Laascaanood(Hubaal) shirkadda Norwegianka ah ee DNO oo hawlo sahan shiidaal ah toddobaadkan ka bilowday sadex deegaan oo kala ah Ceel Af-weyn, Dararweyne iyo Xudun ayaa shalay galab isaga soo baxday kadib markii Maleeshiyo Reer Xudun ahi Rasaasaysay.
Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ayaa xaqiijiyey in Shaqaalihii Shirkadda DNO ka soo laalaabteen hawshii ay wadeen isla markaana ay Dalka isaga baxayaan manta, iyagoo xalay ku soo hoyday degmadda Caynaba.
Shaqaalaha Shirkadda DNO oo dhamaantood ahaa Afrikaan ayaa toddobaadkan ka so dagay Madaarka Hargeysa, isla maalintiibana u kicitmay goovaha ay sahanka ka bilaabeen, manay jirin wax macluumaad ah oo ay Xuuumadda Somaliland ka siisay warbaahinta, Dadka Deegaanka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goboladda ay shaqada ka hayeen.
Toddobaadkan waxa deegaanada ay shirkaddu Sahanka ka samaynaysay ka taagnaa muran dhinaca hawl galka ah, kaasoo ay diidanayaan dadka Deegaanku, waxaanay ka cabanayeen in aanay Xukuumaddu waxba u qaban, isla markaana aanay ogayn hawsha shirkaddani wado.
Xukuumadda Somaliland ayaa Xudun u dirtay Fu’aad Aadan Cadde iyo Odayaal kale si ay isku fahamsiiyaan dadka deegaanka iyo Shirkadda DNO, balse Fu’aad laftigiisa ayaa qayb ka noqday cabashada lagaga soo horjeedo shirkadda, maadaama aanay xukuumaddu marka hore waxba kala socodsiin hawlgalkooda.
shirkadda DNO waxa Dalka Maraykanka Heshiis kula soo galay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, hase yeeshee tan iyo xiligaas wax shaqo ah Dalka kamay bilaabin.
Gobolka Togdheer waxa hore looga Eryey Shirkadda Sahan Shiidaal ka bilowday oo la odhan jiray Genel, maantana DNO ayaa dalka ka baxaysa iyadoo Somaliland shirkadahaasi Heshiis kula gashay inay shiidaal u baadhaan, hase yeeshee waxa muuqata inaanay Somaliland qorshe cad oo ay ku maamusho ama ku hawl galaan aanay u samayn, gaar ahaan dhinaca Amnigooda, kaasoo ay balan qaaday inay sugayso masuulna ka tahay