Shirkadda Diyaaradaha Ee Imaaraadka Carabta Oo Cabsi U Joojisay Duulimaadyadii Ay Ku Tagi Jireen Galbeedka Afrika

0
31

Dubia (Hubaal)-Duulimaadyada diyaaradda Emirates ee laga leeyahay dalalka Imaaraadka Carabta ayaa joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay dalal ku yaalla galbeedka Afrika cabsi laga qabo in cudurka Ebola uu soo gaadho gobolka awgeed.

Waa duuluumadki ugu horeeyay oo caalami ah oo hakiya shaqooyinki ay hayeen ,iyada oo laga jawaabayo in Ebola uu saamayn  ku yeesho dowlado ka baxsan galbeedka Afrika sida lagu xusay war-ka soo baxay Emirates.

“Raalli-galin ayaan ka bixinaynaa dhibka soo gaadhaya macaamisheennii, waxaan kale oo  muhiimadda koowaad  siinaynaa dadka nagu xidhan,“ ayaa lagu yidhi warka Emarits oo si qota dheer uga hadlayay sababaha  keenay khatartan.

Arrintan ayaa cirka isku shareertay ka dib markii qof  qaba cudurka Ebola shalay lagu arkay garoonka diyaaradaha magaalada Lagos ee dalka Nigeria, iyadoo la sheegay in xanuunkan la isugu gudbin karo diyaaradaha iyo waliba garoomada caalamiga ah.

Emirates AirponeDiydaaraddan oonan ka howl-galin labada wadan ee cudurkan uu sida aadka ah u waxyeeleeyay  ayaa sheegtay in la sii wadi doono duulimaadyadii aadi jiray magaalada Dakar ee dalka Senegal,iyadoo dib u eegis lagu samayn doono go’aanka duulimaadka looga joojiyay wadamada ku yaalla galbeedka Afrika qaarkood.

Hay’ad ka shaqaysa arimaha duulimadyada adduunka oo lagu magacaabo Air Transport Association (IATA) ayaa ku amartay dowladaha qaarkood in la baadho dadka safarka ah ka hor inta aysan diyaaraduhuu ka duulin garoomada.

Ugu danbayntii dowladda Nigeria ayaa hakisay duulimaadkoodi ka aadi jiray labada wadan ee kala ah dalalka Liberia iyo Sero leone oo cudurkan lagu arkay, waxana la sheegay in tirada dhimashada ay ilaa iyo hadda marayso 729-qof.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here