Shirkadda Laydhka Berbera oo Beenisay Eedo ka soo Yeedhay Ramaax

0
13

Berbera(Hubaal)- Maamulka wershada Laydhka ee magaalada Berbera ayaa beeniyey hadallo hore uga soo yeedhay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Madaxa shaqaalaha ee wershadda laydhka Magaalada Berbera Naasir Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska wershaddasi ee magaalada Berbera ayaa sheegay in aanay jirin shaqaale ajaanib ah oo ka shaqeeya qorida Saacaddaha laydhka ee shirkadaasi.

Waxa kale oo uu beeniyey Madaxa shaqaalaha ee wershada laydhka ee magaalada Berbera war hore uga soo yeedhay  Mr Ramaax oo ahaa in masaajidada magaalada Berbera laydhkooda lacag laga qaado, isaga oo sheegay in aanay jirin masaajido laydh laga qaadaa, shirkadduna ay bixiso Marawaxadaha iyo waxyaalaha kale ee masaajidada ku xidhan laydhkooda.

Masaajidada magaalada ku yaalla oo uu Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga UCID Mr Ramaax uu  ku sheegay 23 masaajid ayuu sheegay Mr Naasir in ay yihiin 47 Masaajid, kuwaas oo ay laydhka u shido shirkadda Laydhka ee Berbera.

Cabdilaahi Cajab oo kamid ah maamulka sare ee wershada Laydhka Berbera oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa beeniyey in ay jiraan masaajido lacago laga qaado iyo shaqaale ajaanib ah oo ka shaqeeya qorida Saacadaha ee shirkadda, isaga oo eedaha Mr Ramaax ku tilmaamay been abuur cad.

Dhinacooda shaqaalaha qora Saacaddaha laydhka ee shirkadaasi oo goobtaasi iyaguna ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin shaqaale ajaanib ah oo kala shaqeeya qorida laydhka iyo arrimaha Saacaddaha ee shirkadda Laydhka Berbera.

Solnanews.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here