Shir Dib Loogu Eegayey Xeerka Qabyo Qoraalka Shirkadaha Ganacsiga Oo Lasoo Gabo Gabeeyey

0
54

cumar-sanweyne

Hargeisa(Hubaal) Shirkan oo mudo laba cisho ah ka socday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeisa ayaa shalay  oo Khamiistii shalay  si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyey.  Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudida Dhalaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa mudadii labada Cisho ahayd ee uu socday waxa dib u eegis lagu sameeyey Xeerka Qabyo Qoraalka Shirkadaha Ganacsi. Kaasi Oo ay si mug leh uga qayb qaateen Shirkada Ganacsiga, Bulshada Rayidka, Xeer ilaalinta iyo Wasaarada Ganacsiga ee Somaliland.

Xubnaha matalayay waxa uu xeerku khuseeyo ee labada Cisho ka qayb qaadanayey dibu eegistiisa   ayaa fikiro kala duwan ka bixiyey kadib markii ay soo akhriyeen kana baaraan dageen hanaanka uu xeerku u yaalo, wixii wax ka badal iyo kaabis u baahan iyo muhiimada ay leedahay iyada oo Gudidu ay  ku dabiqi doonaan wixii ka soo baxay shirkaasi ka dib na la hor geyn doona Golaha Wakiilada Somaliland si ay uga doodaan.

Godoomiyaha Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cumar Sanweyne oo si rasmiya u soo xidhay shirkaasi ayaa sheegay “Annagu guddi ahaan waanu soo eegnay xeerka kadibna idinkaanu idiin keenay oo aanu ra’yigiinii urursanaynaa, hadana La taliyeyaal baanu u qaybinaynaa yaqaana sharciga iyo xeerarka, intaa ka dib ayaanu Golaha Gaynayanaa. Goluhuna wuu ka doodayaa” ayuu idhi Xildhibaan Cumar Saleebaan Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here