubtoodu

Ee duuddi kala qaaday baan, dood ka leeyahay e

Dumaal xumi walaalkoo dhintay, kugu diraysaaye

Ka darsoo hadday dibi dhashiyo, neef dalliigya lehe

Oo “dooh” na waa lagu dayaa, awr haduuu dido e

Damiirkay canaantaye ma rabin, inan ka doodaaye

Soomaalinnimadaa dayacan, yaan ka diir naxaye

Sheeko aanan doonayn bal aan, geliyo diiwaanka!

 

 

Durub baa la faadhfaadhayaa, digo xabaallayde

Dakhar holob lahaa baa ciddida, lagu damqaayaaye

Dakanaa ba loo yeelayaa, sheekadii dura e

Doqon baa wax loo sheegayaa, dhega daboollayde

Daa’imo carruuraa waddada, laga duwaayaaye

Duul aan la garanaynin baa, loo dardaar warinne

Tacab aan ku soo daalnay baa, daatay oo lumaye

Mid ka durug midna u durug is ma leh, dawlad iyo reere

Ninka gabayga doogta leh tirshow, taas ma dayi weyday?

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid!

Geel se duqdii u weynayd hadday, orodka deyn weydo

Inu aarrankiisii durdurin, uu ka sii darayo

Dabadeedna kala lumi badhkina, uu dibjiri doono

Oo aan dib laysula heleen, taa ma dayi weyday

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba dayside!

Danwadaag waxaan rabin Allaha, Daa’imaa dila e

Haddaan daarta dhagaxweyn mid fudud, laysu dacal saarin

Darbiga sibirka ciid lagu dharfiyo, didibka hooseeya

Inta diilin laga saara iyo, daaqadda albaabka

Dalays quruxsan diib lagu rinjiyo, midabka loo dooro

Haddii aan intaas laysku darin, inay dillaamayso

Oo aan dugsoon laga helayn, taas ma dayi weyday

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba dayside!

 

 

Dixda hadalku meel lehe anoo, kaagi daba taagan

Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaaye

Hal waraabe dilay baan ka nixi, oo dalkeenna ahe

Dubbahaa innagu wada dhiciyo, duubiyada naarta

Ey laba da’ood oo is xigay, daabacays galisay

Dubkeennaa la qalayaa wadnuu, ila dubaaxshaaye

Dadka kama xigtide ula sinnow, taas ma dayi weyday!

Duddada kii u horaa haddana, didiyey geeliiye;

Dabka wuxuu ka qaaataa shacbigu, dood abwaan yiriye

Carrab dalab leh iyo way gartaan, kii dantooda ahe

In la dala’san karo haw malayn, daa’in abidkaaye

Dadweynuhu waxay leeyihiin, duun u hadalkooda

Lama arag dameer geeso leh iyo, dawlad reer qudha e

Waxay doonayaan wada jirkee, taas ma dayi weyday

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid!

Dab haddii lahaystiyo haddii, gudin la daabaayey

Iyadoo an dawladi ba jirin, deyn u kala goysa

Dilku abidki waa toogo iyo, duunyo kale qaade

Dorraad kii la jabiyaa berrina, daahya goyn jiraye

Inan qolona duub loogu xidhin, waranna loo deebin

Ay dabar go’een uun ahayd, taas ma dayi weyday

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid!

Hadal kama dammana baa la yidhi, doqon habowdaaye

Sidaan damacsanaa iyo sidaad, adigu doonaysay

Kala durugsan oo waa Docmiyo, dibirki Ceelbuure

Soomaali oo duuban baan, deji lahaa meele

Diraacdaa ku raagtaan lahaa, roobku haw da’o e

Ha durduurataan lahaa nimcada, dararta xoolaaye

Ha is daadahaysaan lahaa, waa duntaa qudha e

Duud qaybsama sakaaradu ma lee, taas ma dayi weyday

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid!

Dur iyo daabac kii loo ridaa, Naasaweyn dihine

Dabraceliska geeddiga xigeen, damacsanaa raaci

Dadka geedkan yaal baan lahaa, nabad u doondoone

Walaalaha is dooxaan lahaa, ha is daweeyeene

Dabku cadowgu keenaan lahaa, daadiyoo quba e

Dillaalkiyo mallaalkaan lahaa, duubta gogalaaye

Daaraha Shawa iyo Xamar markaan, deyr isugu keeno

Qaar kalaan ku soo dari lahaa, oo dirkooda ahe

Dawlad weyn ha noqotaan lahaa, waayo dabadoode

Damaashaadka faraxaan lahaa, daawasho u jooge

Arrin kaa dahsoon baa jirtee, taas ma dayi weyday

Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid!

Qalinkii: Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare)

Email: qaraami1987@hotmail.com

Xigasho: Mareegaha WEEDHSAN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here