Shirkadda Gacanta Ku Haysa Dekedda Berbera Ee DP World Oo Shaacisay In Ay Bilaabayaan Dhismaha Marso U Gaar Ah Koontiinarrada

0
156

Maamulka Dekedda Berbera waxa ay  Sheegay In Sannadka Cusub Qandaraas Lagu Bixinayo Dhismaha Dekeddan oo  U Gaar Ah Koontiinnarrada

Hargeysa (Hubaal) – Shirkadda Carbeed ee DP World, ayaa Sannadka cusub ee foodda innagu soo haya ee 2018-ka bilaabayso dhismaha Deked labaad oo ay ka hirgelinayso Magaalada Xeebta Magaalada Berbera, taasi oo Cabbirkeedu yahay 400 mitir. Sidaana waxa sheegay Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera Cabdi Cabdillaahi Xasan oo shalay Wareysi siiyey Telefiishanka SAAB, isagoo intaa ku daray oo faahfaahiyey waxyaabaha DP World ka qabatay Dekedda hadda shaqeysa ee Berbera. Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera oo ugu horreyn la waydiiyey waxyaabaha DP World ka qabatay Dekedda Berbera ee ay Heshiiska Maalgelineed Maamulkeeda kula wareegtay ayaa ku jawaabay “Wejiga koowaad oo ahaa in la casriyeeyo Dekedda oo la qalabeeyo taasi gebogabo ayay ku dhowdahay, qalabkiina waa la wada keenay Qalabkii, Shaqaduna si wanaagsan ayay u socotaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in hadda la wado Sahaminta halkii Shirkaddu ka dhisi lahayd Deked cusub oo u gaar ah Koontiinnarrada, rejana laga qabo in Sannadka cusub dhismaheeda la bilaabo “Waxa bilaabaya Wejiga kale oo ah dhismaha Dekedda cusub oo ah 400 Mitir oo Dekedda hore dhinaceeda laga dhisayo oo Koontiinnarradu leeyihiiin, markaa dhismuhu mar kaliya ma wada bilaabmi karo, laakiin Sahamintii way bilaabantay, Nashqaddeedii way dhan tahay (Dekeddu), waxaana inoo hadhay in la bixiyo Qandaraaskii oo Shirkaduhu ku tartamaan (dhismaheeda), waxaanuna rajeynaynaa inay hawshaasi Sannadka cusub bilaabanto oo dhismuhuna bilaabmo sida heshiiska dhigayo.”

 

Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera oo la waydiiyey halka ay ku dambeeyeen Saddex Xubnood oo Dawladda Somaliland uga mid noqonayey 7-da Xubnood ee Shirkadda DP World la maamulaya Dekedda, kuwaasi oo la sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo Magacaabay maaddaama oo ay heshiiska DP World ka mid ahayd, ayaa sheegay in aanay illaa hadda wax Rasmiya oo arrintaa la xidhiidhaa Maamul ahaan soo gaadhin “Arrintaas waan maq-maqlayey oo Annaga la nooma keenin Warqado Rasmiya.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Maamulka Dekedda Berbera uu hoos tago Madaxtooyada, sidaasi darteedna aanay Madaxtooyada illaa hadda ka soo gaadhin wax Rasmiya oo la xidhiidha Guddigaa “Marka aanu aragno Magacyada Dadka la Magacaabay (ayaanu ka hadli doonaa) maaddaama oo aanu Qoraal iyo awood ku shaqayno, Annaguna waxaanu la shaqeynaynaa Cidda ay tidhaahdo Madaxtooyada oo aanu hoos tagno (Deked ahaan), imikana Cidda ay la shaqeeya tidhaahdo ayaanu la shaqeynaynaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here