Shir Taageero Loogu Raadinayo Aqoonsiga Lagu Qabtay Magaallada Sheffield

0
31

“Sidee Adduunku ii Bari Karaa Dimuqraadiyadda, Marka ay ka Gaabiyeen u Cadaalad Samaynta Dalkayga” Marwo Edna Aadan

“Somaliland Waa Jasiirad Xasiloon oo ku Dhex Taal Bad Halis ah, Waa in Laga Dhaadhiciyo Dhammaan Xisbiyada Ingiriiska” Clive BettsEdna Adan Ismael

Sheffield (Hubaal)- Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin sabab shacabka Somaliland ku khasabta inay mar dambe la midoobaan Soomaaliya, isla markaana dhaliil u jeedisay beesha caalamka. Kulan laga hadlayey qadiyadda madaxbanaanida Somaliland oo shalay ka dhacay xarunta golaha deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, oo ah goobtii ugu horeysay caalamka ee lagu taageero qadiyadda madaxbanaanida Somaliland kana qeyb-galeen xubno ka mid ah Guddiga Qaran ee Ictiraaf-raadinta Somaliland Marwo Edna Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo si weyn u taageera ictiraaf-raadinta Somaliland ayaa si lagaga dooday qorshayaashii loo mari lahaa sidii adduuna Somaliland uga kasban lahayd aqoonsiga ay xaqa u leedahay. Marwo Edna Aadan oo ka hadlaysay kulanka Sheffield ayaa meesha ka saartay midnimo dib u dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, iyo mowqifka shacabka Somaliland ka taagan yihiin, waxaanay tidhi “Somaliland way jirtaa, waanay joogi doontaa, ma jiraan xabado ama qaraxyo dib noola midaynaya Soomaaliya.” Marwo Edna Aadan ayaa dhaliil weyn ugu soo jeedisay beesha caalamka inay ka baaqsadeen ka jawaabista qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanay tidhi “Sidee adduunku ii bari karaa dimoqraadiyadda, marka ay ka gaabiyeen u cadaalad samaynta dalkayga.” Kulankan oo loogu magac-daray “Somaliland-dalkii xasiloonida” isla markaana soo qaban-qaabiyeen guddiga Qaran ee Ictiraaf-raadinta Somaliland, isla markaana lagaga dooday qorshayaal badan oo lagu dardar-gelinayo qadiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland ayey ka hadleen shaqsiyaad si weyn u taageera Somaliland. Xildhibaan Clive Betts oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa amaanay xasiloonida ka jirta Somaliland, isla markaana sheegay in loo baahan yahay sidii qadiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland looga dhaadhicin lahaa xisbiyada Ingiriiska, waxaanu yidhi “Somaliland waa jasiirad xasiloon oo ku dhex taal bad halis ah, waa in laga dhaadhiciyo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland dhammaan xisbiyada Ingiriiska.” Go’aamada kulankan ka soo baxay oo wax weyn ka tari doona dardargelinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ayaa qeyb ka noqonaya dedaalada Guddiga Qaran ee Ictiraaf-raadinta Somaliland oo billo horteed Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo magacaabay ugu jiraan gudashada waajibaadkii loo xilsaaray.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here