“Shirkaddaha Iyo Ganacsatada Waxaanu Leenahay Lacagtiina Ha Iska Galinnina Hantida Umadda Ee La Boobayo Sharci Noqon Maayo Heshiiska Xukumad 6 Bilood U Hadhsan Taahaye..”

0
29

Hargeysa(Hubaal) -Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil(Gaani), oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa Sheegay inaan heshiisyada Wakhtigan ee Xukumaddu ansax noqonayn maadaama muddo 6 Bilood ka yari ka hadhsan tahay Muddo xileedkeeda sharciga ah. Waxa uu ka digay Boobka hantida umadda.

xildh gaaneXildhibaanku waxa uu Sharci darro ku tilmaamay wareejinta Dekedda Berbera “Annigu waxaan u arkaa Arrintaas Dekedda Berbera, wixii hore u dhici jiray uun mid ka mid ah, Iibkii,Xaalufintii, Siidh Gayntii ay Xukumaddu ku haysay Hantida Umadda iyo Boobkii qayb cusub oo ka mid ah ayuun bay noqonaysaa. Runtii waa arrin aan la qaadan karrin in Dekeddii oo inoogu dambeysay iyadiina la xaraasho” ayuu yidhi XIldhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaan Heshiisyada wakhtigan ee Xukumaddu Ansaxayn “Waxaan idiin sheegayaa 6 bilood wax ka yar ayaa u hadhsan Xukumaddan, Ansax maaha heshiisyada ay gashaa runtii.Xukumad ay 6 Bilood u hadhsan tahay Iibkeeda iyo Heshiisyadeeduba Ansax ma noqonayaan.

Dekeddaas hadda la wareejinayaa waxay ka mid noqonaysaa Iibintii iyo boobkii hantida qaranka ee aan cidna loo sheegin,haddii ay ahaayeen Warshadihii sida tii Laydhka, Dhulkii iyo Guryihii dawladda, waxbana ka tagi mayso” ayuu yidhi Xildhibaan Gaani.

Xildhibaanku waxa uu digniin u diray Shirkaddaha iyo dadka hantidooda galinaya Hantida Dadweynaha “Waxaanu Shirkaddaha Caalamiga ah iyo dadweynahaba u sheegaynaa Xukumad 6 Bilood u hadhsan tahay Heshiiskeeda iyo Iibkeeduba Ansax noqon maayo heshiiskeeduna Sharci ma noqonayo. Ganacsatada Lacagtooda iska galinaya hantidaa Umadda ee la boobayo waxaanu leenahay Lacagtiina ha iska galinnina Boobkaas aad arkaysaan ee aan Sharciga ahayn”

Xildhibaanku waxa uu Xukumadda ku eedeeyay inay tahay mid aan waxba ka dhegaysanayn Mucaaradka iyo Dadweynaha, isagoo sidoo kalena Eedeeyay Golaha uu ka tirsan yahay oo uu sheegay inaanu doorkiisa qaadan islamarkaana intiisa badani ku biirtay Aqalka Madaxtooyada.

source:ramaasnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here