“Shirka Gacan libaax Ka Socdaa Wax Balaayo Ah oo Uu Leeyahay Ma Jirto, Sidaan Wadkayga u Hubona Waxaan U Hubaa Afar Qoddob Oo Kasoo Bixi Doona Ee Ku Abshira”

0
14

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sharraxay Aragtidiisa Ku Wajahan Shir Beelleedka Buurta Gacan Libaax Ka Socda & Ergooyinka Ka Qayb galaya

 

 

“Waxaan Ummada U Sheegayaa Shirka Gacan Libaax Ka Socda Ajandihiisa Kamaan Qayb-galin, Laakiin Kur Waayeel Waa Wada Indho”

 

Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay shirka buurta Gacan Libaax uga socda mid ka mid ah beelaha ugu waa weyn ee somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeedinayey munaasibad lagu xusayey 26-ka June oo ka dhacday madaxtooyada somaliland ayaa soo bandhigay qodobo uu  sheegay inay ka soo bixi doonaan shirka ka socda Buurta Gacan Libaax.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Shirka ka socda Gacan Libaax waxaan ummada u sheegayaa inuu ku soo gaba gaboobi doono dhawaan wax ay somaliland kufaraxdo, Waxaan idiin sheegayaa shirkaas ma joogo ajandihiisana kamaan qayb galin laakiin kur waayeel waa wada indho, waayo umada halkaas iskugu tagtay cidina somaliland ugama lexejeclo badna, cidina ugama halgan badnayd, cidina mustaqbalkooda kama jecli guurtida iyo shanta boqol ee qoor weynta ah.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qodobada uu rajaynayo inay shirkaasi ka soo bixi doonaan “Sida aan wadkayga u hubo waxaan u hubaa inay ka soo bixi doonaan somaliland wax ay ku faraxdo ah oo ah midnimada somaliland waa muqadas, qaranimada somaliland waa muqadas, beelaha somaliland nabad ayaanu ku wada noolaanaynaa, dawlada hala wada hadlo wixii laga cabanaya halaga wada hadlo, afartaas qodob ayaa ka soo baxaya ee ku abshira, wax balaayo ah oo ka soo baxaysaa ma jirto.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here