“Shirkadaha Ku Shaqaysta Arrimaha Boosta Waxaanu Faraynaa In Ay Si Degdeg Ah U Soo Doontaan Liisankii Sharciga Ahaa, Cashuur Wixii Ku Waajibtayna Ay Iska Bixiyaan”,
Hargeysa (Hubaal)- Wasaaradda Boosta iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa digniinu dirtay shirkado ay sheegtay inay ka dhego adaygeen fulinta shuruucda dalka u taalla ee khusaysa adeegyada ay ummada u qabtaan, kuwaas oo ay ku eedaysay in aanay badankoodu qaadanin liisankii wasaaradda sido kalena aanay bixin cashuurtii ku waajibtay. Waxaa kale oo wasaaraddu ammaantay shirkadaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso ee u hogaansan fulinta xeerarka qaranka “Waxaanu halkan aad iyo aad uga amaanaynaa shirkadda DHL oo ah shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah taasoo mar walba ku dhaqanta shuruucda dalka, bixisana cashuuraadka iyo takliifaadka ku waajibay”. Sidaas ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md. Faysal Cali Sh. Maxamed oo shalay isaga iyo wasiirka wasaaraddaasiba shir jaraaid ku qabtay xaruntooda, iyaga oo farriin u diray shirkadaha qaabilsan adeegyada boosaha ee aan cashuuraha ku waajibay soo xarayn. Faysal Cali Sheekh waxaa uu intaa ku daray “waxaa kaleoo aan runtii shirkadda SAHAL Transportation iyo shirkadda Bari iyo galbeed oo noqday labadii shirkadood ee ugu horreeyey ee bilaaba liisan u qaadashada arrimaha boosta. Waxaanan halkan uga soo jeedinaynaa shirkadaha ku shaqaysta arrimaha boosta inay u hogaansamaan shuruucda dalka, ciddii fulin weyda ee cashuurta bixinweyda ama liisanka qaadan weydana waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Shirkadaha aanu aanu ogaysiisyada siinnay ee aanu qoraallada digniinta ah u dirnay waxaa ka mid shirkadda DAALLO oo iyadu internationally u qaadda boostada, sidoo kale shirkadda STAR iyo shirkadda SAACID waxaanu faraynaa inay si degdeg ah u soo doontaan liisankii sharciga ahaa, cashuur wixii ku waajibtayna ay iska bixiyaan”. Sidaas ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda boostu.