Shirkadda SUMSUNG Oo Khasaaraysa Malaayiin Doollar, 2.5 Milyan Taleefanna Cillad U Beddelaysa

0
30

SUMSUNG-GALAXY-NOTE-7-2016Seoul (Hubaal) Shirkadda Samsung ayaa maanta hakisay iibinta noocii ugu dambeeyey ee Taleefankeeda gacanta (Mobile) ee Galaxy Note 7, laba toddobaad ka dib un markii ay billawday Suuq-gelintiisa, balse ay ku soo baxday cillad aanay ka filayn Shirkaddu, ka dib markii la ogaaday in qaar ka mid ah Shixnadaha Taleefankaas ay Suuqa gelisay la ogaaday inay qarxeen markii Bayteriga la dabeeyey. Koh Dong-jin oo ah Madaxweynaha qeybta Adeegga Taleefannada Gacanta ee Mobile-ka loo yaqaanno u qaabbilsan Shirkadda caanka ah ee Samsung, ayaa sheegay in Macaamiisha hore u iibsaday Taleefankan cilladdu ku soo baxday loogu beddeli doono Taleefanno kale oo la hubiyey tayadooda, isla markaana ka codsaday inay soo celiyaan. Shirkadda Samsung, ayaa sheegtay in ay ku adagtahay in ay garato Taleefannada gaarka ah ee cilladdan iyagu qaba maaddaama oo ay arrintani saamaysay 2.5 Milyan oo Taleefan oo Galaxy Note 7 ah, taasoo khasbaysa in dhammaan Taleefannadaa labada Milyan iyo Badhka ah dib looga soo celiyo illaa Suuqyada Toban waddan oo iibintiisu ka bilaabantay, Macaamiisha iibsatayna loogu beddelayo kuwo cusub. Shirkaddan Sumsum oo laga leeyahay waddanka Koonfurta Kuuriya, ayaa sheegtay in Macaamiisha iibsatay Taleefankaas ay ugu beddeli karaan mid cusub.  “Cillad yar ayaa jirtay markii la samaynayay Bayteriga Taleefankan Note 7, sidaas daraadeed way adag tahay in la ogaado tirada cilladdaas qabta.” Sidaas waxaa Saxaafadda u sheegay Madaxweynaha qabyta Taleefannada ee Shirkadda Sumsum Eng. Koh Dong-jin. Mr. Koh Dong-jin oo sii watay hadalkiisa, kana warramaya sababta ay go’aankan u qaateen, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Arrintaas qiimo wayn ayay nagu kici doontaa, Wadnahaygana way gilgishay, iyadoo taasi jirtana waxaan go’aankaas u qaadannay in aannu wax walba ka hor-marinnay badqabka Macaamiishayada. Waxaanay nagu qaadan doontaa muddo laba toddobaad ah inta aannu ku diyaarinayno Taleefannada cusub ee aan Macaamiisha Taleefanka cilladda lagu arkay noociisa iibsaday.” Samsung ayaa soo saartay amarkan lagu soo celinayo dhammaan Taleefannada Galaxy Note 7, ka dib markii ay awoodi weyday inay kala soocdo inta cilladda qabta iyo kuwa fayoow ee aan cilladdaas qabin, waxaanay taasi keentay inay go’aansato Shirkaddu in dhammaan Taleefanka Note 7 ee Suuqyada caalamka galay in guud ahaan dib loo soo xareeyo oo laga soo saaro Suuqyada dunida, si ay Shirkaddu u ilaashato sumacadda ay Sayladaha Taleefannada dunida ku leedahay. Madaxweynaha Shirkadda SUMSUNG Mr. Koh, ayaa intaas ku daray oo sheegay in baadhitaan ay Shirkadda Samsung sameysay ku ogaadeen in Bayteriga oo ay u sameysay Shirkad kale uu dab qabsanayo marka la kaarikeynayo ama la dabeeyo, taasoo sababeysa Qaraxa uu qarxayo Taleefankaas Galaxy Note 7. Waxay ku doodday Shirkadda Sumsung inay Bayteriga ama Dhagaxa Taleefankaas Note 7 ay Shirkad kale u samaysay, isla markaana shirkado dhawr ahi qaybiyeen. Waxaanay tallaabadan Khasaaraha badan ku keenaysa SUMSUNG ku soo beegantay wakhti Suuqyada caalamka lagu soo bandhigayo Taleefan cusub oo Nashqaddii u dambaysay ee IPhone ah oo ay soo saartay Shirakdda ay Sayladaha Taleefannada aadka ugu tartamaan Sumsum ee Apple oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here