Magacaygu waa Ayaanle, da’daydu waa 22 jir. Waxaan deggennahay magaalada Ceeri gaabo Halkaas ayaan ku dhashay oo ku hanaqaaday, ubad agoon ah oo afar ah ayaan ugu weynahay. Islaanta ayaa noo xammasha oo dhididkeeda iyo dheecaankeeda nagu masruufta. Laakiin deriska aanu ood Wadaagta nahay waxaa biiliya oo u shaqeeya aabbohood Cumar sanyare. Qoyskaasi waxay ka kooban yihiin shan carruur ah, oo ay ugu weyntahay Ayaan oo aannu isku fil nahay. Ayaan waxaannu nahay isku da’ soo wada koray intaa waxaa noo dheeraa waxaan ahayn isku fasal 12 sanno. Waxaannu wada dhammaysannay dugsigii sare intii aannu wax barashada ku jirnay waxaan ka caawin jiray xisaabaadka iyo sayniska oo aan iyada ku dhaamay.
Si kale haddaan u dhigo waxaan u ahaa walaal ay weheshato oo carruurtu kaga waabtaan maaddaama oo aanay lahayn walal ka weyn. Dhawr jeer ayaan waddo ka mariyay ciyaala suuq ku adyadootay. Ciyaalka qaarna waxay u haysteen in aannu habra wadaag nahay oo sidaa darteed aan ugu hiiliyo. In aan reerkaas u damqadaa waxay iga ahayd jaar jacayl taas oo i dhaxal siisay in uu i jeclaado Ayaan aabbeheed iyo dhammaan ehelkeedu. Ayaan aabbaheed wuxuu ahaa Oday aad u furfuran hadal yaqaan ah annagana aad noogu roon. Si kale haddaan u dhigo wuxuu ahaa siyaasi ka dhex mudhay degmada aannu naallo. Ha yeeshee si kasta oo uu noo daryeelo marnnaba noomuu buuxin kaalintii aabbahayo ka tegay. Markii aan yaraa maan dareensanayn booska aabbahayo ka baxay iyo qiimaha uu noolahaa. Maanta se arrinku sidii waa ka du wan yahay waxaan dareemayaa masuuliyad iyo culays igaga imanaya xagga reerka waxaaa maankayga dhex mushaaxaysa Maah maahdii ahayd “Curad reer ku filan hadduu bi’iyo iyo hadduu badhaadhshaba”. Waxaan dhammaystay dugsigii sare waan ka fekeray in aan jaamacad tago haddana waxaan is weydiiyay yaa kaa bixinaya? Yaa se u shaqaynaya carruurtan agoonta ah? Mar kale waxaa i hor imanaya hummaag ku ladhan wadnahayga oo wax walba igaga kaar weyn kaas oo ah jacayl ilaa carruurnimadii ii ahaa wehel aan nafta ku sasabo.
Ayaan Cumar San yare waxaan na dhex maray jacayl markii aanu fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ahayn, markii aanu yara kornnayna waxaannu samaysannay qorshe nololeed iyo qaabkii aanu guri u yagleeli lahayn. Markay sidaa ahayd aniga oo galab hadh qoodaal iska fadhiya oo madaxayga ay isku hirdiyayaan aragtiyo ciiddaas ka badan ayaa waxaa igu soo baxay Cumar Sanyare oo suudh xidhan.
Bariido dabadeed wuxu igu yidhi « adeer maxaa meesha keligaa ku dhigay ee aad la naadyaysaa? »Waan u warramay sidii aan u fekerayay baan uga sheekeeyay waxba kamaan qarin in aan jaamacad rabo, shaqaysto, agoonta u shaqeeyo iyo in aan noloshayda dhiso. Cumar Sanyare maalintaa wuu ii xog warramay wuxuu iiga sheekeeyay adduunka iyo is bedelladiisa wuxuu iiga sheekeeyay hankiisa siyaasadeed iyo halka uu rabo mustaqbalka ku danbeeyo. Wuxuu igu yidhi « Adeer maanta nin dhallinyaro ah baad tahay mustaqbal ifayana waad leedahay, horta jaamacaddaada aniga yaa tuurta u ridtay laakiin arrin baan kuu bandhigayaa waxaan doonayaa in aad ololaha doorashada igala qayb gasho »Haye! « Marka xisbigeennu soo baxana cadkaaga waad leedahay hadda waxaad noqotaa guddoomiyaha dhallinyarada ee Xaafadda »Haye iyo hawraar san baanu kukala tagnay. Aroortii markii waagii baryay ayaan shaqo bilaabay waxaan soo kireeyay xafiis xaafadda ku yaallay halkaas ayaan muddo dumarka iyo dhallinta jaarkayga ah ku shirin jiray maalin maalmaha ka mid ah ayaan kulan qaban qaabinnay maalmihii ugu danbeeyay ee doorashada waxaa nala joogay wefti hargaysa ka yimi oo Ceerigaabo loo soo diray.
Halkaas ayaanu bulshadii kala hadalnay hadalladii Cumar Sanyare waxaa ka mid ahaa « Walaalayaal Gobolkeenna Sanaag wuxuu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah sida Fooxa, Beeyada, Maydiga iwm ah suura gal maaha in aynu ka qatanaanno. Xisbigayagu wuxuu ballan qaadayaa inu uu muddo lix bilood ah kaga soo hindhisiyo khayraadka dalka »Mudane oo kale oo Hargeysa ka yimi waxaa hadalkiisa ka mid ahaa « Walaallayaal gobolka Sanaag waxaa ka jirta waddo la’aan sababtay geeri badan waana gobol halbowle ah yeeli maynno in aad laba habeen wadada kusii jirtaan marka aad gobollada galbeed ee dalka kusocotaan Haweenay kale oo aan is idhi malaha in madasha lagu qurxiyo ayaa meesha loo keenay baa ka hadashay waxaan iyana hadalladeedii ka xasuustaa « Reer Sanaag waa shacab gob ah waa shacab horumarka jecel. Waxaa jira waxyaalo aan cidi idinla wadaagin waxaa ka mid ah buurta Daalo iyo buurta Rabshiga oo labadaba Ilaahay qurux dabiici ah ku mannaysatay, sidaa la socotaan buurta rabshiga waxaa yimaadda jiilaalka kumaankun shinbiro ah oo kala jaad jaad ah oo kasoo yaaca qabowga yurub kolkaa haddii aad na doorataan waxaannu ka dhigaynnaa goob dalxiis oo adduun weynaha looga yimaaddo. Inshaa allahu waa loosoo dalxiisi doonaa sida birta dheer ee Baariis EIFEL TOWER. Kharashka ka soo baxana waxaanu wax ugu qabanaynaa Carruurtii mujaahidiinta »
Halkaa markay marayso gabadha hadalkeeda aad baan ugu riyaaqay dadkii na dhegaysanayayna ila mid bay ahaayeen. Waxaa aad ii soo jiidtay qodobka lagu daryeelayo ubadkii mujaahidiintu ka tageen oo aan ka mid ahaa, taasi waxay keentay in aan dedaalkii iyo ololihiiba sii laban laabo. Waxba yaan hadal idinku daaline adduunyadu waa giraane muddo yar ka dib waxaa taladii dalka la wareegay xisbigii aan taageeray ee aan naf iyo maalba duldhigay. Weliba tiradii ay Sanaag ka filayeen mid kabadan bay ka heleen gaar ahaan magaaladayda iyo xaaffadayadaba. Habeenkii loogu dhawaaqay doorasahada ee xisbigayagii guulaystay Cumar Sanyare waanu is aragnay oo sheekaysannay. Wuxuu igu yidhi reer ka Hargeysa ayaan u rarayaa adna xaggaasaad nala joogaysaa, oo Jaamacad ka gelaysaa mardhow marka jago muhiim ah la ii magacaabana jaamacad dibadeed ama deeq waxbarasho ayaan kuu dirayaa sidaas ayaan isku ogayn ballan iyo axdina ku kala qaadannay. Intaas ka dib anigu niyad ahaan waan farxay marka laga yimaaddo in Cumar sanyare xisbigoodii guulaysatay waxaa macno iisamaynaya in ay is beddelayso noloshii Ayaan halkaana uu jacaylkii markale fursadi uga soo bixi karto. Hargeysana aan kuwada noolaanayno. In yar markii laga joogo guushii xisbiga reerkii waxay u guureen caasimadda dalka illeen afrika caasimadda uunbaa laga degaaye. Arrinka wax kasoo qaadka lihi wuxuu ahaa ninkii Cumar Sanyare ee aanu saaxiibka ahayn marna adeerka ii ahaa markii xisbigu guulaysaty hadalkiisu wuu yaraaday dabeecadihiisii horana wuu beddelay haddii uu ahaa nin bashaash ah oo oo fur furan immika erayada afkiisa kasoo baxaa way tirsan yihiin gurigiisa laguma kala baxo intaa yulqan ayaa ka baxaya. Waxyaalaha layaabka leh ee aanan marnnaba illaabayn waxaa ka mid ahaa markii uu reerkiisa rarayay waxba kama aan ogayn,Ayaan uun baa ii sheegtay in reerku habeen danbe guurayaan.
Sidaas ayaa reerkii aanu wakhtiga dheer dan wadaagta ahayn ku guureen, dad badan oo aan ka mid ahay waxay aamin sanaayeen in Cumar Sanyare dadkiisa wax u qabanayo oo uu marba kasoo war dooni doono hayeeshee dharaartiiuu hargeysa u guuray ayaa noogu danbaysay. Dhawr jeer baan damcay in aan la xidhiidho ha yeeshee maan helin oo telfoonkiiba wuu beddelay. Waxaan la xidhiidhi jiray Ayaan oo sheekadayadii iyo haasawihii halkii nooga sii socady intii ay magaalada ku cusbayd si fiican baan u wada xidhiidhi jirnay waanan iska war haynnay. Ha yeeshee beri danbe ayaa aabaheed wasiir loo magacaabay markan xidhiidhkii way yaraysay telfoonka way igu eegtaa, farriimaha aan u diro iigama soo jawaabto hadday jawaabtana laba sadar oo xaal guud ah ayay war oodhan ku koobtaa taasna waan kahdaa. Talo ayaa igu ciirtay noloshii iyo ballan qaadkii beenta ahaa ee Cumar Sanyare waxaa igaga daran Jacaylkii aan weligayba koolkoollinayay oo dumis ku dhow.
Waxa aan maalin walba garaaco qoyskii waxyaabaha badani naga dhexeyeen aakhirkii waan is waynay. Iyada iyo aabaheedba xidhiidhkii way goosteen. Hal gu’ markii ay ka soo wareegtay is bedelkii aan eeday ayaan maalin telfoon ku helay Ayaan Waxaan ka codsaday in aan u imaado Hargaysa aabbona u sheeg haddaad doonto. Waxay igu tidhi «haye kaalay Waanu kusoo dhawaynaynaa »markii sidaasi dhacday hooyaday ayaan ka codsaday in ay i noolido ilaa Hargaysa si aan bal dawladda cusub u soo gar garaaco hooyana hadalba igama geline Xoogaa nooli iyo jicsin ah bay isoo siisay. Waaraad ayaan kasoo raacay Ceerigaabo bankii aad Ogayd ayaan foogiyo fagaaraha u soo baxay mar aan Berkedda Cali Xirsi marayay ayaan niyadda ku qabtay wadadii maalintii Cumar Sanyare ku baaqayay halkay ku danbaysay. Olole been ah in ay ahayd gar waaqsaday. Waxa kale oo maankayag ka guuxaya Hargeysa iyo waxaaan kala kulmi karo. Mar kasta niyadda khayr baan u sheegayay. Afar caano maal ka dib waxaan imi hargeysa. Waa magaalo weynaatay oo ka soo kabatay dagaalladii sokeeye iyo kuwii ka horreeyayba guuxa gawaadhida, qaylada mishiinnada iyo saxmadda madaxa ayaa ku xanuunaya. Hargeysa anigu cid aan reer Cumar Sanyare ahayn kama aqaanno. Markaan halleeya soo gaadhay baan u holladay in aan ku war geliyo in aan imi. Hase ahaatee nin cod weyn ayaa yidhi « Lanbarka aad la hadashay lama heli karo hadda Fadlan ku celi mar k ale »Naxdin wadnaha ayaa hoos ii go’i gaadhay. Dhawr jeer oo danbana waan garaacay ha yeeshee habeenkaa la iima. jawaabin, « Nimaan hoy lahayn habeenna u dumay Hargeysi maxay ku haysaa » ayaan maqli jiray. Anigoo dawakhsan oo timahayga casuusta iyo iyo boodhkii ku aslan aad yaabayso ayaan maskaxda ka tuujiyay. Caawa halkaad u hoyataa ayaan maanka Weydiiyay ?Masaajid iyo goob cibaado ku eero baan is idhi waxaan galay mawlac ku yaal xaafada new Hargeysa. Markaas ayaa laga salaama naqsaday salaaddii cishe. Wadaad gadhcad oo kadinka taagan ayaan la hadlay una sheegay in aaanan magaalada cid ku lahayn kana dalbaday in uu caawa i hooyo. Ha yeeshee wadaad kaasi iimuu garaabine cagta ayuu cagta ii saray. « Masaajidku albeerko maaha ayuu igu yidhi. »Waan iskaga socday waayo maba taallo sabab aan ula gor gortamaa. In yar markaan socday ayaa maskaxdayda waxaa kusoo dhacay laba arrin oo in badanna aan is waydiiyay waxa ay salka ku hayso. Waa siyaasiyiinta iyo wadaaddada, waa laba danaystayaal inta badan ku guura ummadda inta badan haddaad u fiirsato dhammaan hanti goosigu waa wadaaddo aan habeen hoynayn walaalahooda busaaradysan. Kuwa kalana waa siyaasiyiinta oo ballan qaad been ah barriin saday . Isla markiiba waxaan haddana niyada u sheegay in maalin uun laga baxayo rafaadkan oo dhallinyaradu qalbigooda midayn doonaan kana waantoobi doonan dayrkan adag ee lakala dhex dhigay.
Waan iska socday anigoo laamiga luudaya ayaa waxaa dar Ilaahay iiga horyimi wiil aanu isku magaalo ahayn oo hargeysa jaamacad ka dhigta ninkaas ayaa habenkaa ila baxsaday isaga ayaa i hooyay oo i sooryeeyay. Aroortii markii waagii beryay ayaan telefoon ugu dhuftay Ayaan way iga qabatay nasiibkayga, Waxaan u sheegay in aan xalayba magaalada u hoyday, « Caawa aynu ballano » baan ka codsady. « Haye » bay tidhi naqas weyn baa iga soo booday. Isla markiiba saaxiibkay waan u sheegay in aan caawa ballan muhiim ah leeyahay. Shaadh iyo surwaal ayuu toobal caaro iigu dhiibay. Hutelka Baar Xaraf ayaan kula ballamay maqrib dabadii,gelin horaba waxaan tegay goobtii ballantu ahayd. Sida caadiga ah inta badan waxaa goobta ballanta kusoo horreeya qofka aadka loo hayo hutelkii baan imi in cabbaar ah ayaan kuraastii debedda ku laydhsaday sharaab iyo xoogaa biyo ah baan iska cabbay waan sugay oo sugay laakiin may iman. Mar kale ayaan wacay waykan, waan soo socdaa waxba kuuma soo jiro siday u lahayd ayay gaadhay 11. kii habeennimo. Waxaa dhacaysay bahal gabadano ah waxaa i qabatay kaadi waxaan u kaadi tegay dooxa huteelka ka danbeeya maadaama Markaan dooxii sidaas ugu dhaadhacay ayaan maqlay onkodka iyo hillaaca galbeed guntii ka muuqda. Markaa sidaa u xaajo dhammaystay waxaa isoo wacday Ayaan oo aan goorahanba u jeel qabay hadalkeeda waan u sheegay halkaan joogo. Waxay wadataa gaadhi Karoown ah waxay hordhigatay huteelkii ballantu ahayd in aanu isugu nimaadno. Markay soo degtay waxay xidhnayd xijaab dheer uu bunni ah dusha waxay ka sidatay sheelad huruud ah ,oo ay madaxa iskaga duubtay. Way kortay oo naaxday sanadkii ay nagasoo maqnayd waxaa ka muuqdy nimcada labeenta wejigeeda ayaad ka garanaysaa aabbaheed xil weyn dawladda ka hayo.
Waxay iigu warrantay dooxa badhtamihiisa waxay ii sheegtay in ay ka xuntahay in aanu is waynay mashquulkuna uu yahay adduunka iyo waayihiisa.
Jacaylkayagii ayaan wax ka waydiiyay? Waxay tidhi Ayaan «Walal horta innagu waxaynu nahay dad wada dhashay, soo wada koray ilaa maalintay raad dhaqaajiyeen wada joogay ha yeeshee dan baa ina kala kaxaysay oo ina kala rartay marnaba ma illaawayo wada dhalashadeenni iyo walaatinamadeennii, waxa aan se bilaabay wax barasho dhawaan waxaan shahaadada masterska ka soo diyaarinyaa waddanka Tukriga. Markaa walal xilligan jacaylkii in aan boos u bannaanayn ayaan u arkaa »Ma sidaasaad garatay Ayaan ugu hal celiyay » ? « Haa” bay tidhi Haye baan idhi nabad gelyo Iska tag.
Waxba u maan calaa calin maxaad sidaa iigu gashay iyo maxaad ii dhibaysaa midna ma odhan. Markii ay hadalka ii soo koobtay way iska dhaqaaqday markay xoogaa sii socoto oo ay qarka dooxa ka tallawday Ayaan dareemay saxan-saxo iyo qabow xaga galbeed igaga yimi waa halkii caawa roobku ka hillaacayay. Markii ay sidaa qarka dooxa u weydaaratay ayaan ku war helay daad xawli ah oo soo rogmaday, Way ii dhawaaqday “waar daad kadaadkaa”juuq umaan celine ju dhiiba mawjad baa i dhufatay nin daad qaaday xunbo cuskay ayaan maqli jiray. Markii aan xoogaa daadka dul sabbeeyay ayaan maqlay qaylo xoog ah oo ay ku caataabayso Ayaan. Wax yar ka dibna waxaan cantuugay biyihii casaa ee dooxa laba goor oo kale markaan quusay ayaan haleelay geed qudhac ah xididkii oo biyuhu soo saareen kii baan qabsaday, misaan qaylo oodda ka qaaday “Alla yaa muslinaay i bad baadiya ayaan cod dheer ku idhi” maxaan u qaylin waayay? Nafta waan jeclaa adduunka waxba kama dhadhamin maan guursan oo maan shaqaysan oo dhinac agoon yar yar baan curad u ahay oo aniga uun i dhowraya. Markii aan xoogaa cataabay oo cunuhu dillaaci gaadhay ayaa laygu soo yaacay, nin qaad cantuugsan oo toosh sita ayaa ugu soo horreeyay dad ka ii soo gurmaday in yar ka dibna waa laysal oogsaday waxay ii soo tureen xadhig. Anna si awood leh ayaan u qabsaday markaas ayay intay isugu kay tageen iga soo dhufteen, markii laysoo saaray anoo dibbirsan ayay iga matajiyeen. Markii aan yara miiraabay waxay iila carareen cusbataalka weyn ee hargaysa, waxaa i gashay rajo nololeed markii aan dareemay in cusbataalka laygula deg degayo, waxaa se ayaan darro ahayd in albaabka geydhka nalaka furi waayay ilaa la helo qof na garanaya,ku darsoo waan cuslaa waxaan u baahnaa gar gaar deg deg ah dawlada dalka haysataana waa tii aan naf iyo maalna dul dhigay sidaas ayuu noqday abaalkaygii. Markii naloo juuqi waayay ayaa waxaa lacag isku dar daray dadkii islaamnimada iigu hiilayay waxaanay I geeyeen Cubataal gaar loo leeyahay halkaas ayaa laygu dabiibay Ilaahayna caafimaad igu siiyay sidii baan siyaasad iyo taageere xisbi uga diiqadoodaa, una doorbidaa inaan dantayda uun ilaashado. Waan hubaa in dad ila mid ahi ka niyad jabeen siyaasad iyo wax la halmaala.
Dhammaad.
- G. Sheekadani waa male awaal.
Xamse Cabdi Ibraahim “Qoorcadde”