Sheeko Gaaban: ‘Maydad Wadhan!’ – W/Q. Faadumo Aadan Buuni

0
38

Maalin qudh ah ayaa ka soo wareegtay maalintii koofiyadda dhammaysashada Jaamacadda madaxa loo saaray ee lagu yidhi “Waadigaa maanta mustaqbalkaagii

faadumo aadanmadaxa ku sita.” Mabsuud aan kala go’ lahayn ayay gashay iyo dib u milicsi ku aaddan maalmihii ay madasha waxbarashada ku maqnayd. Waxay markiiba ogaatay in ay maalmahaa mar kasta maankeeda iyo maskaxdeeduba muujin doonaan mudankooda oo aanay ka meermeeri doonin. Dad badani madasha way joogeen. Ardaydu waxay ahaayeen arday aad mooddo inay mar wada dhasheen oo aan cidi ba u dhaxayn.

Waalidiin tiro badan oo farxad la wareeray indhaheedu markaa way arkayeen. Bareyaal foolkooda laga dheehanayo farxad aan kala go’ lahayn iyagana way u jeedday. Maxfal aad u ballaadhan oo farshaxannimo iyo farsamo badani ka muuqato ayuu ahaa. Ha bilaabmaan hadalladii kala duwanaa ee laga jeedinayay goobta xafladda. Wasiiro, waalidiin iyo wadar kale oo dad kala duwan ahi madasha way joogen. Malaheeda markay u fiirsatay cidi magaalada kamay maqnayn. In door ah munaasibaddii ha socoto, ardaydii ha loo hambalyeeyo, waalidkii ku soo dhididayna ha loo wada duceeyo; sidii ay ubadkooda u barbar taagnaayeen muddo aad u dheer iyo sidii ay mar kasta ugu baraarujin jireen ahmiyadda waxbarashadu u leedahay aadamaha.

“Maanta farxaddeenna dhammaanteen lama soo koobi karo, waxaynnu u dabbaaldegaynaa oo aynnu la dakaynnaynnaa ubadkeennii, ubaxeennii, anfaceennii, aayaheennii, oo aynnu maanta midhahoodii la goosanaynno,” sidaas waxa hadalkiisii ku bilaabay maamulaha guud ee Jaamacadda. “Ubadkeenna aynnu barbar istaagno oo mar kasta aynu wax barno,” ayuu hadalkiisii ku soo gebagebeeyay.

“Waad og tihiin maanta inaannu heer sare ka gaadhnay shaqaalaysiinta ardayda Jaamacadaha dalka ka soo baxay. Waad og tihiin sida waddankeennu u horumaray dhinac kasta. Waxaan hadda idiin ballanqaadaynaa aniga oo ka wakiil ah Madaxwaynaha dalka oo maanta dalka ka maqan oo uu i soo faray: in shaqooyin kala duwan la idin siin doono, oo ku salaysan waxbarashadiinna, sidii kuwii idinka horreeyey loo siiyay; in si sinnaansho ah la idiin siin doono; iyo in shaqooyin idiin qalma la idin siin doono, hadduu Eebbe idmo. Waxaan mar kasta idinku dardaarayaa, inaad waddankiinna ilaashataan oo aad cadawga ka difaacdaan. Waxbarashaduna ma dhammaato ee sii wata waxbarashadiinna, ilaa inta aad nooshihiin. Hambalyo… Hambalyo,” waxa hadalladaa koobkooban yidhi wasiirka waxbarashada oo madasha joogay.

Ha ba dhammeeyo wasiirku dardaarankii uu ardayda u jeedinayay. Inkasta oo la taagnaa markan ammintii la rabay in la guddoonsiiyo wixii ay ardaydu mutaysteen, hamaansigaaba arday badan ku bilaabmay. Qaar baaba kuraasta lulo daraaddeed ka daadan gaadhay! Iyadu se waxay dhuuxaysay dhegtana u raaricinaysay weedh kasta oo ka soo baxda afka dadkii xafladda ka hadlayay. “Tolow xafiis noocma ah baa lagu gayn doonaa? Maamulka iyo shaqaalaha xafiiskaas tolow ma is fahmi doontaan? Oo toloow mushahar wanaagsan ma laguugu bilaabi doonaa…” mawjado waydiimmo hor leh ah oo aanay warcelintooda helin bay nafteedii ku waashay. Markii magaceeda lagu dhawaaqay ayay noqotay sidii qof hurdo habeennimo laga soo toosiyay oo biyo dusha lagaga shubay. Korba waa ta u boodday! “Alla goormaa la i yeedhiyey? Mabaan maqlayn oo illayn waan maalin riyoonayay,” inta ay hoos isku tidhi ayay iyada oo dhoollacaddaynaysa dhaqaaqday.

Saf dheer oo roog cas loo dhigay bay sidii awr xidhiidha isa soo dabo galeen, iyaga oo aad foolkooda farxad badan oo aan la koobi karin ka dheehanayso. Qiyaasteeda haddii la guddoonsiiyay arday aan dhammayn toddoba ay iyadu ku jirto, waxaba si fillaana ugu soo dhacay, gantaal gariir iyo xoog isku darsaday. Meel uu ka yimid, meel uu u socday iyo sababtii uu ugu dhacay la garan waayay! Cirka iyo dhulkaba waa laga soo weeraray! Cidda se soo weerartay way iska garanayeen iyagu. Isla markiiba boqollaal qof wuu la tagay. Naftiina way ka haadday. Dhaawac ay ku jirtay iyadu tiro may lahayn. “Bisinka….Bisinka alla halkee la innooga yimid…”ayay maqlaysay. Baroortaa ka dhammaatay. “Alla hayaay….Alla hayaay” ku cabaade, dhaawac halisaa lugta midig kaga yaalla, inay lugtu go’dayna way u muuqataa.

Dhiig aad badan baa ka qulqulaya. Aragtay maydka sayigeeday  ku indho kuulan jirtay iyo labadeedii wiil ee mataanaha ahaa, oo iyagu ku wehelinayey xafladda Jaamacadda saddexdoodaa u soo raacay. Markii hore waxay is tidhi, “Malaha naf baa ku sii jirta. ”Waxay isku dayday, inay beerka ku soo siqdo, si ay ugu soo dhawaato. Kuba arragtay indhaheeda inay naftu judhiiba ka Haadday. ”Ii gurmadaay, ii gurmadaay. Alla idin waayayeey way Indhahaygiiyoow,” ayay ku barooratay iyada oo aan hadalba ka soo bixi karayn. Markaas ayaa ugu danbaysay hadal. Way miyir doorsoontay. Cidiba cid ma maqlayso. Dumar oo dhanna sideeday u barooranayaan. Cid kasta oo halkaa joogtay oo noolba  jaho wareer baa ku dhacay!

Cid wixii dhaawaca ahaa oo ay iyadu ku jirto cusbitaalladaa loola cararay, intii dhimmatayna xabaal wadareedyaa la iskugu geeyey, dumarka dhinac, caruurta dhinac, raggana dhinac. Magaalada meel kasta waa la duqeeyey. Jaamacaddooda ay munaasibadda  ku qabsanayeen oo kaliya lama duqayn, waxa kale oo la duqeeyey:-goobo badan oo magaalada ka mida. Way ku garaadsatay iyadu siday hooyadeedba ugu  garaadsatay, dhibtan iyo baaba’an.

Saddex sannaa ka soo wareegay  markii hooyadeed, aabbeheed, iyo walaalkeedii kor uga waynaa ku dhinteen weerarkan oo kale. Maantana waxay ku  wayday sayigeedii indhaha u sirraaday iyo labadeedii wiil, ee murrugada ka yareeyey. Goob kasta oo dad ka dhawaa sida:- waddooyinka faras magaalada, xaafadaha, dugsiyada, waxay noqdeen, mayddad wadhan! Iyo  dhaawac dhiig bax u dhammaaday, cusbitaaladana lagu daaddiyey!

Inta dhimatay ee la helay iyaga oo jidhkoodu isku yaalo, waxay saddex-laab ka badan yihiin,  inta la waayey raq iyo ruux. Duul baas baa ku soo duullay. Maantaba labada lugoodbba way go’an yihiin,  gaadhi curyaan baa lagu wadaa. Hamigii fogaa ee ay lahayd, wuu hagaasay siday curyaanta u tahayna, isna curyaan buu noqday lixda laxaadba la’. Hooyadeed, aabbeheed  iyo walaalkeed oo kaliya may waayine,  waxa kale oo ay wayday toddoba gabdhood,  oo ka mid ahaa asxaabteeda kuna kala noolaa toddoba waddan. Sidan si lamida, iyo si ka duwan weerar loogu soo qaaday halkaana ku naf waayey.

Waxay ku dhaaddaysay meeye? Waxay filaysay xaggay u firdhadeen? Farxaddeedii, hammigeeddii iyo himiladeedii fogayd, maxaa hagaasiyey ee harraatiyey? Intuba markaliyey isku baddaleen murrugo aanay ilaawayn muddo badan oo nolosheeda ka mida.

Marba marka ka danbaysa waxay ku suuxaysaa, sariirta dusheeda markay cabbaar suuxsanaatana way soo yara miyirsanaysaa, markaasay indhaheeda ilmo kulul oo haddii weel la hoos dhigi lahaa buuxin lahayd, ka soo dareeraysaa. Way is ciil-kaabinaysaa, caloolxumana way u dheer tahay, waxa taa ka sii daran xummadda haysa ee jidhkeeda tin iyo cidhib buuxisay. Way cidloonaysaa.” Haddii laguu ogolaan lahaa, baddaad isku soo ridi lahayd ama buurahaad iska soo dul tuuri lahayd!” bay hoostaa ka leedahay. Carrabkeed ayay intaa ruugaysaa iyada oo aan dareemayn wax xanuun ah.

Faadumo Bintu Aadan Buuni

Email:libaaxo.77@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here