Shir Doceed Xalay Lagu Kala Reebay Musharraxiin reer Awdal Ah Oo WADDANI Ka Sharraxnaa Iyo Axmed Muumin Seed Oo Rejadiisii Cirka Ku Laallantay

0
35

Waxaa Lagu Kala Saaray Prof. Tubeec Iyo Dr. Maxamed Cali

“Anigu Shirkaasi Ma Ogi Oo Hadda Ayaan Boorama Ka Soo Baxayaa Oo Aan Hargeysa Imanayaa Ee Aan Ka War Doono, Marka Aan Ogaado Ayaan Ka Hadli Karaa Ama Aan Kaaga Jawaabi Karaa Su’aashaada”

Hargeysa (Hubaal)- Shir doceed xalay cawayskii ka dhacay Hotel-ka SAFARI ee caasimadda Hargeysa ayaa lagu kala saaray laba musharrax oo u taagnaa kursiga Madax weyne ku xigeenka ee xisbiga WADDANI kaga tartami doono doorashadda la quudaraynayo in ay dalka ka dhacdo laba sanno ka dib.  Xubnahan  u oo hore u shaaciyey  hankooda siyaasadeed ayaa labadooduba ka soo jeeda gobolka AWDAL,  weliba jufo hoose isku ah ayaa kala saaristooda waxaa suurto geliyey  beesha ay ka soo jeedaan.musharixiinta samaroon

Labadan Musharrax oo kala ah guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga WADDANI Prof. Qaasim Sheekh Yuusuf Tubeec iyo Aqoonyahan Maxamed Cali oo labadooduba ah mutacallimiin muddo dheer qurbaha ku noollaa, dhaworkii sanno ee u dembeeyeyna saaxadda siyaasadda ku jiray isla markaana isku jufo ah oo labadooduba kasoo jeeda  beesha  reer Nuur oo ka tirsan beellaha samaroon waxaa shirka xalay dhacay oo ay soo qabanqaabiyeen madaxda dhaqanka iyo waxgaradka beeshaasi oo sida wararka uu HUBAAL ku helayo sheegayan loo daayay xulashada Musharraxa Xisbiga WADDANI u qoondeeyey in uu Madaxweyne ku xigeenka u tartamo  ay fagaare ku kala saareen labadan Aqoonyahan, kuwaas oo midkoodna loo xulay in uu noqdo musharraxa WADDANI ee madaxweyne ku xigeenka halka xubinta kalena lagu qanciyey in uu xil sare ka hayn doono xisbigaasi.

Ma jiro faahfaahin ka soo baxday shirkaasi hase ahaatee sida ay HUBAAL xalay u sheegeen xubno ka ag dhawaa shirkaasi Waxgaradka iyo odayaasha shirka hagayay ee ay talada beeshaasi ka go’day ayaa soo saaray qaraar ay ku soo xuleen musharraxa madaxweyne ku xigeenku in uu ahaado Dr.Maxamed Cali Cabdi Iyo Musharaxa Oo Ku Dhawaaqay Buuxinta Jagadaasi, halka guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbigaasi Prof. Qaasim Sheekh Yuusuf Tubeec oo laftiisu hore u shaaciyey hankiisa musharraxnimada jagadaasi isaga lagu qanciyey in uu uga tanaasulo Digtoorka, iyada oo taas beddelkeeda loo ballanqaaday in uu xil sare ka hayn doono xisbiga WADDANI, kaasi oo uu ugu hooseeyo ka uu hadda hayo ee guddoomiye ku xigeenka 3aad. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in dood dheer iyo falanqayn kadib lagu qanciyey Prof. Tubeec in uu tanaasulo. Prof. Tubeec oo isagu saaxadda siyaasadda soo galay badhtamihii sanadkii 2012-kii waqtigii ay doorashadii dawladaha hoose dalka ka socotay,  ayaa ah aqoonyahan muddo dhawr iyo afartan sanno ah dalka dibadiisa ku maqnaa isaga oo jaamacadaha wadanka Maraykanka  wax ka dhigi jiray ka hor intii aanu dhinaca somaliland ku soo noqon 2012-kii oo uu guddoomiye  ku xigeen ka noqday urur siyaasadeedkii UMMADDA ee Dr. Gaboose. Dhinaca kale Dr. Maxamed Cali Cabdi ayaan isaga laftiisa la yaraysan karin heerka uu aqoonta ka gaadhay iyo khibradiisa walow aan hore loogu arag fagaarayaasha siyaasadda haddana daka aqoonta u leh ayaa ku tilmaamay  siyaasi saamayn ku yeelan kara giraanta siyaasadeed ee Somaliland haddii uu ku biiro musharraxiinta doorashada.

Geesta kale kala xulashada labadan musharrax ayaa saamayn toos ah ku yeelatay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo isagu  tan iyo bilowgii amaba aasaaskii xisbiga WADDANi oo uu kaalin muuqata ku lahaa isu diyaarinayay in u noqdo siyaasiga koowaad ee xaq u yeelan kara kursiga Musharraxnimada madaxweye ku xigeenka xisbigaasi oo uu aasaaskiisa  halka u hooseysa kala soo bilaabay guddoomiye cirro  iyo xubnaha kale ee qaybta ku lahaa jiritaankiisaba.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda xisbiga WADDANI iyo weliba saamiga ay reer Awdal  beel ahaan u kala heli karaan mansab yadiisa ayaa saadaashooda cidda noqon karta musharaxa ku xigeenka ku tilmaamaya in ay  guushiisu ku salaysnaanayso qaab beelleed, iyaga oo ku kala soocaya saddexda dhadhaar ee ay beellaha samaroon ka kooban yihiin. Waxaanay sababahooda ku tafsiirayaan in marka loo eego beellaha ay musharraxiinta taaganai ay beel haan sed bursiimuhu raaci doono beesha ay labadaasi musharrax ee xalay la kala saaray ka jeedaan, taasina ay saamayn taban ku yeelanayso beesha axmed Muumin seed oo iyada la weriyey inay beellaha kale ee ay walaalaha yihiin uga hadheen in ay ka tartamaan WADDANI.

Wargeyska HUBAAL oo isagu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee WADDANI axmed Muumin Seed, ayaa wax ka weydiiyey mawqifkiisa ku dhereran shirka xalay dhacay iyo sida uu u arko hase yeeshee waxaa uu yidhi isaga oo koobaya hadalkiisa, “Anigu shirkaasi ma ogi oo hadda ayaan Boorama ka soo baxayaa oo aan Hargeysa imanayaa ee aan ka war doono, marka aan ogaado ayaan ka hadli karaa ama aan kaaga jawaabi karaa su’aashaada” sidaasi ayuu yidhi Axmed Muumin Seed, waana uu dhigay telefoonka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here