Shirguddoonka Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasiga Ah Ee Dalka Ka Jira Iyo Safarka Madaxweyne Siilaanyo Ku Joogo DUBAI

0
26

“Madaxweynuhuna uma tegin Imaaraadka Dekedda Ee haddii uu heshiis soo galo waynu eegi doonnaa…..Dalkuna Waa Dal Curdin Ah Oo 26-ka June Haddii Ay Doorashadu Dhici Weydo…”

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faaraxa, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan muddo kordhinta, gaar ahaan heshiiskii ay wada gaadheen  Xisbiyada qaranka iyo Xukuumadda Somaliland, waxaanuu sheegay in aanay waxba dhici doonin haddii ay doorashadu qabsoomi wado  lana dhamayn doono khilaafkaasi u dhexeeya Xisbiyada iyo Gurtida.  shirgudoonka wakiilladaBaashe Maxamed Faarax oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka iyo Madaxweynuhu ka wada hadli doonaan haddii uu Madaxweynuhu wax Heshiis ah oo ku saabsan Dekedda Berbera la soo galo shirkado shisheeye oo doonaya inay maal gashi ku sameeyaan dekedda.  Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Wakiillada Mudane Baashe, waxa uu sidoo kale soo dhaweeyey heshiiskii ay wada gaadheen beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaamada Qorilugud iyo Buuhoodle, waxaanuu ILAAHAY uga beryey in uu heshiiskaasi noqdo mid waara oo soo afjara colaadda laga heshiiyey.  Guddoomiye Baashe oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Khilaafkeenu waxa weeyaan mid aynu dhaqan u leenahay inaynu xallino, mar kasta oo wax dhacaanna waxa aynu ku dhamaysannaa dhaqankeena soo jireenka ah oo wax cusub ma aha,  markaa waa wax iska dhamaan doona, mana jiraan wax khilaaf ah oo weyni”  Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in aanay waxba dhici doonin haddii doorasho dhici waydo lix iyo labaatanka June, waxaanuu yidhi “26-ka June haddii ay doorashadu dhici waydo waxba dhici maayaan oo wax ILAAHAY ku talo galay mooyaane wax kale dhici maayaan, dalkuna waa dal curdin ah oo waa la wada leeyahay nin kastaana wuu u naxayaa, khilaafkana waa la soo afjari doonaa oo wuu dhamaan doonaa”  Guddoomiye ku xigeenka wakiillada Mudane Baashe oo ka hadlayey safarka Madaxweynaha iyo in uu heshiisyo la soo gelayo shirkado, waxa uu yidhi “Anigu ma maqal madaxweynaha ayaa heshiis la soo geliya shirkado dhinaca Dekedda ah, Madaxweynuhuna uma tegin Imaaraadka Dekedda, waxa uu u tegay mashaariic kale, haddii uu heshiis soo galana waynu eegi doonnaa, laakiin haddii uu madaxweynuhu heshiis la soo galo shirkado waxa ka wada hadli doona Madaxweynaha iyo Baarlamaanka haddii ay dhacdo”  Ugu Dambaynna Guddoomiye Baashe waxa uu soo dhaweeyey heshiiska beelaha Qorilugud iyo Buuhoodle, waxaanuu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay heshiiska beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud, waa dad walaalo ah oo wada degan, waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu sidaas ugu sii wado oo heshiiskaasi noqdo mid waara”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here