Hargeysa(Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa soo gabagabaysay Qandaraas ay ku bixisay qabashada Diiwaangelinta Madaniga ah oo ay xukuumaddu damaanad qaaday inay qabanayso, isla markaana kharashka bixinayso.
Kulan doraad lagu qabtay xarunta wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa la sheegay in lagu tisay qandaraaskaas shirkad la yidhaa Sahal, taasoo tartan u gashay afar shirkadood oo kale oo kala ahaa Selp, Evante, Ex Info/Pitz iyo mid Danish ah.
Illaa hada guddida Qandaraasyada Qaranku si rasmi ah ugumay dhawaaqin natiijada ka soo baxday Tartankaas, hase yeeshee qaar ka mid ah shirkadihii tartankaas galay ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in shirkadda Sahal ku Guulaysatay Qandaraaskaasi.
Ilo wareedyada warkan aanu ka helnay ayaa sheegaya in Qandaraaska lagu bixinayey lacag dhan Laba Milyan iyo lix boqol oo kun oo Doolar, taasoo shirkadda Sahal ay soo xaraysatay inay hawshaas ku fulinayso laba Milyan iyo shan boqol oo kun oo Doolar, halka shirkadaha kale badidoodu ka soo qorteen lacag gaadhaysa Afar Milyan.
shirkadda Sahal ayaa la sheegayaa inay leeyihiin laba muwaadin oo Reer Somaliland ah, halka shirkadaha ay tartanka kaga guulaysatay qaarkood yihiin kuwa ajanabi ah.
Diiwaangelinta Madaniga ah ayaa ahayd inay xiligan bilaabanto, hase yeeshee waxa hortaagnaa hawlo farsamo oo ay ka mid ahayd bixinta qandaraaska, iyo daraasadihii lagu samaynayey qalabka iyo qaabka Diiwaangelintu u dhici doonto.
Si kasta ha ahaatee Diiwaangelintan oo Xukuumaddu kharashkeeda bixinayso ayaa la filayaa inay dhawaan bilaabmi doonto maadaama wakhtigii loogu talogalay ay dhaaftay