Shuruud Xujaysan Oo Ay Wakaallada Biyaha Hargeysi Ku Xidhay Biyaha Ay Cusbitaallada & Masaajidadu Waqafka Ku Helaan

0
30

Gudaha Ka Akhri Qoddob Hanjabaad Ah Oo Ay Wakaalladu Dalbatay In Qaranku U fuliyo

Hargeysa (Hubaal)- Wakaallada Biyaha Hargeysa, ayaa codsatay in loo oggolaado inay lacag ka dhigto Biyaha ay siiso tiro kamid ah Masaajiddo kooban iyo Cisbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa oo ay haatan si bilaash ah u siiso, waxana ay cabasho ka muujisay qaddarka lacageed ee miisaaniyadda qaranka ugu jira. Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha ee Golaha wakiillada Somaliland Md Cumar Sanweyne, waxa ay wakaalladu cabasho ugu timi guddidan oo gacanta ku haysa miisaaniyadda qaranka, waxana ay codsadeen in haddii aan lacagta miisaaniyadda ugu jirta loo kordhin ay goyn doonto biyaha ay masaajidada iyo cisbitaallada siiso. wakaalada biyahaMudane Cumar Sanweyne waxa uu golaha u sheegay inay cabashadaas ka jawaabeen, isla-markaana ay wakaallada ku wargeliyeen inay wasaaradda Maaliyadda kala xaajoodaan dhibka ay tirsanayaan, “Wakaaladda biyuhu waxay ku cabanayaan inay masaajiddada iyo dhakhtarrada Hargeysa ku yaalla siiyaan Biyo bilaash ah iyadoo aanay miisaaniyadoodu is dabooli Karin, laakiin shirar aanu maaliyadda la galnay kadib waxa la yidhi xaggayaga usoo xawila annagaa ka wada hadlaynee”ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne. Wakaallada Biyaha Hargeysa, Ayaan biyaha wada siinin masaajidda caasimadda ku yaalla iyo waliba Cisbitaalada, waxase jira tiro kooban oo masaajiddo ah oo hela biyahaas, kuwaas oo aan wax lagac ah laga qaadin, waxase biyahaas baahi badan u qaba goobaha hela, gaar ahaan masaajidada oo ay ku cibaadaystaan kumanaan muwaadiniin ahi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here