Shirkadda Ethiopian Airlines Oo Casuuntay Xafiisyada Kala Shaqeeya dhinaca Duulimaadyada

0
52

Hargeysa (Hubaal) Xafiiska Ethiopian airlines ee Caasimadda Hargeysa ayaa Casuumad Casho-sharaf ah u sammeeyey in ka badan 28 Xafiis oo ah kuwa la shaqeeya ee tigidhada jara. Casuumadan oo ka qabsoontay Magaalada Hargeysa Sabtidii, waxa ka soo qayb galay Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Ethiopian airlines ee Caasimada iyo Masuuliyiin ka socotay Xafiisyada Diyaaradaha eek a hawl-gala gudaha Caasimadda ee loo yaqaano (Travel agencies). Madaxa Suuq-gaynta Ethiopian airlines ee Hargeysa Siciid Khaddar Aw Cabdilaahi oo ugu horayn ka hadlay Xafladda ayaa ka waramay ujeedada kulankan iyo inay soo casuumeen 29 Xafiis oo ah kuwa ka shaqeeya arimaha Duulimaadyada ee afka qalaad loo yaqaano “Travel agencises”. Maamulaha Xafiiska Somaliland ee Ethiopian airlines C/raxmaaan Maxamuud Ciise oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ka sheekeeyey Waxyaabaha u qorshaysan dhinaca duulimaadka diyaaradaha ee mustaqbalka dhaw iyo hiigsigooda mustaqbalka fog. Waxaanu uga mahad celiyay dhammaan ka soo qayb galayaashu sida wanaagsan ee ay mar walba ula shaqeeyaan isagoo balan qaaday inuu kulanada noocan oo kale ah joogtayn doono.

Wakiilka Shirkadda Ethiopian airlines ee Somaliland, Mr. Stefano’s oo khudbad kooban balse nuxurkeedu balaadhan yahay madasha ka jeediyey ayaa ku dheeraaday maraaxilkii kala duwanaa ee ay shirkaddu soo martay tan iyo markii ay shaqada duulimaadyada ka bilawday gudaha dalka Somaliland. Mr Steve waxa uu sheegay in Diyaaradda Ethiopian Airlines dhidibada loo taagay muddo haatan laga 72 sanno oo ku beegnayd sannadkii 1946-dii. Sidoo kale, waxa kale oo uu sheegay inay shirkaddu xubin ka tahay Ururka Diyaaradaha Adduunka ee loo yaqaano “Star Alliance”

Muddo dhawr saacadood ah oo uu kulankani socday waxa ay labada dhinac iskaga xog-waraysteen sidii loo tayayn lahaa wada-shaqayntooda dhinaca duulimaadyada oo sal u ah xidhiidhka labada dhinac, iyadoo Masuuliyiintii ka socday Xafiisyada Diyaaraduhu ay dhammaantood miiska soo saareen wixii tallo, tilmaan iyo toosin ah ee ay u hayeen Xafiiska Ethiopian Airlines. Waxana Masuuliyiinta Shirkadda Ethiopian Airlines ay halkaasi ka balan qaadeen inay qaadanayaan tallooyinkaasi inta awoodooda ah, wixii kalena ay ku dedaali doonaan inay Masuuliyiinta ka saraysa la kaashan doonaan.

waxa halkaasi weedho mahadnaq ah ka jeediyey qaar ka mid ah Masuuliyiintii ka socday Xafiisyada Diyaaradaha ee la soo casuumay. Iyadoo gabagabdiina, masuuliyiintii ka socday Xafiisyada diyaaraha halkaasi lagu guddoonsiiyey agab kala duwan oo shirkadda Ethiopian airlines ay ugu tallo gashay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here