Shirkada isgaadhsiinta dhinaca internetka ee SO! Ltd ayaa dalka Somaliland ku soo kordhisay internet-ka xawaarihiisu aadka u sareeyo ee Fibre Optic-ga kaasi oo bulshada isticmaashaa ay aad u mahadiyeen uguna bogeen, Iyagoo ku tilmaamay in shirkadani dabooshay baahidi bulshadu u qabtay internet-ka ee dhinacyada shaqada iyo isticmaalka gaarka ah,Iyagoo isla markaan ku sifeeyey dawadii net-ka in uu yahay Fibre-Optic-gu oo uu daaweeyay dhamaan baahidii loo qabay internet-ka aan goo’ga lahayn kaasi oo isla markaasina qaadi kara macaluumaad badan, isagoo xaawarihiisuna uu aad dheeraynayo .
Goobaha isticimaala internet ka shirkada SO! Ltd ayaa waxa ka mida ah meheradaha ganacasiga ee caasimada Hargeysa, Haayadaha caalamigaa ee dalka ka hawlgala, Haayada Dawalada sida, Wasaaraddaha,Xarumaha waa-weyn ee Warbaahinta dalka oo iyagu si gaar ah ugu diirsaday adeegyada hufan ee dhinaca Internetka shirkada SO! Ltd
Sidoo kale shirkada SO! Ltd waxa ay hada si rasmiya u bilowday inay Guryaha caadiga ah u xidho xadhiga Fibre Optic-ga oo xawaarihiisu aad u sareeyo kaas oo ay shirkadu ka bilowday Xaafadaha Waqooyiga iyo Galbeedka Caasimada Hargeysa iyadoo isla markaasina hada si rasmiya ay ugu bilaabeen Guryaha Degmada Ibraahim Kood-buur oo hada xadhiga Fibre- Optic-ga guryaha uu diyaar ku yahay isagoo dhawaana uu wada gaadhi dooni caasimada Hargeysa,Taaso oo imika uu shaqadiisu ka socoto.
Guud ahaan noocoyada kale duwan ee intarnet-ka ay shirkada SO! Ltd bixiso ayaa laga isticimaala caasimada iyo magaaloyinka Galbeedka Somaliland sida Borama,Gabilay,Wajale iyo Arabiyo iyadoo shirkaduna dhamaan magalooyinkaas ay xarumo ku leedahay oo dhamaan adeegyada internetka SO! so gasho laga isticmaalo.
Dhinaca kale waxa uu dhawaan xadhiga fibre optic-ga ku sii socdaa Gobolada Bariga Somaliland iyada oo waqti aan dheerayn uu xadhigu gaadhi-doono Gobalka Saaxil oo daaha laga rogi doono xarumahii shirkada ee bulshada loogu adeegi lahaa, Xadhiga Fibre Optic-ga shirkada SO! Ltd oo xawaara dheer jaraayey mudooyinkii u danbeeyey isla markaana iskaga kala gud-bay Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ayaa hada sidoo kale gaadhay Gobolka Daadmadheedh xaruntiisa Oodweyne oo isna dhawaan laga hirgalin-doono adeegyada casriga ah ee Interner-ka shirkada SO! Ltd ,Xadhiga ayaa sidoo kale waxa isna ku xigi-doona oo dhawaan khadku gaadhidoonaa Gobalka Togdheerna oo hada oo uu hada kaabiga u saaran yahay iyadoo uu sidaasi ugu sii socon doono dhamaan Gobolada kale ee Somaliland ee baahida weyn u qaba adeegyada shirkadani SO! Ltd ku diirisay Bulshada reer Somaliland guud ahaanteed-ba
Shirkada SO! Ltd oo imika masaafo dheer jiiday xadhigeeda Fibre Optic-ga ayaa dhinaca kale waxa ay dalka Somaliland Galbeed ilaa bari deegaan kasta oo xadhigeedu maro ka fulisaa mashaariic horumarineed oo ay kaga qayb-qaadanayso horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada Somaliland ,Mashaariicda la taaban karo ee shirkada SO! Ltd ilaa hada ka fulisay Gobolada kala duwan ee xadhigeedu maray ayaa waxa kamida Banaynta iyo samaynta Jidad muhiima oo bulshada deegaanadaasi baahi weyn u qabay ,Baliyo iyo dhaamam waa-weyn oo ay u samaysay deeganadani ay shirkadu martay iyadoo sidoo kale ka qayb-qaadatay mashaariic fara badan oo ay dadweynaha deegaanadani wadeen oo ay mid walba qayb laxaadle ka qaadatay,
Dhinaca kale Shirkada SO! Ltd waxa ay si wayn uga qaybqaadataa kobcinta bulshada ee dhinacayada kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada waxaanay si weyn uga qaybqaadatay abaaraha ba’an ee dalka ka jira, Iyadoo sidoo kale dhiirigalisa dhalinta ciyaaraha oo ay tartamo iyo qalabka ciyaaraha ugu deeqdo,
Shirkada SO! Ltd waxa ay door libaax ka qaadatay ciyaarihii Gobalada Somaliland ee ugu dambeeyay oo bulashadu ku raaxaysatay muuqaaladii quruxuda badnaa ee TV-yada ka baxay ee lagu gudbinayay internet ka xawaaraha badan ee fibre optic-ga Shirkada SO! Ltd .
Sidoo kale Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee SO! so gasho waxa ay dhamaan dhalinyarada reer Somaaliland ee wax-barta ay ka caawisay dhinaca internetka iyadoo u jabisay qiimaha bishii ee MIFI ee adiga 4G-ga oo ay uga dhigtay $15,Taasi oo u saamaxday inay si fudud qiimahaas jaban ugu adeegsadaan wax barashadooda dhamaan ardayda waxka barta Jaamacadaha Dalka, Dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe-ba iyo dhamaan ardayda dhigta goobaha waxbarasho,Arintan ayaa ah fikir shirkadu ku dhiiri galinayso waxabrashada dalka si ardaydu macluumadka internet-ka kaga xidhma si dhibyar ugu helaan,
Dhinaca kale mar aan u kuurgalay adeegyada la sugayey ee shirkady soo wada ayaa waxa ay ii sheegeen Masuuliyiinta sarre ee Shirkada SO! Ltd inay dhawaan soo kordhinayaan adeega TV-yada ee IPTV kaasi oo la-socoda fibre optic-ga, Isla markaana dhawaan caasimada Hargeysa lagu isticimaali doono Super-Wi-Fi oo ah wireless caasimada Hargeysa dhamaan ay wada isticimaali doonto oo qofkastaa hawada ka helayo wireless ka shirkada SO! Ltd.
Hadaba Macmiil la jaanqaad aduunka casriga ah oo booqo xarumaha shirkada SO! Ltd kuleedahay si aad uga hesho internet xawaare sareeyo.
Isku soo wada duuboo Shirkada SO! Ltd ayaa kaalin muuqata ka qaadatay hanaankii horu-socodka iyo horumarka Somaliland taasi oo taariikhda ku galidoonta adeegyada hufan ee dadweynu baahida weyn u qabay ee ay dalka iyo dadkaba usoo kordhisay
Wariye Miyir Cali Xuseen
Moble:0634046313
miyircali@gmail.com