Sheeko Gaaban: ‘Dhibbane Aan Gar Lahayn!’ – W/Q. Khadar Iimaan Cige

0
40

Isma fahanno, mana rabno in aannu is fahanno; waayo maba aamminsannin in aannu is fahmi karno. Sidaannu ku aamminnaana may dhalan. In aannu xal raaddinnaana waa habeen xalay tagay, sababta oo ah

khadar imaanma rabno in ay xaaladdu sidan ka soo rayso, oo sidan ayaannu u aragnaa in nolosha macaankeedu ku jiro. Waannu la qabsannay, waxaannu ka soo gaadhnay aabbayaashayo iyo hooyooyinkayo, sidan isu jiidjiita haddana iska dhaqan. Waxa ay cudur daar ka dhigan jireen odhaahda tidhaa: ‘nin iyo naagtii col iyo nabad toona maaha.’ Maantana arrintu sidaas waxba kama foga, ee waa isla sidii uun. Qalqallafsannaanta iyo qalqallooca ayaa qiimo weyn noogu fadhiya oo halkan laga qiimeeyaa, lagana qaddariyaa. Waxa ay ka mid yihiin astaamaha labnimada oo waa farqiga u dhexeeya dhaddiga iyo labka oo arrinkayagu waa: ‘carruur iyo cag weyn dhixirka xidhan toona la isma baro.’

Habeennada qaar waxay idhahaan, waliba dedaal dheeraad ah ku bixiyaan asxaabtaydu sidii la iiga dhaadhicin lahaa in aanan u dabcin, una jiljilcin naagta aan qabo. Waxa ay rumaysan yihiin in is dhuldhiga iyo dabdabacsanaantu tahay wax yaabaha lagu garto dhaddiga iyo nin jileeca laga roonaha ah. Waxay werwer weyn ka qabaan in laga dalbado ayana furfurnaan badan iyo qalbi nugayl haddii xaasaskoodu ogaadaan in ay jiraan wiilal soomaaliyeed oo sidatan ugu jajaban reerkooda. Haddana marmar dhif iyo naadir ah ayaan is canaantaa  isna idhaa: bal caawa waa in aad ka yaabisaa xaaskaaga oo aad la timaaddaa shaqo hor leh oo farxad galisa. Waxaan laabtayda tubaa erayo macmacaan kuwaasoo aan isticmaali jiray dhallinyaranimadaydii marka aan danaha gaarka ah ka leeyahay haweenka ta markaas aannu isku cindannahay. Anigoo naxnaxsan ayaan albaabka gurigayga garaacaa, deedna judhaba qac ku siiyaa indhaha wajigeeda misna ka dareemaa cadho iyo soo dhawayn la’aan, deedna iskala noqdaa erayadii aan ku talo galay in aan isticmaalo ee dareenka badan xambaarsanaa. Isla markaba waxaa baddala oo soo buuxiya halkii ay iigu kaydsanaayeen erayada wanaagsani qaar aad iyo aad u qallafsan oo qadhaadh badan si aan naftayda uga raalli galiyo dadaalkii ay samaysay ee macno la’aanta ku dhammaaday.

Haa iyo maya midna ma idhaahdo ee intaan muddo aammusnaado ayaan mar dambe idhaa: ‘’Naa horta markii dhawayd maxaad ii sheegaysay kollay wax khayr qaba mahayside,” Marka wax kale ay igu soo dhici waayaan oo aannu ka wada hadalla. Iyana kuma soo celiso hadalkiiye waxa ay si kulul u tidhaa: “horta heedhe waxaannu kuu dirannay ee aannu habeen saddexaadkii ku nidhi noo soo iibi meeyay.” Anna anigoo aan su’aasheedii si fiican uga jawaabin ayaan ku celiyaa: “Naa heedhe horta ma ii maydheen safaarigii cawlaa?”

“Waar waannu kuu maydhnee qaylada naga daa, markaasaad boodhka isku qarisaaye oo shaadhkii ma ii maydheen iyo waxaan loo fadhiyin ku marmar sootaaye, waannu garannaynaa waxaad ka meeraysannaysoo dhane” si cadho badani ka muuqato u tidhaa. “Naa markaasaa balaayo kale kuu khaakhaayirtaaye naga daa duryanka mid dulli ah oo qaylo badan ayaad tahaye’” ayaan anna ku nacdalaa intaan giir iska kiciyo.

 “Waa run oo haddaanan dulli ahayn sow bari hore kaamaan tashadeen. Ma u malaynnaysaa doqon aan aniga ahayni in ay darxumadan u dul qaadan lahayd?” ayay iyada oo hiiftaamaysa igu afooftaa naqas kulul oo cadho iyo isciil kaanbi badani dhex guurayaan.

Haddii ay u adkaysiga iyo u dulqaashada waayaha qallafsan iyo dabaylaha jiilaalku noqdeen dullinimo iyo doqonniimo meeshii ugu hoosaysay, talow maxay ka dhigan yihiin fudaydka iyo samir darnaantu. Sow arrintu kama dhigna waayo is dhalan gaddiyay oo xumaantii dheeh dhalaalaya yeelatay. Mooji aduu sidaad u dhugatay ee aad ugu dhawaysay dhaayahaaga iyo sidaad u dhaga-dhagayso waxa ka dhacaaya hareerahaaga dharaarkasta oo la joogo. Sowtan innagii isreebnay ee sababta la isaga keen soo dhigay, balse, waxaanan garan karin halka uu kugu simi karo safar aad walaashaa sahay ka dhigataa. Marka aan maqlo odhaahda noocan ah ayaan is waydiiyaa oo aan idhaa: Sideen uga dhigan karaa, macnaha: siday sahay iigu noqonaysaa, ma dareere lagu oon baxaa, mise waa: calool gashiimo lagu gaajo gooyo?

 Mooyi malaha waa hal irmaanoo la iska godlado markasta oo aad u baahato. Mayee malaha waa beer markaad doonto waraabiso si aad uga gurato hadba qudaarta aad u baahato. Mayee malaha waa booyaasad loogu talo galay in ay ka adeegto goor iyo ayaan oo ay nadiifiso hadba markaas halka gabbal ugu dhaco amba waa ugu baryo.

Anigoo si daran u wareersan kuna dawakhsan macnaynta erayadan maldahan ee duur xulka ah ayaan si dhib yar u helay xarfo kuwii hore ka fudud oo hadalka mucdiisii xanbaarsan malaha farta waaweyn ayaan wax ku fahmaaye.

Mayee waa: naag, Naagina waa nin. Ninna waa: naag, haddana waa isu nacab aan naf isu haynin oo aan naf iskaga kicin.

Haa waa naag waxa ay naag ku tagay nadiifinta guriga.

Haa waa naag waxa ay naag ku tahay in ay naaqishto hadba sida loo sharrixi karo guriga markaas aroos cusub lagu soo hoynaayo.

Haa waa naag waxa ay naag ku tahay soo dhawaynta iyo u mushxaradka maan-gaabta madax ku sheegga ah.

Haa waa naag waxa ay naag ku tahay in lagu nafiso oo lagu nasto dusheeda markasta oo aad naxariis iyo naruuro rabto.

Waa naag waxa ay naag ku tahay ka raalli ahaanshaha wax kasta oo aad ku riyooto caqli gal la’aan iyo maan gal labadaba.

Haa waa naag oo waxa ay naag ku tahay maan-gaabnaanta caqligooda madoobaysay ee u diidday habsami u fekerka.

Haa waa naag oo waxa ay naag ku tahay in ay kuu leefleefto boogaha iyo nabarrada ku hanbaabuqay ee ku bogsan waayay.

Haba salaaxdee haddii ay ajarku filan ka helayso oo ay kuu abaal gudi karayso ciil kumay dhimateen sow maaha.

Bal ajar halkiisa ha joogee haddii aad u mahadnaqi lahayd oo aad ku dhihi lahayd mahad inta Rabbi ka sokaysa adaa leh bal maxaa ku helaaya.

Mahadnaqa laftiisu ha iskaga maqnaadee ma waxaad kari wayday bal iska dhoollo caddee si aad ugu muujiso in ay mudan tahay ruux ugu yaraan dedaal sameeyay oo taaga wax isku dayay.

Wanaag u muujintu haba kaa joogtee bal maad goor hore uun iska soo hoyatid bidhaantaada nin ha mooddee.

Intaasba intaan idhaa aniga oo aan garaabid iyo garnaqsi waxa ay iga tahay kala garanayn ayaan haddana isla hadlaa oo aan idhaa: Sow digan is dhiibay ee aduu gacantaadii isku gawracay goor aan munaasib ahayn oo sow arrintu ka ma dhigna ruux is biimeeyay.

Horta sow naag maaha? Haddii jawaabtu haa tahay. Ma wax naxariis ah ayaa nin iyo naag ka dhaxaysa tan iyo Xaawa iyo Aadan ayaa la isasoo xagxaganaayay, haddana sidaas uun xaynka la isu haystay. Xabaalaha lagu dar waa duul xeradooda Ilaahay biiyay oo shaydaan ku adeegto. Wuu ku raran yahay uun habeen iyo dharaar.  Waa balaayo aan laga maarmin oo loo baahan yahay. Waa sida warshadaha loo adeegsado wax soo saarka oo haddii la heli lahaa wax soo saar bilaa warshadayn ah, maxaa lagu fali lahaa biraha iyo alxanka isku gaylaala ee shiidaal cunistoodu soo kordhin lahayd waxaan qarash iyo howl ahayn?

Carruur moorsan oo bilaa hooyo ah iyaga laftooda aaladi soo saartay sidebay talow u eekaan la haayeen maskax ahaan iyo jidh ahaanba? Haddii si uun carruurtu ku biqisho oo ay ku timaaddo ifkan, sow adiga raaxadii iyo nasashadii adduunku kaama dhinnaateen?

Haba iska kala dhantaalnaatee sow carruurtu korin iyo koolkoolin kaga ma baahna?

Haddana waatan jid iyo ceel loosaari waayay ee cilin kooda lawaayay kuwii haween ahaa. Kuwa soomaaliduna wayba ka sii xag jiraan, iyaga waxaa si gaar ah u soo tababartay islaantii Arraweelo ee wakhtigeedii ina rag oo dhan ka sayid calaysay, marka laga reebo mid kii Eebbe sababta sahlan uga soo dhigay ee kadabkeeda gooyay. Bal ka warran nin ragoo habari ka il heshay, naf ma kaga kacaysaa baad u malaynaysaa? Takale gabadh xukun iyo xakame loo gacan galiyay oo intaas u soo dhafraysay ka sarrayntooda, sidee bay u dhaqmaysaa ayaad filaysaa bal adba caqlaad leedahaye? Sow kama dhigna aalad qaraxda oo biinkii laga jaray.

Talow waxan oo war ah yaa laga soo wariyay. Mooji mannaqaan cid laga soo dheegtay iyo cid soo tabisay toona, mana fahmi karno cilmi nafsi iyo cilmi baadhis sayniseed mid lagu helay toona ee waxa ay iska noqotay dhaqan iyo dhigaal la kala dhaxlo oo lagu kala rogto maskaxaha dadka sida koobbiga oo kale.

Xeradii ba’aday midkastoo xal u waaya xaaladda qoyskiisa waxa uu hal ku dhag ka dhigtay tan iyo Xaawa uun baa sidan la isu xabaal maroorinaayay. Sow markaas arrintu ma noqonayso iska xawil waxaad xallin kari waydo si aanad cimri degdeg iyo maskax farad u qaadin oo si rabbaani ah isaga filo in faraj sammada lagaaga soo dajiyo adigoo aan wax dedaal ah la iman haba yaraatee.

 Sida xun uun baannu isugu fiirsannaa malaha fariidnimo ayaannu ka filnaa. Wax kastoo aannu is nidhaa fallanqeeya waannu isku afdhaafnaa, arrintuna gacan ka hadal ayay isu rogtaa. Midba midka kale ayuu ku canaantaa macangagnimo iyo jariska xoornimo aan maare loo hayn, una baahan gacan bir ah oo wax lagaga qabto. Hadal kayaguna madhalaysnimo ayuu ku dhammaadaa iyo midho la’aan, waxaan daal iyo wareer ahaynna noogama kordhaan. farxaddayaduse waa maalmo kooban oo iska tirsan. Waxaan xasuustaa habeen aannu aad u qosolnay oo aan ka baqday in aannu dambaabnay sidaannu u qoslaynay oo waxaan habeenkaas maallinnimadiisii ka soo qaaday xawaaladda saddex boqol oo yurubta nalooga soo diray. Waxaan uga sheekeeyay gabadha carruurta ii haysa tuug xariif ah oo iska dhigayay nin sheeko tag ah oo gabadh raacay deedna boorsadii tilifoonku ugu jiray ka khiyaameeyay oo lagu soo ururay oo afku kaga dhagay sida hoonka baabuurta “walal wuxu ma tuugbuu ahaa mise nin caadi ah oo igu ciyaarayay. Illeen annagaa wax aragnay iyo wuxuu doonaba ha’ahaadee wayba iga raacday aniga tii naf ahayd” ayay tidhi gabadhii tilifoonka laga xaday iyada oo jamanaysa tuuggii khiyaamada ku sameeyay oo layaabban farsamada uu u degay shankabood luhu miskiintii iska laafyoonaysay suuqa badhtankiisa ee muraad la’aanta kolba waddo dhinac u qaadaysay.

Habeenkasta oo aan soo hoyanaayo waxaan diyaar u ahay dagaal iyo qas cad oo badheedh ah. Haddii kale oo aan anuu wax walaaqi waayo, waa in aniga laftayda la i waalaa, hilifahana la ii qaadaa, inta loo qaato in aan dambiile isdhuubaaya ahay iyo diciif aan caawa waxba iska dhicin karin. Markaas sow maaha in aan sameeyo wax kasta oo aan taas kaga hortagaayo kuna muujinaayo sida aan u foojiganahay. Sidaas darteed ayaan isugu dayaa in aan adeegsado farsamooyin kala duwan oo malaha haatan uba dhaw in ay fashilmaan.  yeelkoode haddana illaa hadda way ii shaqaynayaan.  Maalintay guul darraystaanna, baddalkooda ayaa la raadin, haddii la waayana ma reer saaqiday ayaannu ugu horraynnay qaran dhanbaaba fashilmaye. Taasina haddii ay ceeb iyo fadeexad tahay sow ummadda oo dhammi kama diirteen oo may ka gilgilateen gunnimada iyo guul darrada guud ee sida caamka ah ugu xayn daaban.

Isticmaalka erayada noocan ahi waxa ay ii noqdeen daruuri. Inkasta oo ay ku bilaammeen si dhib yar, hadda se sidaan ku hakiyo iyo si aan ku joojiyo toona garan maayo. Waxa ay ku beermeen qalbigayga, isla markaasna dhex qaadeen oo ay ka mid noqdeen dhiigayga, illaa ay arrintu isu baddashay caado lagooyaa cadho Allay leedahay, hadda waxay ii noqotay dhaqan xoog badan oo anigii i xakameeyay. Markastoo aan is idhaa dadaal sameena wax uun baa dib ii jiidanaaya oo ma aqaan in aan sidan u abuuranahay iyo in aan falanahay toona. Haddana ma raadsado, cidna ma warsado farsamada lagu fardaamin karo falkan jaan ee nuxuusta igu foorariyay. Haddiiba se taasi igu soo dhacdo aan is idhaa: war ninyow waxaad u baahan tahay xirfad iyo xaddaarad aad noloshaada wax kaga baddasho, isla judhaasba dib ayaan u istaakhfurulaystaa Ilaahayna ugu toobad keenaa, waayo waxaan ogahay oo aan si weyn u aamminsanahay in dhibta i haysataa tahay qoraal Eebbe. Wax kastoo dedaal ah haddii aan la imaaddo in aanan ka bixi karin oo ay qaddar Rabbi sidan la noqotay noloshaydoo dhammi.

Tiro male inta goor ee jikaarka noocanoo kale ahi na dhex maray xaaladdu haba sii kala darnaatee.

 “Naa hannala hadlin dulliyoow intaan idhaa ayaan si cod gaaban oo diciif ah ugu dhawaaqaa mid ka mid ah carruurta. Haddii uu si degdeg ah baarrinimana ka muuqato ii soo gaadhi waayo, waxaan isu raaciyaa dhirbaaxo xoog badan, feedh iyo laad, waliba waxaan ugu daraa intaas cay iyo canaan ku jahaysan hooyadood oo daandaansi ah. Sidaasina waa sababta aan codka gaaban ugu yeedhay. Waxa kali ah ee aan ku ciil bixi karaa ee aan ka jaro waxkasta oo ay samayso waa ciyaal keeda ka soo go’ay jidhkeeda. Mihiimmadda aan anuu ka leeyahayna waa in ay ka dhiidhido sida carruurta loo galaayo, taasina u hoggaamiso in ay isku daydo in ay wax ka qabato ubadkan Aabbohood maaruqaayo. Anna aan u helo marmarsiiyo aan gacmahayga ula tago lafteeda si aan uga ciil baxo qofka laftiisii, si mug lehna aan u tuso raganimadayda iyo awoodda qofeed ee igu jirta. Maxaad taas ula yaabaysaa iyada lafteedu yaryar ka ayay askaxa ka gurtaa marka ay hadal iyo balaayo kale iga raadinayso ee ay rabto in ay habeenkaas reer ka rogto. Anna marmarka aan u arko in la iga gacan sarreeyo, intaan si xun indhaha ugu gubo ayaan si degdeg ah guriga uga baxaa, si aan dudmada la iigaga horraynnin oo aan ciyaalka iyo buuqooda la igu soo daynnin. Saaxiibkay oo isagu iska daayay guurka iyo qaxarkiisaba ayaan u diraa taarka isla si daadaan uga soo baxo guriga, deedna ku dhahaa: “waar gurigii ma joogtaa waan soo socdaaye.” “Haaye iska kaalay dee wax uun baynnu wada qabiye, aad noloshan ila dhadhamiside” ayuu yidhaa saaxiibkay Raage.

Markaan arko qaxar la’aanta uu iskaga jiro iyo sida uu iskaga nafiska yahay ayay igu soo dhacdaa habeennada qaar, war ninyow ma iska furtaa talow aad dib isaga dibjirayside iyo mayee ha furine waxaad u baahan tahay in aad habeennada qaarkood iska dibbootid oo aad iska dhaxdo bal si aad uga yara raysatid mushkuladdan mar walba taagan ee aan dhammaadka lahayn. Armay iyana iska xero ka waydaarataa iyo miyay ku dhacdaa taas, way ogtahay in dalqaddu foodda ka saaran tahaye. Sow markaas ka ma dhigna laba dal oo midna haysto hubka wax gummaada, ka kalena aan lahayn haba yaraatee wax la isku difaaci karo.   Sababtu talow ma masuuliyad darro ayaa loogu hallayn kari waayay in la siiyo awoodda furitaanka hal dal qadna Alla hakayeelee? Haddii arrintu sidaas tahay aduu sow kama dhignid dal qayrul masuul ah oo hubka halista ahi gacanta ugu jiro oo marka uu doono siduu doono iyo markuu doono isticmaala. Taas su’aali kama taagna oo kol haddii aad haysto waxa ugu halista badan Adduunka, ma cid aad ka haybadaysanayso ayaa jirta, m/ana habboona in la iswaydaarsado oo lagu mashquulo sida awoodda noocaas ahi u abuurantay. Haddana waxaan arkaa saaxiibkay oo darxumo iyo guri la’aan ka calaacalaaya oo leh: “ma waxaad aragtay guri wax kasta halkii aad saaka kaga tagtay aad ugu imanayso, oo aan shay kali ah halkiisii laga leexinayn.”  Nadaafad darro daris la noqotay iyo tamar la’aan iskana hagaajin kari waayay guriga oo si xun isku dhaxyaalla.  “Waar iska jiifso halkaas annaga waxaasi nama dhibaane. Adiga laftaadu sidan iyo si ka sii daran ayaad ahayd saaxiib oo waan is garnaynaaye, waxba sanka ha taagtaagine iska xammil kibir iyo ka badbadin ayaa gurigaagii kaa keentaye, aroortaba waad iska tagi doontaaye.  Anaa halkan ka tashan waayay, Ilaahay ima badani anaa sidan isku dhaami waayay” ayuu yidhi Raage oo ku dhex libdhay furaash duug ah oo jilcay.

Yeelkeede haddana qaar badan ayaan dhaamaa ku waa soo majeerta guurkayga oo u arka in ay tahay tallaabo loobaahnaa oo aan hore u qaaday. Waxaan taas ka fahmaa iigana dhex muuqataa saaxiibkay oo tiraba dhowr jeer ii calaacalay isaga oo ka eed sheeganaaya guur la’aanta iyo dhibta ay leedahay. Waana marmarka aan hoosta iska idhaa: war iska daa tuhunkuba waa sad’e iyo mayee walahi waxaa kugu wanaagsanayd tabtaas uu yahay hadda in aad mar labaad ku yar laabato doobnimadii aad soo waayo-aragtide. Haddana waxaan niyadda ku yara qaboojistaa, sasabo iyo sabaalena uga dhigaa naftaydan silloon oo aan ku idhaa: mayee aduu eedda ma lihide taadiibaanad helin. Allaylehe mar labaad nasiibkaaga tijaabi iyo armay dhibka iyo fakhriga kuugu biiraan dakharro iyo olol aan dhammaad lahayn iyo mayee waxani waa dabayloo mar uun in aad isfahantaan ayaa laga yaabaa, inta badan dumarku afartanka ayay hooyadood ugu tagaan. Hooyadeedna marwo sharaarad yar leh ayay ahayd, inkasta oo odaygu ku kululaa. Marna nabar xuni kaga dhacay oo inta badan wajigeeda laga dheehan jiray, iyana waji gabax ku noqday oo way ku adkayd in aad isu wajahdaan si foolka fool ah. Alla Xaaji Ismaaciil, war ninku ragannimo badnaayee.  Waxaan garanayaa maalin saddex iyo soddonka la qaaday mid ay is afdhaafeen oo gacantiisa lamuu laaban jirin marka uu wax maago, nin ragina waa kaas. Taasi waa malahayga, hase yeeshee, ma aqaan daliilka iyo meesha uu ku duugan yahay toona se waa dood muragsan oo aan ka bixin maskaxdayda, laakiin waxaan hubaa in lagamamaarmaan tahay dhowridda dhaqan ka qalad iyo sax labadaba. Waxaase taas madmadow iyo shuucaac ku furta oo mar labaad maskaxda igaga afuufta tuxuush iyo dabayllo waalan oo aanan garanayn dhinac ay igaga yimaaddeen.

Kama fekero, niyaddana kuma hayo, mana ka welwelo maxsuulka ka dhasha geesinimo ku sheegga dad laysnimada iyo gacan dhiirrannaanta askax gurka iyo gummaadka loo gaysto ciddii kasta ee aad ka muruq iyo gu roontay sida ay u garaad tirto garashada iyo habsami u socod ka nolosha Aadamaha.  Goor iyo ayaan, habeen iyo dharaar waa buuq, qas iyo qaylo taagan aan marnaba damayn. Iska daa in uugaanka iyo gariirku go’aanoo, waxa ay carruurtu ku waa bariistaan iyada oo la isu tumaayo sidii durbaan ay ku xadraynnayaan xer awr koran ah loo qalay. Sidoo kale waxa ay ku gabbal dhacsadaan iyada oo la isugu qaylinaayo, la iskugu buuqsan yahay sidii ay cadhootay oo ciyaal toocsanayaan. Waxa ku dhacday inta badan carruurta sas iyo kalsooni la’aan si xun u saamaysay qalbiyadooda oo nolosha oo dhan way ka aammin baxsan yihiin, waxa ay u haystaan in Adduunyada dhammaanteed sidan la isu ruugaayo rag iyo dumar meel la joogaba. Wiilasha kuwooda ugu rooni habeen iyo maalin dhakada ayay kaga taagan yihiin hablaha la dhashay iyo idil ahaanba waxa ay gabdho indhaha saaraan. Taasina waxa ay gayaysiisay in ay soo wajahaan caqabado adag oo xagga wax barashada ah. Waxaa ku adkaatay in ay laqabsadaan lana jaan qaadaan goobaha wax barashada iyo isfahanka qaybaha kala gaddisan ee bulshada.

Khadar Iimaan Cige

Email: badqas1@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here