Shoofeeradii Madaxtooyada oo Shakamuhu u Go’ay Iyo Shirrabaada Kuwo Cusub

0
63

Hargeysa(Hubaal)-Saan-saan ama ifafaale u’eg ficiladii u horseeday burburka nidaamkii Soomaaliya ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, ayaa Maanta Jamhuuriyadda Somaliland ka muuqda, kaddib markii awooddii talada dalku gacmo kale ku baahday, taasoo sababtay inay kala awood bataan xubnihii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda ka wada tirsanaa. Arimahaasna waxa Tusaale u ahaa awoodihii badnaa ee uu lasoo baxay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo Wasiir ka ahaa taliskii Maxamed Siyaad Barre, oo marna Ilmaadeer ugu toosnaa, dhinac-na ay Walaalo ka ahaayeen, kaasoo raggii Golaha Wasiirada kula jirey ay uga goojin jireen sida Baar-qabka oo kale, iyadoo sida laga war-qabo Wasiirrada Gole Xukuumadeed ka wada tirsani aanay jirin wax awood ah oo ay is-dheer yihiin.

Haddaba, sidii u xaqiijiyey Wasiirka War-faafinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Madaxmed Daahir (Cukuse), mar uu ka hadlayey xaflad Meher oo 25. January, 2014-ka ka dhacday Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Golaha Xukuumada ee Madaxweyne Siilaanyo ay ku jiraan Wasiirro ka awood badan Wasiirada kale ee Golaha Xukuumada ku weheliya.

WASIR1Kala awood badnida Golaha Wasiirada Somaliland oo hadda ka hor intii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey sidan oo kale aan marna shaaca looga qaadin, hase-ahaatee jiritaanka arinkan uu ahaa mid ku eg bulshada dhexdeeda, balse marag-furkaa Wasiir Cukuse, ayaa  si cad u muujiyey xubnaha dhabta ah ee Wasiirrada + Wasiirradu, kuwaasoo kala ah; Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Balse haddii mar uu xaalku sidaa ahaa, Maanta-na waa sidee?. Marka la isu geegeeyo xoggaha iyo ifafaaleyaasha kale ee soo ifbaxayey tan iyo intii ka dambeysay 28, September 2014-ka, waaqtigaasoo ku beegnayd xidhitaanka Kalfadhigii 25-aad ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, dhinaca kalena lagu xasuusto bilowga khilaafkii adkaa ee Golaha Guurtidu dhowaan soo afjaray, kana dhex qarxay Madaxtooyada iyo Xildhibaanada KULMIYE oo isku dhan ah, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Mudaneyaasha Mucaaridka ee Golaha, waxa muuqadey in awoodihii dul-saarka ahaa laga qaaday xubnaha aynu kor kusoo sheegnay ee sida uu wasiir Cukuse fagaaraha ka sheegay ahaa Baar-qabada Golaha Wasiirrada, isla markaana burjigii ay Wasiirrada kale dheeraayeen lagu wareejiyay xubno kale oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada. Kuwaasoo ka tirsan Kooxaha siyaasadoodu u janjeedho garabka Bidix, waxaana hor-joogayaasha kooxdan hada awooddaha dheeraadka hubaaltay kamid ah Wasiirka Macdanta iyo Tamar Xuseen Cabdi Ducaale  iyo Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali-mareen), iyadoo kooxdani ay hormuud ka ahaayeen Inqilaabkii Golaha Golaha Wakiillada  ee  xalka laga gaadhay.

Marba kooxda Calankeedu taaganyahay ee awoodda dheeraadka ah xambaarsan, ayaa waxay ka shidaal qaadataa qasriga Madaxtooyada, gaar ahaan xubnaha ag-dhow Madaxweynaha.

Geesta kale, Garabka Wasiirrada ah ee Baro-bixinta iyo baraq jabinta lagu sameeyay, ayaa marka laga qaado Johoradda, waxay bilaabaan Olole iyo dhaqdhaqaaqyo ay ugu hargo-tumanayaan Muruudadadii  kala laabtay awoodihii aan laga dhiman ee la siiyay, kaddibna waxay suuqa gashadaan warar  iyo sheekooyin ku tiri-ku ku-teen ah oo sheegaya inay xidhiidh iyo wada hadalo la samayeen Guddoomiye Cirro, sidoo kale qaar sheegaya inay ku biirayaan Xisbiga Waddani. Tilmaan kooban

Kooxda Xirsi: Waxa hormuud ka ah: Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiir Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir Waran-cadde oo ah dhex boode, Wasiir Cali Siciid Reygal, Cukuse, …ilaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Qaar kale oo badan.

xan wasiiroKooxda Cali Mareexaan: Maxamuud Xaashi, Xuseen Cabdi Ducaale, Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada iyo Qaar kale oo badan.

Haddaba, Inkasta oo sida muuqata ay kala duwan yihiin Aragtiyaha iyo ah-daafta Siyaasaddeed ee ay Kooxahani kala wataan, hadana waxa dadka saadaashada siyaasadda laffa-guraa xusayaan in kala fogaanshiyaha xagga mabaadi’ida ku salaysan ee kooxahan ku loolamaya gacan-ku-maamulka Madaxweyne Axmed Siilaanyo, hadii ay sii socdaan Waddanka u horseedi doonaan inuu dhaco ku-xad-gudub awoodaha dawladnimo iyo ku takri-fal aan cid ka Xisaabtamaysaa jirin oo lagu sameeyo hantida umadda loogu talo-galay in wax loogu qabto.

xigasho: Wargeyska Yool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here