Shirkad Caalami Ah Oo Loo Xilsaaray Qiimaynta Saamaynta Biyo Xidheenka Ethiopia Ku Yeelan Karo Biyaha Nile-ka

0
63

Khartuum (Hubaal) -Wasiirka Biyaha ee dalka Masar, Xasaam Muqaasi, ayaa sheegay in shirkad caalami ah loo loo xilsaraayo in ay cilmi baadhis ku samyso saamaynta dhismaha biyo-xidheenka Itoobiya ku yeelan karo wadamada kale ee Sudan iyo Masar. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Khartuum halkaas oo uu kala kulmay wasiirada dhigiisaha ee Sudan iyo Itoobiya.

khartuumSaddexda dal ayaa la filayey in ay shirkadan ku dhawaaqan bishii December ee kal hore, haseyeeshe dhawr jeer ayaa dib loo dhigay iyada oo hal mar gebi ahaanba qorshaha noocas ah meesha laga saari gaadhay.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkada caalamiga ah lagaga dhawaaqi doono Addis Ababa, laakiin waxaa jira shir ay 3-ad dal ku yeelan doonaan Qaahira inta aan shirkada la shaacin. Shirka Qaahira ayaa lagu wadaa in uu dhaco badhtamaha bishan.

Dalka Masar ayaa wali walaac ka qaba in biyo-xidheenku hoos u dhigi karo biyaha oo dalkaasi helo, halka dawlada Itoobiya rumaysan tahay in labad dal si wadaag ah u isticmaali karaan wabiga iyada oon waxba loo dhimin saamiga ay Masaaridu helaan.

Isticmaalka biyaha Webiga Nile-ka ayaa muranno iyo xafiiltan siyaasadeed ka dhex dhaliyay wadamada Webigu maro siiba Ethiopia iyo Masar kadib markii Ethiopia go’aansatay inay biyo-xidheen weyn dalkeeda ka hir galiso. Masaarida oo biyo badan ka isticmaasha ayaa arrintaasi ka gaws adaygay.

 source:Ramaas

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here