HUBAAL TV: “Hadday Doorashadu Qabsoomi Weydo, Dawlad Kale Ha La Dhiso Caqliga Ma Gasho , Heer sare ninkaan ku waday hoosu soo noqoy, Rag Madaxtinimo Doonaya Ayaad tihiin, waxaan adeer idinku wacdiyayaa suxufiyiin baynu leenahay oo ninba sida uu u hadlo ayay wax u qorayaan”-Xaaji Cabdi Waraabe
Hargeysa (Hubaal)- Xubno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo caan ku ah Taageerida Kursiga Madaxtooyada Somaliland, ayaa iska fogeeyey eedo hore mucaaridku ugu jeediyey oo la xidhiidha inay qorshaynaya mudo-dhin loo sameeyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo muddadeedu sii dhamaanayso.
Xubnaha maanta Hadlay oo uu hoggaamiyey Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Guurtidu siciid Jaamac Cali, xubinna uu ka ahaa Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa sheegay in hadalka Mucaaridka kasoo baxay ee muddo kordhinta lagaga digay aanu ahayn mid munaasib ah, isla-markaana aan haatan loo baahnayn.
Shir Jaraa’id oo Golaha guurtida Masuuliyiintiisu ku qabteen Xarunta Golaha ayaa lagu sheegay inaan dalka doorasho ka dhici doonin haddii meelo ama degmooyinka mid ah ay ka jirto Abaar ama Nabad la’aani.
“Asxaabta Qaranka waxaad moodaa inay had iyo jeer baal maraan Sharciga,waxa hadaladoodii ka mid ahaa jiritaanka Goleyaasha Qaranka, ma jecli inaan dood dheer ka galo Goleyaasha Qaranku ma jiraan ma Xaaraanbaa laakiin, waxaan leeyahay waa Goleyaashii Dalka ugu sareeyay, cidda leh Goleyaasha Qaranku Xaaraan bay ku fadhiyaan ama ma jiraanna waa cid leh Somaliland ma jirto. Goleyaasha Qaranku waa Goleyaasha Xeer dejinta, sharci baanay ku fadhiyaan” Ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali
Gudoomiye xigeenka oo sidoo kale tixraacayay Qodobka Mucaaradku ku sheegay in Dawlad wadaag ah la dhisi doono haddii xukumaddu Doorasho qaban waydo waxa uu sheegay inaanay sharciga meelna kaga jirin dhisida Dawlad wadaag ah.
“Haddii Doorashadu qabsoomi waydo Duruufkasta ha ku qabsoomi waydee Dastuur baynu leenahay oo wax ka dhigaya.Qodobka 83-aad Farqadiisa 5-aad ee Dastuurka ayay ku caddahay habka looga gudbayo haddii doorashada Madaxweynuhu qabsoomi waydo. Waxa uu Golaha guurtida ku waajibinayaa inuu Mudo kordhin u sameeyo Madaxweynaha, isagoo waliba ku qiimaynaya xaaladaas inta lagaga gudbayo. Waa Awood gaar ah oo Dastuurku siiyay oo u jideeyay Golaha guurtida” ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.
Gudoomiye xigeenka Golaha guurtidu waxa uu Guddida Doorashooyinka Qaranka Faray inay Sameeyaan Qiimayn iyo Sahan ku saabsan sidii dalka oo dhan doorashadu uga dhici lahayd islamarkaana ay Golaha u soo gudbiyaan meel kasta oo aanay doorasho ka dhici Karin ama Abaari ha ka jirto ama Nabad galyo darro ha jirto eh.
“Xeerka Doorashooyinku waxa uu dhigayaa, in Doorashooyinku ka qabsoomaan dhamaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaanu u soo jeedinaynaa inta aanay Bilaabin Diwaan galinta inay Sahan sameeyaan Ama Qiimayn buuxda. Gobol iyo degmaba inay ka sameeyaan Qiimayn bal in doorashadu ka qabsoomayso iyo in kale, hadii meelo dalka ka mid ah Xaalado ka jiraan ama Abaar ha noqoto ama Mid nabad galyo darro eh, anagu waxaanu qabnaa inta dalku ka baxayo Xaaladdahaasi inaanay doorasho ka dhici Karin Dalka, haddii dalka qaybna doorasho lagu qabto qaybna aanay ka dhicin waxay wax u dhimaysaa israacsanaanta dal ahaaneed ee Somaliland. Waxay micnaheedu noqonaysaa inaanay inta aan doorasho ka dhicin Somaliland aanay ka mid ahayn, waa Farriin aan siinayo Komishanka Qaranka” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtidu.
Geesta kale Xaaji Cabdiw araabe oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Hadday Doorashadu Qabsoomi Weydo, Dawlad Kale Ha La Dhiso Caqliga Ma Gasho, Waa Aan Kala Yaacno, Goor aad inna Kala Eridaanna Ma Jiro, HAdday Dhici kari weydo waynu Ka Wada Tashanaynaa, sida Sharcigu dhigaana la raacayaa, Rag Madaxtinimo Doonaya Ayaad tihiin, Heer sare ninkaan ku waday hoosu soo noqoy, rag madax doonayaa inay sidaa u hadlaan waa innagu nusqaan, waxaan adeer idinku wacdiyayaa tartama oo shicibka soo jiita, laakiin shicibka ha iska eryina, suxufiyiin baynu leenahay oo ninba sida uu u hadlo ayay wax u qorayaan, wixii wax inna yeelaya ka digtoonaada,” sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdi wAraabe
Hannaanka ay maanta u hadleen xubnaha Golaha Guurtidu ayaa ahayd mid muujinaysa in madaxtooyadu us oo dhiibtay weedhahan loogu talo galay in mucaaridka lagu waabiyo, iyagoo sidoo kalena aan meesha ka saarin in muddo-kordhin la samayn karo, waxana ay daliil kasiii dhiganayaan shuruudo dastuurka ku qoran oo aan Haatan ifafaalahoodu muuqanin.
Hore waxa hadalka mucaaridka uga jawaabay hoggaanka xisbiga Kulmiye, iyadoo hadana ay Madaxxtooyada lafteedu afkeeda jawaab labaad ku bixisay, waxana Guurtidu noqonaysaa Jawaabtii saddexaad ee isla madaxtooyada ka timaadda ee lagaga jawaabo Hadalkii Mucaaridka.