“Waxaa Uu Ahaa Hoggaamiyihii Ciidammadii SNM Ee Ka Dhex Toosay Burco 27 MAY 1988”
Hargeysa (Hubaal)- Mujaahid Axmed Maxamed Mire Maxamed oo ka mid ahaa saraakiishii Jabhadii SNM ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu muddo rubuc qarni ku dhaw ku maqnaa wadanka Dibadiisa. Mujaahid Axmed waxaa uu muddo badan ku maqnaa qurbaha halkaasi oo uu waxbarasho ka galay markii uu dhamaaday dagaalkii ay SNM kula jirtay Dawladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre. Mujaahidka, waxaa soo dhaweeyay dhamaan siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo ay horkacayaan Masuuliyiinta saddexda Xisbi KULMIYE, UCID IYO WADDANI. Axmed Maxamed Mire, markii uu garoonka kasoo degay waxaa uu u mahadnaqay masuuliyiintii iyo bulshadii kusoo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee Cigaal international Airport. Mujaahidiintii Jabhadii SNM, wasiiro ka tirsan xukuumada iyo madaxda asxaabta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin Soo dhaweyn Mujaahid Axmed Mire. Mujaahid Axmed Mire, waxaa uu ahaa Hogaamiyihii Ciidankii galay magaalada Burco 27 May 1988kii. Mujaahid waxaa uu dalka ka maqnaa mudo 23 sano ah isagoo ku noolaa dalka UK, maanta ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa oo ay ugu dambaysay markii ay ka socdeen Dagaaladii Sokeeye ee ay iskaga horyimaadeen beelaha Somaliland. Soo dhaweyta ee Mujaahid Axmed Mire ee shalay ayaa waxaa iskugu yimi masuuliyiin, Mujaahidiin iyo siyaasiyiin ku kala irdhoobay Siyaasada Somaliland.