Saddexda Marxuum Labo Ka Mid Ah Ayaa Shalay Kasoo Laabtay Safar Dibadeed
Hargaysa:(Hubaal)-Shil Gaadhi oo ka dhacay Duleedka Magaalada Sheekh maalintii shalay, ayaa waxa ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Guddoomiyaha iskaashatadda Basaska Salaama Marxuum Saleebaan Cumar Qaalib (Ina Cumar Durbaan), Hooyadii iyo Gabadh ay walaalo ahaayeen. Marxuumka gaadhiga waday ayaa la weriyey in uu Magaallada Hargeysa ka qaaday hooyaddii iyo walaashii kuwaas oo safar dibeda ah ka yimi kana soo degey madaarka Hargeysa, waxaana alla ha u naxariistee gaadhigu la dhacay iyaga oo ku sii jeeday dhinaca Burco oo ay u socdeen. Gaadhiga Marxuumiintani saarnaayeen oo nooca Surf-ka loo yaqaanno, ayaa si rasmi ah loo aqoonsan sababta dhicitaankiisa keentay, maadaama aanay jirin wax gaadiid kale ah oo ay isku dhaceen, waxase la filayaa in xawaare sare oo uu ku socday sababay dhicitakniisa. Meydadka Marxuumiintaas, ayaa loo qaaday dhinaca Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer oo ay ku socdeen ka hor intii aanu shilkaasi ku dhicin. Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo toddobaad gudihiis ah ka dhaca waddada u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxana dhawaan la xasuustaa shilkii ay ku geeriyoodeen saddexda Marxuum ee Wasaaradda Maaliyadda, Ciidanka Booliska iyo Bahdsa saxaafadda ka kala baxay, kaas oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
Bahda Wargeysa Hubaal, waxa ay tacsi u dirayaan Dhammaan qoyskii ay ka Baxeen, waxaana ay Marxuumiintaas uga baryayaan inuu ilaahay u naxariisto oo jannadiisa firdowsa ka waraabiyo.