“Guddida Diiwaangelinta ururradu waxa ay faraysaa labada garab ee xisbiga UCID, inay joojiyaan labada shir ee ay ku kala dhawaaqeen oo aan midna waafaqsanayn sharciyadda, waxana la qaban karaa oo kali ah shirkii ku xusnaa qaraarkii maxkamadda sare…”Guddoomiye Ciyaale
“Aniga iyo ina Ciyaale Dubai baanu isku aragnay, ballantii uu qaaday ee uu yidhi aniguu sharcigu gacanta iigu jirtaa buu fulinayaaye bal inuu gacanta ina ciyaale ku jiro iyo inay sharciga waddanka ugu jirto way caddaan doontaa.”Eng. Faysal Cali-waraabe
Hargeysa:(Hubaal)-Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka, ayaa is hortaagtay shirar iska soo horjeeda oo labada garab ee xisbiga UCID iclaamiyeen inay qaban doonaan, waxana ay shaaca ka qaadeen inaanay shirarkaasi sharciyadda waafaqsanaydn.
Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta siyaasadda Md. Cabdirisaaq Jaamac Ciyaalle oo arrintan ka hadlay, ayaa labada dhinac ug baaqay inay joojiyaan shirarka ay iclaamiyeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay labadaas shir waafaqsanayn sharciyadda, isagoo ku baaqay in go’aankii maxkamadda loo hoggaansamo, “Guddida Diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta Axsaabta qaranku waxa ay faraysaa labada garabe ee xisbiga UCID, inay joojiyaan labada shire e ay ku kala dhawaaqeen oo aan midna waafaqsanayn sharciyadda, waxana la qaban karaa oo kali ah shirkii ku xusnaa qaraarkii maxkamadda sare inta aanay dhammaan muddadii lixdanka cisho ahayd ee ay cayintay, sidaas darteed waa inay labada dhinac u hoggaansamaan awaamiirta guddiga.”ayuu yidhi Cabdirisaaq Ciyaale.
Guddoomiye Ciyaalle oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in go’aankii maxkamadda kasoo baxay yahay sharci guddiga waajib kaga dhigaya inay ilaaliyaan in sidiisa loo fuliyo, waxana uu yidhi,“Guddigu waxa ay xisbiyada ku dhaqdaa oo ku ilaalisaa shuruucda dalka iyo kuwa ay dhigteen, qaraarka maxkamadda sare kasoo baxayna waxa uu u dhigmaa oo la mid yahay sharci, sidaas darteed, halla dhawro shuruucda, hana lagu ekaado waxa uu sharcigu dhigayo.”
Dhinaca kalena guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si adag uga horyimi go’aanka guddida diiwaangelinta ururrada, waxana uu ku adkaystay in cidda ay daba-fadhiisanayaan ee shirkooda ilaalinaysaa ay tahay maxkamadda saree e dalka, waxana uu yidhi, “waad ogtihiin oo guddida diiwaangelinta ayaan ambiil ka qaadanay, ambiilkiina waxanu u qaadanay maxkamadda sare, taas oo go’aan soo saartay, go’aankaasina waxa uu ahaa in shirweyne aan caadi ahayn la qabto oo xeerka xisbiga la raaco, kaas ayaanu annagu ku soconaa oo go’aankaas ayaanu fulinaynaa.”
Guddoomiye Faysal waxa uu ku adkasytay inay shirweynahooda aan caadiga ahayn qabsan doonaan muddadii ay hore ugu cayimeen,“shirweynihii aan caadiga ahayn ee xisbiga UCID, bishan toddobadeeda, ayuu dhacayaa, cid joojin kartaana ma jirto, guddidaasina awood uma laha inay joojiso qaraarkaas maxkamadda”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Faysal Cali-waraabe waxa uu ku adkaystay inaanay guddida diiwaangelintu awood u lahayn inay shirka xisbiga farogeliyaan, isla-markaana aanay cidina hor istaagi Karin shirka uu garabkiisu iclaamiyey, waxana uu yidhi,“Ma jirto meel uu ina ciyaale kasoo galo qoraalka maxkamadda, mana soo farogelin karo, haddii aanu meel ka qaladnana waanu yeedhaynaa, xeer uu dusha nagaga keeni karaana ma jiro, cid naga joojin kartaana ma jirto oo shirkii wuu soconayaa oo qodabadii ay maxkamaddu na tidhi fuliya ayaanu fulinaynaynaa”.
Mar uu guddoomiye Faysal ka hadlayey kulan isaga iyo guddoomiye Ciyaale hore u dhexmaray oo ay hadallo adag isku weydaarsadeen, ayaa waxa uu yidhi,“Aniga iyo ina Ciyaale Dubai baanu isku aragnay, ballantii uu qaaday ee uu yidhi aniguu sharcigu gacanta iigu jirtaa buu fulinayaaye bal inuu gacanta ina ciyaale ku jirto iyo inay sharciga waddanka ugu jirto way caddaan doontaa.”