Hargeysa (Hubaal)- Shir ballaadhan oo lagaga hadlayay mashruuc seero-xoolaad lagaga hirgelinayo banka Qoolacday ee degmada Sallaxlay, ayaa galabta ka qabsoomay magaalada Hargeysa.
Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, salaadiin, aqoonyahanno, culimo aw diin, oday-dhaqameedyo iyo martisharaf kale oo tiro badan, ayaa daba socday shir hore isla Hargeysa uga dhacay.
Shirkaas oo ahaa mid si furan loo wada hadlayay, ayaa madaxdii dawladda ka socday iyo madax-dhaqameedkii iyo aqoonyahankii shirka ka soo qaybgalay waxay si cad isu hogatusaaleeyeen in loo baahan yahay in dadka deegaanka loo caddeeyo qaabka mashruuca loo fulinayo iyo faa’idada ku duugan ee laga heli doono.
“Waxa aanu kulankan isugu yeedhay in mashruucu noqdo waxa ay dadku talo ku leeyhiin.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdi Aw Daahir oo shirkaa ka hadlay, isagoo tilmaamay in kulankani qayb ka yahay kulanno kala duwan oo si qotodheer looga hadli doono mashruucaas, isla markaaa dadka deegaanka lagu wacyigelin doono in seeraha la samayn doono uu iyagu aayihiisa ka talo bixin doonaan, wax badanna uu ku soo kordhin doono deegaanka.
Wasiirka horurinta deegaanka iyo reermiyiga oo Shukri Xaaji Isamaaciil iyana halkaa ka hadashay, Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdikariim Maxamed Mooge oo shirkaa hadallo ka jeediyey ayaa si isku mid ah u iftiimiyey in mashuuraca seeraha ee laga hirgelinayo banka Qoolcaday uu wax badan ka bedeli doono baahida deegaanka ka jirta ee daaqa, isla markaana in seerahaa laga dhex samayn doono maxjar xoolaha caafimaadkooda lagaga shaqayn doono.
Madax-dhaqameedkii iyo odoyaashii shirkaa ka hadlay ee ka soo jeeda deegaanka mashruuca laga hirgelinayo, ayaa qolona soo dhawaysay mashruuca qayb kalena codsatay in wasaaradda xannaanadda xooluhu soo dhammaystiro xogta mashruuca, isla markaaa dadka lala tashado oo xaaladda ay ku sugan yihiin iyo sida mashruuca loo hirgelinayo in si buuxda looga wada arrin sado.
Waxaana qaar ka mid ah odayaasha deegaanku halkaa ka sheegeen in deegaanku hadda is beddelay oo meesha mashruuca laga samaynayo ee seeraha loo xidhayo ay dad ku nool yihiin, degan yihiinna loona baahan yahay ayay sheegeen in dadka meeshii la gayn lahaa ay wasaaraddu qorshayso.
Waxaana wasiirka xannaanada xooluhu halkaa ka caddeeyey in aan dadka dusha lagaga keenayn wax aanay raalli ka ahayn oo aanay taladoodu ku jirin, isagoo sheegay in hirgalnimada mashruucan oo ay maal-gelinayaan waddamada Ingiriiska iyo Denmark uu ku hirgelikaro oo keliya marka ay dadka deegaanka raalli ka noqdaan ee ay taladooda ku biiriyaan.