Hargeysa(Hubaal) Mustafe Cabdi Cawad (Indha-deero) iyo Ganacsadaha Carbeed ee Abuu-yaasir oo caawa hotelka Maan-soor si wadajir ah ugu qabtay shir jaraa’id ayaa ku sheegay in Ganacsatada ay is haystaan si sharci darro ah ugu dhisteen Maxjar aan ka fogayn kooda qalab ay lahaayeen, kaasoo ay tilmaameen in uu si khaldan ugu ganac galay.
Abu-yaasir oo ugu horayn ka hadlay shirka Jaraa’id ayaa si faahfaahsan uga waramay shirkadoodu faa’iidada ay Somaliland soo galisay, isagoo si weyn ugu amaanay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo in ay u ogolaatay inay Dalka ka shaqaystaan.
Abuu-yaasir waxa uu sheegay Somaliland in ay tahay Dal qani ah isla markaana ay ka dhaxayso walaaltinimo iyo taariikh dheer iyaga iyo Carabta, waxaanu xusay inay doonayaan in ay ka fuliyaan mashaariic cusub oo lagu horumarinayo Xoolaha ilaa maalinta uu dhasho illaa dhoofintooda.
Abu-yaasir oo ka hadlay khilaafka ka taagan Berbera waxa uu sheegay in uu ka dhashay qalab uu Wiilkiisu usoo Iibiyey Maxjarka Deero oo ay shirkad ku yihiin, kaasoo uu nin la yidhaahdo Yuusuf Cali Nuur oo wakiil uga ahaa rarka maraakiibtoodu si khalad ah ugu qoray Ganacsatada Maxjarka kale samaysanaysa.
Abu-yaasir waxa uu sheegay qalabka Maxjarka lagu dhisay inay tahay Hantidiisii isla maraana inankiisu ka soo Iibiyey Khaliijka, waxaanu ku dooday in ay sifo sharci ah u marayaan sidii ay hantidooda usoo ceshan lahaayeen, isagoo cadeeyey inay sharciga iyo Garsoorka u marayaan, waxaanu Xukuumadda iyo Hay’adaha Cadaaladda ugu baaqay inay xaqiisa dib ugu soo celiyaan.
Mustafe Cabdi Cawad oo ka hadlay shirka Jaraa’id ayaa isna sheegay Shirkadda Indha-deero iyo Abu-yaasir inay yihiin laba shirkadood oo shuraaka ah, isla markaana xidhiidh qoto dheeri ka dhaxeeyo, waxaanu sheegay in ay isaga iyo Abu-yaasir Dalka u yimaadeen qalabka lagu dhisayo maxjarka sadexaad oo ay leeyihiin sidii ay usoo ceshan lahaayeen.
Mustafe Indha-deero waxa uu sheegay shirkadoodu in aanay ku haysan Ganacsatada Maxjarka dhisanaysa Dhulka ay ka dhisanayaan oo uu tilmaamay in uu ku dhegsan yahay Maxjarkooda, balse waxa la isku haystaa uu yahay qalab ay ugu talogaleen in ay Maxjarkooda ku cusboonaysiiyaan oo si khaldan nin uu Wakiil ahaa ugu qoray Ganacsatada kale, taasoo keentay in ay isku qabtaan.
Mustafe Indha-deero waxa uu ku dooday in qalabka laga haysto loo soo celiyo isagoo danbiga saaray nin la yidhaahdo Yuusuf Cali Nuur oo wakiil uga ahaa hawlaha Maraakiibta, kaasoo uu sheegay in uu si khaldan ugu gacan galiyey qalabkaasi ganacsatada ay is haystaan kadib markii uu khilaaf soo dhex galay isaga iyo Khusaam Abu-yaasir oo ah wiilka Abu-yaasir ee qalabka soo Iibiyey.
Abu-yaasir iyo Mustafe Indha-deero ayaa labaduba sheegtay in ay in badan isku dayeen in waan waan iyo xal lagu dhameeyo Khilaafka ka dhashay qalabkaasi balse ay ka dhego adaygeen Ganacsatada Qalbakaas ka haysataa, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in sharciga ay ku kala saarto, iyagoo ku dooday inay cadeymaha qalabkaasi ay ku leeyihiin oo dhan hayaan.