Hargeysa, (Hubaal) – Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xassan Mataan ayaa shalay ku soo laabtay dalka Somaliland.
Cabdirashiid waxaa uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Ucid iyo taageerayaal.
Musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Ucid oo markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu eedaymo kala duwan u soo jeediyay xukuumada Somaliland ee wakhtigan, waxaanu tilmaamay inay gabi ahaanba ku fashilantay wada jirka iyo midnimada shacabka Somaliland, waxaanu ku dooday inaan waxba lagu qaban cashuurta laga qaado dadka danyarta ah ee reer Somaliland xukuumaduna ku takri fasho dhaqaalahaas. “Waxaan si nabad ah ku soo gaadhay dalkii hooyo, aniga oo u soo gacan baxay inaan wax ka qabto qaranimada Somaliland ee aynu doonayno inaynu ka midha dhalino, qaranimaddu waa wax had iyo jeer muujiya sharafta ay qoomiyadi leedahay, awooda qaranimaduna waxay ku xidhan tahay kalsoonida umada iyo inta ay le’eg tahay wada jirkooda iyo midnimadoodu, midnimadana waxa abuura ama diciifiya marba hogaanka jiraa sida uu wax u maamulo.
waxaana xaqiiqa ah hogaanka wadanka maamulayey afartii sano ee u danbaysay inuu ku fashilmay wada jirkii shacabka iyo isku hayntii Somaliland daafaheeda, waa wax laga xumaado waxa ka dhacaya bariga. waana wax ku yimid maamul xumo iyo masuuliyad daro ka dhacday sidii shacabka layskugu hayn lahaa, xukuumadu waxay ku fashilantay inay ka dhawrsato hantida umada ee lagu takri falayo maalin iyo habeen, wax la qaadan karo maaha in dadka danyarta ah laga soo guro miisaaniyad lagu faano hadana ay shaqaaluhu bilaa mushahar noqdaan.” Ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan. “Go,aankii umadani ku gaadhay magaaladda Burco iyo taladii lagu soo gooyey Boorame ee dawladnimadna aynu ku rabnay marna kumay jirin in dalkan lagu maamulo dhaxal, guurtidii lagu soo sameeyey Boorame 21 sanadood ka hor inankii maalintaas dhashay, maanta jaamacad ayuu ka baxay taladana inuu qayb ka noqdo ayuu doonayaa, odoyaashii xiligaas la soo xulay maanta kama noola 20%, wixii aynu ku heshiinayna waxay ahayd inay dalkan maamulaan golayaal la doortay iyo madaxtooyado la doortay, golihii baarlamaankuna maanta waxba ma dhaaman, waxaana la doortay shan sano waxaanay marayaan toban sano, haddii aynaan ka gudbin marxaladahaas oo aynaan u gudbin dalkan inay maamulaan dad la doortay qaranimadeenu inay burburto ayey ku jirtaa. waana wax lagama maarmaan ah inaynu ka midha dhalino taas, haddii shalay Kulmiye ku hadaaqeeyeen dhangad ayaanu ka soo saarayne, sidanaa dhangadii wali halkii ayey taalaa. waana dareenka shacabka oo maanta ka waya aragnimo badan kana aqoon badan sidii hore.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan.
Dhanka kale, waxana isna soo dhoweyntaas ka hadal yar oo kooban ka jeediyey murashaxa xisbiga madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo xukumadda Axmed Siilaanyo ku eedeeyey shidaal yaraanta mudooyinkan dambe haysta bulshada Somaliland, isagoo sheegay masuuliyada shidaal yaraantaasi inay saarantahay Xukuumadda, “Shiidaalka waad ogtihiin afar sanadood ka hor waatii dawladu shirkadii maamulaysay haamaha shiidaalka Berbera sifo bilaa sharci ah uga qaaday shirkadii Total oo aanay sharciga u marin, dadkana waxay ku tidhi lacag badan ayey idin saartaane anaga ayaa ka maamul wanaagsanaanayna taasna fashilaadeedii waata maanta inoo muuqata, shirkada Total waxay saaran jirtay $14 foostadii maantana waxa uu marayaa $16 dawladeenuna may odhan lacagtaas Total ayaa saaran jirtaye waa laydinka daayey ee iyadii ayaaba sii kordhisay lacagtaasina toos ayey u hoos tagtaa madaxtooyada, meel ay mari jirtayna la garan maayo, iyada oo taasi jirto ayaan lacagtii dib loogu celin haamihii shiidaalka oo aan wax maal gelin ah lagu samayn, taasina waxay keentay inay haamaha badankoodu noqdaan qabyo oo la waayo meel dadka loogu shubo shiidaal,markay taasi dhacdana waxa imanaysa inuu shidaalkii yaraado,” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen waxaana uu intaas ku daray oo uu yidhi. “Shiidaalku haduu yaraadana waxa imanaysa inuu qiimihu kor u kaco, qiimuhu haduu kor u kacana waxa dhacaysa in waxyaalaha kale ee ku xeernaa sida Bariiska, Baastada iyo Laydhka ay kor u kacaan, oo noloshu ay qaaliyowday, hadaba maamul xumadaas ay dawladu bilawday waxaanu leenahay haamaha sidan lagu wado si dalka lagu sii wado karo maaha, waana in dib loogu noqdaa dad wax kala garanayana waa inay meesha ka shaqeeyaan oo wax kale hagaajinaya laakiin nidaamkan lacagta uun guranaya oo meesha waxba ku celinaynin horta waa qalad, nidaamkii ay dawladu tidhi dadka ayaanu ku wareejinaynaa wali laguma wareejin cashuurtiina dusha ayaa laga sii saaray, noloshiina way sii qaali garoobaysaa, waxaynu noqonaynaa dalka ugu nolosha qaalisan geeska Afrika, dadka danyarta ahina kuma noolaan karaan.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen