Shirweynihii Xisbiga Ucid Ku Caleemo Saaray Musharraxooda Madaxweynaha Oo Ladh Ku Kiciyey Hoggaanka WADDANI

0
27

Murrashaxnimada Faysal Cali-waraabe Oo Sas   Ku Ridday Xisbiga WADDANI Iyo  Uur-cadde Oo Eedo Culus Huwiyey Guddoomiyaha UCID

uurcade1-475x215

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sas iyo werwer baahsan ka qaaday shirweynihii aan caadiga ahayn ee uu xisbiga UCID dhawaan Hargeysa ku qabsaday, isla-markaana murrashaxa madaxweyne loogu doortay guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md  Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo warbaahinta xarunta xisbiga kula hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay shirka  lagu doortay Faysal Cali-waraabe, waxana uu tilmaamay inaanu shirkaasi distoorka dalka iyo shuruucda kaleba waafaqsanayn.

Xoghaye Uurcadde waxa uu dhinaca kale eedo culculus huwiyey guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo uu ku tilmaamay inuu aflegaaddo u geystay guddoomiye Cirro oo wakhtiyo hore abaal badan u galay.

Xoghayaha oo dhaliilo u jeedinaya guddoomiye Faysal, ayaa  xusay in bulshadu hore udiiday inay doorato xilliyo uu murrashax ahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waa wax lagu qoslo in saddex goor la sharraxo  Faysal Cali-waraabe, distoorka waddanku waxa uu qorayaa laba goor in muwaadin kastaa u tartami karo madaxtooyada, labadii goorna umaddu Uf bay tidhi sida uu madaxweynuhu sheegay, mana aha in umadda la horkeeno wax aanu distoorka dalka iyo xeerarka midna aanay bannaynin.”

Xoghayuhu waxa uu sheegay inay sharci-darro tahay go’aanka uu Faysal Cali-waraabe ku sheegay inuu muddo kadib soo magacaabi doono cidda murrashax madaxweyne ku-xigeen u noqon doonta, taasina tahay shaqadii golaha dhexe,“Inuu nin yidhaahdo madaxweyne ku-xigeenka anigaa gacantayda ku magacaabay 45-cisho kadib waa nasii darro dalka ku habsatay, madaxweyne ku-xigeenna waxa dooran kara golaha dhexe ee xisbiyada, shir baana lagu dooran karaa golaha dhexe leeyahay” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde.

Xoghayuhu waxa uu intaas ku daray,“si adag baanu u cambaaraynaynaa go’aamadii kasoo baxay shirkii UCID, waxana aanu aragnaa in cid gaar ah loo adeegsanayo,”

Mar uu Xoghayuhu guddoomiyaha xisbigiisa ka difaacyey eedo uu hore ugu jeediyey guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayuu xusay inuu hore guddoomiye Cirro abaal badan ugu soo galay dhiggiisa UCID,“Faysal-ow waa kuu nasiibdarro inaad ninkii adiga oo tahriibaya barafka kaa xareeyey aad tidhaahdo xannaanuu ka shaqaynayey, inaad ninkii cirro ee shanta sano gurigiisa kugu hayey aad caydaana waa abaal-laawenimo” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here