Shirkaddaha Jaadka Keena Somaliland Oo Doc-Faruuray Go’aankii Bacaha Lagu Mamnuucay

0
66

“Waxa Maalmihii U Dambeeyay Suuqyadda Soo Galay Baco Ay Keeneen Shirkadaha Jaadku” Ibraahin Caydiid Axmed

Hargeysa(Hubaal) -Waxa dalka gabaabsi ku noqday oo gabi ahaanba ku dhow in la waayo  noocyadda bacaha yar-yar ee wax lagu ridan jiray, ka dib markii ay  dhammaadeen 120-kii maalmood ee Madaxweynaha Somaliland uu ku caddeeyay digreetadii uu wadanka kaga mamnuucay isticmaalka bacaha iyo soo dejintoodaba.bacaha jaadka

Go’aankaasi oo dadweynuhu ku diirsadeen ayaa waxa joogsaday bacihii ganacsatadu ka soo waaridi jirtay dalka dibadiisa, iyadoo ha’yadaha u xil-saaran arrintaasina ay dedaal weyn u galeen sidii loo suulin lahaa bacaha oo dhibaato halisteeda leh ku haysta deegaanka dabiiciga ah ee gobollada Somaliland.

Haddaba qaadka oo ah waxyaabaha ugu baahi badnaa bacaha islamarkaana bacaha lagu ridi jiray ayaa shirkaddaha Ethiopia ka keenaa soo raaciyeen baco lagu ridayo oo qofkii laga Iibiyo qaadka loo raacinayo bac uu ku rito. “Waxa runtii loo baahan yahay in Ha’yadaha dawladu ay isku xidhnaadaan isla markaana si buuxda u dhaqan geliyaan qaraarka madaxweynaha ee lagula dagaalamayo bacaha, waxaan uga jeedaa waxa maalmihii u dambeeyay suuqyadda soo galay baco ay keeneen shirkadaha jaadku, kuwaasi oo u baahan in tallaabo laga qaado,”ayuu yidhi Ibraahim Caydiid Cabdi, oo u waramay weriye ka tirsan DAWAN.

Ibraahim waxa uu ku baaqay in xukuumaddu ay qaado tallaabo kasta oo xaqiijinaysa in dalka laga tirtiro bacda oo uu xusay inay naafeysay bad-qabka deegaanka isla markaana ay halis caafimaad ku hayso xoolaha nool oo ah baasiinka jamhuuriyadda Somaliland.

Bacaha ayaa haatan Somalilang guud ahaan ka mamnuuc ah in ganacsatadu keenan iyagoo Iib ah, iyadoo hadhaaga kuwii go’aanka ka hor dalka soo galay laftooda loo iibinayo si hoose oo kootara baan ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here