Hargeysa (Hubaal) – Shirkadda isgaadhsiinta Somtel oo ah Hormoodka isgaadhsiinta Somaliland ayaa maalintii shalay soo bandhigtay Adeeg Casriya oo la yidhaa 4G MIFI/Router, iyadoo Adeeganina kamid yahay adeegyada ugu casrisan ee haatan caalamka laga isticmaalo.waxana uu ka kooban yahay laba aaladood oo kala ah 4G MIFI iyo 4G Router. Madashii adeeggan lagu daahfurayey, ayaa waxa ugu horrayn ka Hadlay Madaxa waaxda Suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdilahi oo sharaxaad dheer ka bixiyay Adeegyadan cusub ee shirkadda somtel soo bandhigtay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Shirkadda somtel waxa ay maanta macaamiisheeda usoo bandhigaysaa adeeg cusub oo internet oo magaciisa la yidhaa 4G MIFI waana qaybtii labaad ee Adeegga Somtel 4G, adeeggan Cusubi waxa uu ka koobanyay laba Aaladood oo kala duwan midi waa MIFI midna waa Router adeegyadan cusub ee MIFI iyo Routerka ka koobani waxa ay macaamiishayada u sahlayaan in ay helaan internet xawaarihiisu aad u sareeyo waxa intaas u dheer in 4G MIFI uu yahay aalad yar oo jeebkaga aad ku qadan karto, gaadhigaaga aad ku qaadan karto oo hadba meeshii aad rabto aad la tagi karto adiga oo ku xidhan internet ka somtel oo wireless ah waxa aanad ku isticmaalaysaa user-kaaga iyo password kaga kuu gaarka ah waxaana markiiba kugula isticmaali kara wireless ka 5 Qof f ilaa 10 Qof iyada oo aanu speed ku isdhimayn, sida oo kale waxa aanu halkan kusoo bandhignay router wireless ah oo isna 4G ah oo markiiba ay ku xidhmi karaan ugu yaraan ilaa 30 Qof oo ku isticmaalaya internet xawaarihiisu aad u sareeyo shirkadda somtel waa shirkaddii u horaysay ee Adeeggan casriga ah keenta dalka isla markaana bulshada usoo bandhigta, waana markii koobaad ee Adeeggan Geeska Afrika laga isticmaalo”. Sida Oo Kale Mohamed Rooble Oo ah Madaxa Waaxda Ganacsiga ayaa faahfaahin dheerada ka bixiyay adeegyada cusub ee shirkaddu soo bandhigtay waxanu xusay in adeegyadani yihiin Tiknoolajiyadii u dambeysay ee maanta dunida laga isticmaalayo shirkadda somtel-na tahay hormoodka isgaadhsiinta Engineer Xasan Sheikh oo ka mida masuuliyiinta shirkadda somtel ayaa sharaxay adeegyada cusub ee MIFI iyo Router ka ah waxanu sheegay in Adeegga 4G MIFi yahay adeeg ay macaamiishu kaga maarmi doonaan dhamaanba adeegyadii hore madaama adeeggani yahay mid la qaad qaadan karo oo hadba meel lala tagi karo iyadoo sida mobile ka loo dabaynaayo kadibna kolba meeshii lala tago lagu isticmaalaayo waxanu adeeggani macaamiisha u saamaxayaa in ay helaan internet xawaarihiisu la mid yahay ka maanta dunida laga isticmaalo. Ugu dambaynti Guddoomiyaha Shirkadda somtel Mudane Faarax Maxamed Cilmi ayaa Macaamiisha shirkadda somtel ugu bushaareeyay adeeggan cusub ee 4G MIFI oo latayo ah lana awood ah internetka maanta dunida horumartay laga isticmaalo, waxa uu sheegay maareeyaha shirkadda somtel in maanta dunida oo dhami isku xidhantahay oo dhakhtarka jooga maraykanka uu qalliin ka fulin karo waddan afrika ku yaala taasna waxa u saamaxaysa adeeggan internetka oo maanta nolosha aadamaha ka mid noqday baahiyaha aasaasiga ah sida oo kale Adeeggan internet ka ah ee 4G MIFI waxa uu Ardayda u saamaxayaa in ay online wax kaga Baran karaan Jaamacadaha Dunida. Waxa kale oo sheegay in internet-ku uu maanta kaalin wayn ka qaato Ganacsiga adiga oo halkan joogana aad online wax alla iyo wixi aad rabto kusoo iibsan karto kuna adeeggan karto online.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel Oo Daahfurtay Adeegga Casriga ah ee 4G MIFI