Shirkad Cusub Oo Soo Bandhigtay Waxyaabaha Laysku Qurxiyo oo Ay Somaliland Keeni doonto

0
104

Hargeysa (Hubaal) Munaasibad lagu shaacinayay shirkad cusub oo lagu magacaabo Dermokil isla markaana Dalka keeni doonta waxyaabaha laysku qurxiyo ayaa Maalintii shalay lagu qabtay Hotel Guleed ee Magaalada Hargeysa. Shirkadan oo wakiil ka noqon doonta inay Somaliland keento waxyaabaha ay soo saarto shirkadda Dermokil oo ay ka mid yihiin, Shaambooyada, Kiriimyada iyo Caddarada. Wakiilka Somaliland ee Shirkaddan Dermokil C/fataax Xasan Cabdi oo Munaasibadan hadal ka jeediyey ayaa ka sheekeeyey maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay inuu Somaliland ka furo shirkaddan iyo faa’idooyinka allaabooyinkani u leeyihiin Dadka reer Somaliland. Sidoo kale, C/fataax Xasan Cabdi, Wakiilka Somaliland ee Shirkada Dermokil, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Allaabooyinkaasi dhammaantood yihiin kuwo aan waxyeelo u keenaynin Caafimaadka Dadka isticmaala oo yihiin kuwo dabiici ah aaaaaaaaa“Halkan waxaanu ku haynaa Alaab Qiimo gal ah, waxaanu ka fikirnay Caafimaadka dadkayaga , waxaanu ka fikirnay anaga oo hanti raadis ah hadana in aanu ka faa’iidaysano anaga oo Illaahay ka yaabayna in aanu danta umaddayadda hadana eegno iyo in aanu ku ilaashano si macmiishayaddu u sii jirto oo dadkayagu u sii jiro oo horumar u sameeyo. in wax umaddaha Islamka iyo kuwa reer Yurub umaddaha horumarka isku tumaysaa ay jidhkooda u quudho ayaanu anaguna umaddahayaga u keenay” ayuu yidhi C/fataax Xasan isaga oo hadalkiisa sii watana, wuxu yidhi “ waxaanu ku dadaalaynaa hadii Illaahay uu ka dhigo in aanu Qiimo macquul ah in aanu dadka ugu adeegno oo wax kaga iibino” waxa kale oo wakiilku sheegay “ Mudaddaa 25 sanno aheyd ee Somaliland ay soo socotay ninba meel ayuu soo gaadhsiiyey oo wax ayuu soo qabtay, sida nabadgelyaddeeda iyo hadii Illaahay ka dhigo dawladnimaddeenu isku soo bedbedelaysay eek or ugu kac kacaysay ee ganacsigeenu kor ugu soo kobcaayey , maanta waxaynu maraynaa oo dawladdeenu ay u taagan tahay oo inoo hadhay waa Ictiraaf oo kali ah, ganacsigeena iyo waxa aynu nafaheena u isticimaalayno  ee u baahan yahay waxa ugu qiimaha badan ee ugu tayadda badani waa in uu noqdaa, marka maadama oo dawladdeena waxa u hadhay uu Ictiraaf oo kali ah yahay ganacsataddeena waxaynu ku dhiirigelinaynaa waxa ugu qiimaha badani waxa weeye haday Cuno tahay iyo haday wax Jidhka la mariyo tahayba iyo haday Daawo tahayba waa saddexda shay ee laga dhinto waana saddexda shay ee nafta waxyeeladda u leh oo waxa lays marinaya hadii aanay tayo laheyn oo Kiimiko ku jirto dhibaato badan ayey sababi kartaa, waana in bulshadda loo tudho oo dalka loo tudho’

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-geshiga Somaliland Xuseen Aaden Cigeh oo isagu si rasmi ah u furay shirkadan ayaa soo dhaweeyey shirkadan cusun isaga oo si wayn ugu ammaanay muwaadinka shirkada wakiilka ah ee dalka ku soo kordhiyey shirkada Dermokil.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here