Shiinaha Iyo Maraykanka Oo Meelmariyay Heshiiskii Cimilada Ee Paris

0
38

heshiiska cimiladaParis (Hubaal/W.Wararka) Shiinaha iyo Maraykanka ayaa meelmariyay heshiiskii isbadalka cimilada ee magaalada Paris, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua.

Labadaas dal ayaa masuul ka ah wasakhaynta hawada 40%, waxayna hadda meel mariyeen heshiiska Paris.

Shiinaha ayaa go’aankaas kaga dhawaaqay shirka ay leeyihiin dalalka ugu dhaqaalaha wayn adduunka ee G20 oo ka socda magaalada Hangzhou. Maraykanka ayaa isna isla talaabadaas qaaday kaddib markii uu shirka ka qayb galay madax madaxwayne Barack Obama. Heshiiskan Paris oo taariikhi ahaa ayaa la gaadhay bishii December, dalalkuna waxay ku heshiiyeen in ay yareeyaan wasakhaynta hawada si la isugu dayo in sare u kaca cimilada adduunka aanu dhaafin 2C. Gudiga saree ee xisbiga CNPC ayaa ogolaaday subaxnimadii Sabtida kaddib “markii ay dib u eegeen heshiiskii Paris” iyaga oo muddo todobaad ah darsayay.

Heshiiska Paris waa midkii u horeeyay ee dhamaystiran ee ku aadan cimilada adduunka. Laakiin wuxuu sharci noqon doonaa oo kali ah marka ay saxeexaan ugu yaraan 55 dal oo soo saara 55% wasakhaynta hawada ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here