Shir lagu Falanqaynayo Isu-duwidda Mucaawanooyinka Somaliland oo ka furmay Hargeysa iyo khudbadihii laga jeediyey

0
22

Hargeysa (Hubaal)- Shir ballaadhan oo lagu falanqaynayo isu-duwidda mucaawanooyinka beesha caalamku siiso iyo siyaabaha loo isticmaalo, ayaa ka furmay huteelka Ambassador ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa maanta.

Shirkan oo ah mid sannadkiiba laba jeer qabsooma oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo loogu magac-daray shirka 7aad ee isu-duwidda mucaawanooyinka Somaliland, una dhexeeya masuuliyiinta hay’adaha dawladda iyo wakiillo ka kala socda deeq-bixiyayaasha taageera Somaliland, waxa muddo laba maalmood ah oo uu socon doono lagu falanqayn doonaa waxqabadka laga gaadhay muwaanayooinka kala duwan ee Somaliland hesho, mudnaanta baahiyaha lagu bixiyo, iyadoo dawladdu u soo bandhigayso deeqbixiyayaasha warbixin la xidhiidha waxqabadka ka soo baxay mucaawanada ay siiyaan iyo weliba muhiimada ay leedahay in la kordhiyo deeqaha Somaliland la siiyo.

Shirkan oo uu furay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kana qaybgalayaan inta badan wasiirrada iyo madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee uu khuseeyo, ururrada bulshada rayidka ah, madax ka socotay deeqbixiyayaasha, safiirro, masuuliyiin matalayey Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Baanka Adduunka, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo ururrada caalamiga, waxa sannadkan si gaar ah diirrada loogu saarayaa habka caawimada gaarka ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement) oo ka mid ah barnaamijka loo yaqaano New Deal (heshiiska cahdiga cusub) ee Midowga Yurub.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey furitaankii shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirka iyo qodobada lagu lafogurayo oo uu sheegay inuu yahay sidii warbixin ku saabsan waxqabdka ka fulay mucaawanooyinka Somaliland la siin lahaa deeqbixiyayaasha, isagoo ku soo dhaweeyey dalka madaxda dalalka, hay’adaha iyo daneeyayaasha taageerada siiya Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa khudbad dheer oo uu madasha ka jeediyey kaga hadlay muhiimada shirkani leeyahay, xidhiidhka wadashaqayneed ee u dhexeeya Somaliland iyo daneeyayaasha beesha caalamka iyo qorshaha horumarineed ee Somaliland u yaal oo uu sheegay in dawladdiisu dejisay aragti muddo-dheer oo ah ilaa sannadka 2030, kuna salaysan in Somaliland ahaato dal ammaan ah, dimuqraadiya iyo bulsho barwaaqo gaadha.

Wasiir Biixi waxa uu ugu baaqay bulshada caalamka inay ku dhiirridaan ka run sheegidda qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, waxaannu yidhi, “Bulshada caalamku waa inay tallaabo geesinimo leh ku qaadato inay dawladdayda ku casuunto miiska wada-xaajoodka si la siman dawladda Federaalka ee Muqdisho. Waxaan ku dhiirigelinayaa bulshada caalamka wadashaqayntu naga dhexayso ee halkan joogan inay abaalmarinayaan oo taageeraan dadka ay ka go’antahay mabaadi’da la wadaago ee nabadda, iskaashiga iyo nidaam siyaasadeed sharci ah. Waa nasiib-darro in aanay dawladaydu awoodin inay ka qaybgasho shirka ka dhacaya magaalada Copenhagen (Sweden) dabayaaqada bishan. Waa nasiib-darro in khibaradda Somaliland u leedahay dhismaha qaran iyo abuuridda nabadda iyo bulsho degan kadib dagaallada in aanaan la wadaagin walaalaha Koonfurta Soomaaliya, sababta oo ah fahamka majar-habaabsan ee bulshada caalamka oo aaminsan in haddii dawladdayda ay u casuumaan si la siman dawladda Federaalka ee Muqdisho in taasi mijo-xaabinayso fikirka beenta ah ee midnimada Soomaaliya.

Waa waqtigii beesha caalamka ee wadashaqaynta leenahay aqbali lahaayeen xaqiiqda dhabta ah ee dhulka dushiisa taal, taas oo ah in Somaliland ahayd, siina wadi doonto inay ahaato qaran ka madaxbannaan Federaalka Soomaaliya.”

 IMG_1774

Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Aagaard Anderson oo ka mid ahaa safiirrada shirka ka qaybgalay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin taageerada, isagoo si gaar ah meelaha wax looga qabanaayo ay ka mid tahay dib u hagaajinta dhuumaha biyaha Hargeysa iyo nidaamka maamulida maaliyada dawladda.

“Waxaannu jecelnahay in aannu taageerno Somaliland, waxaanan rajaynayaa in laf ahaantiinuna aad ka hortagi doontaan cudurrada waddamo badan saameeyey, waxaanan idiinku hambalyeynaya guushii aad ka soo gadheen shirkii maalgashiga ee Somaliland London loogu qabtay,” ayuu yidhi Anderson.

Waxa kale oo uu ka hadlay qabsoomidda doorashooyinka soo socda, waxaannu yidhi, “Sida aad xustay Madaxweyne waxa sannadka dambe Somaliland 2015 laga qabanaya doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, deeq-bixiyayaal ahaana waxaannu diyaarinaynay muddooyinkan taageerida diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, wax walbana waa diyaar oo hawsha uun baa la sugaya, gaar ahaan ansixinta xeerka diiwaangelinta iyo guddiida cusub ee doorashooyinka.

Waxa aannu soo dhawayn gabadha kaliya ee ku jira, doorashooyinka la wada qabanaayo ee barlamaanka iyo madaxweynaha, ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka iyo warbaahinta xorta ah, kuwana waa waxyaabaha astaanta u ah nidaamka doorashooyinka xor iyo xalaasha ah.”

 IMG_1788

Waxa kale oo shirka ka hadlay Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD Maxbuub iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, iyadoo madaxda kala duwan iyo ka qaybgalayaashuba falanqayn iyo doodo ka yeeshay mucaawanooyinka Somaliland iyo waxqabadkooda la geliyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here